LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waddo Furan

 

Kuwani waa 4 ganacsi oo freelance ah (madax-bannaan) oo aad bilowgiisa internet-ka ama guriga ka bilaabi karto adigoon u baahnayn maalgelin badan

1. Qorista Freelance / Copywriting

Waxaad lacag ka samayn kartaa qoraalka sida maqaalada blog-yada, qoraallada xayaysiinta, email newsletters, ama content suuq-geyn.
🔹 Waxaa jira suuqyo internet-ka ah oo aad ka heli karto macaamiil sida Upwork, Fiverr, ama Freelancer.
🔹 Dad badan ayaa ka bilaaba freelance writing si ay u helaan dakhli joogto ah.


 2. Naqshadeynta Garaafka (Graphic Design)

Haddii aad taqaan curinta naqshadeynta sida Canva ama Adobe Illustrator, waxaad u naqshadeyn kartaa businesses-ka:
. logooyin
 .sawirro xayeysiin ah
 .templates baraha bulshada
.Ganacsi noocan ah waxaa loo baahan yahay shirkado yaryar badan.


 3. Coaching ama Online Consulting

Haddii aad leedahay xirfad gaar ah (tusaale: luqad barid, suuq-geyn, fitness, ama xirfadaha ganacsi), waxaad dadka kale casharro ama talo xoogan uga bixin kartaa online.
Waxaad isticmaali kartaa Zoom, Google Meet, ama social media si aad u bixiso adeeggan, adigoon u baahnayn xafiis

Shirkado yaryar iyo ganacsiyo badan ma haystaan qof u go’an inuu maamulo Facebook, Instagram, TikTok, iwm.
Waxaad u adeegsan kartaa xirfadaha suuq-geynta and content creation si aad u caawiso ganacsiyada kale inay helaan macaamiil cusub

Faa’iidooyinka freelancing:

  • Uma baahnid xafiis ama maalgelin badan.
  • Waxaad ka shaqayn kartaa meel kasta iyo wakhti kasta.
  • Suuq weyn ayaa jira online, oo aad ka heli karto macaamiil caalami ah

 

Post a Comment

8 Comments