LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Business plan “Qorshe Ganacsi”

 

Qorshe Ganacsi waa document kaas oo qeexaya hadafka shirkada iyo habkii ay ku gaadhi lahayd, wuxuuna muhiim u yahay marka la bilaabaya shirkada iyo marka waxka bedel lagu samaynayso labadaba

Marka la bilaabaya: wuxu u muhiim ugu yahay qorshuhu ganacsiga daybixiyaasha iyo maalagadayaasha.

Marka wax-laga bedelayo: wuxu muhiim ugu yahay in loo isticmaalo si wadadii koritaanka ee ganacsiga






Maqaalka maanta waxaan kaga hadli doonaa waxyaalaha muhiimka u ah si qoro Qorshe guulaysta iyo sidii loo qori lahaa

Noocyada Qorshe ganacsiyeedka         

Qorshaha ganacsiga waa loo qori karaa noocyo badan, laakiin sida caadiga ah waxaa loo qaybiyaa 2 qaybood kuwaasoo kala ah: qorsha ganacsiyeed qadiimi ah iyo mid casriga ah

·         Qorshe ganacsiyeed qadiimi ah: waxay ahaayeed kuwa dhaadheer oo faahfaahsan waxay u baahan tahay dadaal badan si loo sameeyo, laakiin waxay xambaarsan tahay xog badan taasoo qancin karaysa maagashatada

·         Qorshe ganacsiyeedka cusub: kani wuu kooban yahay mararka qaarkood waa 1 bog oo kaliya, wuxuuna awooda saaraya erey bixinta qorshaha ganacsiga, wuxu kuu ilaalinaya wakhtiga, haddii loo baahdo xog dheeraad ah shirkada way ku siinaysaa.


Side u diyaariyaa Qorshe ganacsiyeed.

1.       Ha ahaado mid cad oo diirada saaraya waxaad doonayso inaad gaadho – tani waxay kaa caawinaysa inaad kooxda kula shaqaynaysa ku midayso hal ujeedo oo isku mid ah si dhakhso loogu gaadho hadafka

2.       Dooro hab Qorshe Ganacsi ee adiga kuu shaqaynayaa – waxaa laga yaaba in adiga uu shaqeeyo hab gaar ah

3.       Ka dhig mid gaaban, oo fudud lana fahmi karo

4.       Ha ahaadaan qaar la gaadhi karo waaqicana ka turjumaya lana xidhiidha waxaad doonayso inaad ka gaadho ganacsigaaga

5.       Samee SWOT analysis si aad u ogaato awooda, dafiicnimada, fursadaha iyo caqabadaha horyaala ganacsigaaga

6.       U bandhig Qorshe ganacsiyeedkaaga qof aqoon u leh si uu kuu saxo wixii kaa khaldan.

 

 


 

 

Faaidada qorshaha ganacsi

·         Wuxu kaa caawinayaa inaad gaadho ujeedka ganacsigaaga

·         Wuxuu kuu fududaynayaa inaad hesho maalgashi

·         Wuxu kuu sahlayaa ogaato dakhigaaga maalinlaha ah

·         Si aad hantidaada u meelayso

·         Inaad fahanto tartamyaasha dhabta ah

Gunaanad

 

Si guud inaad lahaato qorshe ganacsi waxay muhiim u tahay caafimaad qabka ganacsigaaga oo suuro gal maaha in maaliyadaada aad ka war hayso adoo aan lahayn qorsha ganacsi “business plan”, sidaas darted waa muhiim aan laga maarmi Karin inaad lahaato business plan waliba casri ah.

 

 

https://www.opportunitiesforafricans.com/category/scholarships/masters/

Post a Comment

5 Comments