Qorshe Ganacsi waa document kaas oo qeexaya hadafka shirkada
iyo habkii ay ku gaadhi lahayd, wuxuuna muhiim u yahay marka la bilaabaya
shirkada iyo marka waxka bedel lagu samaynayso labadaba
Marka la bilaabaya: wuxu
u muhiim ugu yahay qorshuhu ganacsiga daybixiyaasha iyo maalagadayaasha.
Marka wax-laga bedelayo: wuxu muhiim ugu yahay in loo isticmaalo si wadadii koritaanka ee ganacsiga
Maqaalka maanta waxaan kaga hadli doonaa waxyaalaha muhiimka
u ah si qoro Qorshe guulaysta iyo sidii loo qori lahaa
Noocyada Qorshe ganacsiyeedka
Qorshaha ganacsiga waa loo qori
karaa noocyo badan, laakiin sida caadiga ah waxaa loo qaybiyaa 2
qaybood kuwaasoo kala ah: qorsha ganacsiyeed qadiimi ah iyo mid casriga ah
·
Qorshe ganacsiyeed qadiimi ah: waxay ahaayeed
kuwa dhaadheer oo faahfaahsan waxay u baahan tahay dadaal badan si loo sameeyo,
laakiin waxay xambaarsan tahay xog badan taasoo qancin karaysa maagashatada
· Qorshe ganacsiyeedka cusub: kani wuu kooban yahay mararka qaarkood waa 1 bog oo kaliya, wuxuuna awooda saaraya erey bixinta qorshaha ganacsiga, wuxu kuu ilaalinaya wakhtiga, haddii loo baahdo xog dheeraad ah shirkada way ku siinaysaa.
Side u diyaariyaa Qorshe ganacsiyeed.
1.
Ha ahaado mid cad oo diirada saaraya waxaad
doonayso inaad gaadho – tani waxay kaa caawinaysa inaad kooxda kula shaqaynaysa
ku midayso hal ujeedo oo isku mid ah si dhakhso loogu gaadho hadafka
2.
Dooro hab Qorshe Ganacsi ee adiga kuu
shaqaynayaa – waxaa laga yaaba in adiga uu shaqeeyo hab gaar ah
3.
Ka dhig mid gaaban, oo fudud lana fahmi karo
4.
Ha ahaadaan qaar la gaadhi karo waaqicana ka
turjumaya lana xidhiidha waxaad doonayso inaad ka gaadho ganacsigaaga
5.
Samee SWOT analysis si aad u ogaato awooda, dafiicnimada,
fursadaha iyo caqabadaha horyaala ganacsigaaga
6.
U bandhig Qorshe ganacsiyeedkaaga qof aqoon u
leh si uu kuu saxo wixii kaa khaldan.
Faaidada qorshaha ganacsi
·
Wuxu kaa caawinayaa inaad gaadho ujeedka ganacsigaaga
·
Wuxuu kuu fududaynayaa inaad hesho maalgashi
·
Wuxu kuu sahlayaa ogaato dakhigaaga maalinlaha ah
·
Si aad hantidaada u meelayso
·
Inaad fahanto tartamyaasha dhabta ah
Gunaanad
Si guud inaad lahaato qorshe ganacsi waxay muhiim u tahay
caafimaad qabka ganacsigaaga oo suuro gal maaha in maaliyadaada aad ka war
hayso adoo aan lahayn qorsha ganacsi “business plan”, sidaas darted waa muhiim
aan laga maarmi Karin inaad lahaato business plan waliba casri ah.
https://www.opportunitiesforafricans.com/category/scholarships/masters/

.jpg)

5 Comments
mansha alaah
ReplyDeletegood
ReplyDeletegoog luc
ReplyDeletesynbol
ReplyDeletejug
ReplyDelete