LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Business plan “Qorshe Ganacsi”

Business plan “Qorshe Ganacsi”

 

Qorshe Ganacsi waa document kaas oo qeexaya hadafka shirkada iyo habkii ay ku gaadhi lahayd, wuxuuna muhiim u yahay marka la bilaabaya shirkada iyo marka waxka bedel lagu samaynayso labadaba, qorshe waa marinkii loo mari lahaa hadafka shirkadu leedahay si ay gaadho, wuxuu qeexayaa dhamaan wax kaste oo la samaynayo inta lagu jiro safarkaasi guul raadiska ah, wuxuu sheegayaa sidii dhibaatooyinka loo maareyn lahaa haddii ay yimaadaanba, sidii loogu heli lahaa xal waara, iyo wax kaste oo ku saabsan shirkadaasi intay guulaysanayso.

Qorshe ganacsi waa waxa ugu muhiimsan marka ganacsi cusub la bilaabayo waayo la’aantii waxba suura gal maaha, balse waxay guusha shirkadaasi ku xidhan sida u dejiso qorsha fiican oo la raaco, business plan marka la diyaarinayo waxaa loo wado gaar ah taasi oo ka turjumaysa meesha loo socdo, waa la doonayo in la gaadho iyo hadafka guud ee shirkadaasi suuqa ka leedahay, haddii intaasi si fiican loo qeexo, wax kaste ku saabsan qorshaha shirkadaasi wuu guulaysan karaa, waayo waxaa la garan karaa meesha loo socdo.

 Qorshuhu wuxuu maraa marxalado kale duwan kuwaasi oo mid kaste oo ka mid ahi leedahay astaamo u gaar ah bilow ilaa dhamaad, Marka la bilaabaya ganacsi in qorshe la qoraa wuxu muhiim u yahay qorshuhu ganacsiga daybixiyaasha iyo maalagadayaasha, Marka wax-laga bedelayo wuxu muhiim ugu yahay in loo isticmaalo si wadadii koritaanka ee ganacsiga si uu usii jiri karo oo aanu halkaasi ugu dhamaan, Maqaalka maanta waxaan kaga hadli doonaa waxyaalaha muhiimka u ah si qoro Qorshe guulaysta iyo sidii loo qori lahaa, qodobada uu ka koobnaan doono qorshu, wadadii loo mari lahaa si loo fuliyo qorshahani la qoray iyo wali sidii dhibaatooyinka ka hor yimaada looga gudbi lahaa ee aanay hawshu u joogsan lahayn marna, dhamaan kuwaasi waa muhiim in la fahmaa waayo waxaa ku xidhan guusha qorshaha ganacsi iyo inuu meel fiican gaadho.

Noocyada Qorshe ganacsiyeedka         

Qorshaha ganacsiga waa loo qori karaa noocyo badan, laakiin sida caadiga ah waxaa loo qaybiyaa 2 qaybood kuwaasoo kala ah: qorsha ganacsiyeed qadiimi ah iyo mid casriga ah, labada qorshe mid kaste wuxuu arrimo isaga u gaar ah oo uu ka kale kaga duwan yahay, laakiin ujeedka laga leeyahay waa isku mid waana in la gaadho hadafka shirkada loo sameeyey, sidaasi darteed marka noocyada qorshaha laga hadlayo waxaa weeye wadadii loo mari lahaa hadafka shirkada oo dhinacyo badan laga eegay mid kastana wuxuu leeyahay meelo uu ku fiican yahay iyo sidoo kale meelo uu ku xun yahay, labadan qorshe mid kii aad doonto waad isticmaali kartaa si aad u gaadho ujeedkaaga oo qoran,

ü    Qorshe ganacsiyeed qadiimi ah: waxay ahaayeed kuwa dhaadheer oo faahfaahsan waxay u baahan tahay dadaal badan si loo sameeyo, laakiin waxay xambaarsan tahay xog badan taasoo qancin karaysa maagashatada oo wax kaste oo shirkada ku saabsan waxay ku qoran yihiin qorshaha shirkadaasi.

ü    Qorshe ganacsiyeedka cusub: kani wuu kooban yahay mararka qaarkood waa 1 bog oo kaliya, wuxuuna awooda saaraya erey bixinta qorshaha ganacsiga, wuxu kuu ilaalinaya wakhtiga, haddii loo baahdo xog dheeraad ah shirkada way ku siinaysaa, laakiin kuma qorta boga hore qorshe ganacsiga, wuxuu leeyahay faa’ido iyo khasaare labadaba laakiin faa’idada ayaa badan markan.

Side u diyaariyaa Qorshe ganacsiyeed.

Marka aad qorayso qorshe ganacsiga waa inaad raacdaa talaabooyin la yaqaano oo jira si aad u qorto qorshe la garan karo oo saxan, halkan waxaan kusoo gudbin doonaa qaar kamid talaaboyinkaasi laga maarmaanka u ah si loo qoro qorsha ganacsi oo guulaysta, waad kale horaysiin karta balse waxaa muhiim ah inaad dhamaantood samayso si meel sare u gaadho

1.       Ha ahaado mid cad oo diirada saaraya waxaad doonayso inaad gaadho – tani waxay kaa caawinaysa inaad kooxda kula shaqaynaysa ku midayso hal ujeedo oo isku mid ah si dhakhso loogu gaadho hadafka guud ee shirkadu leedahay.

2.       Dooro hab Qorshe Ganacsi ee adiga kuu shaqaynayaa – waxaa laga yaaba in adiga uu shaqeeyo hab gaar ah qor qorshe naftaada la qabsan karto markiiba oo dhib kugu ahayn.

3.       Ka dhig mid gaaban, oo fudud lana fahmi karo, si aad u wada socon kartaa shaqaalaha kale.

4.       Ha ahaadaan qaar la gaadhi karo waaqicana ka turjumaya lana xidhiidha waxaad doonayso inaad ka gaadho ganacsigaaga waliba wakhti cayiman oo la yaqaano.

5.       Samee SWOT analysis si aad u ogaato awooda, dafiicnimada, fursadaha iyo caqabadaha horyaala ganacsigaaga taasi waxay kaa caawin kartaa guul inaad gaadho markiiba.

6.       U bandhig Qorshe ganacsiyeedkaaga qof aqoon u leh si uu kuu saxo wixii kaa khaldan.

Faaidada qorshaha ganacsi

Inaad qorshe ganacsi samaysataa waxaad ka helay arrimo oo ay ka mid inaad gaadho ujeedkii aad u samaysay ganacsigan iyo waliba wakhtigii aad ugu talo gashay gudihiisa, taasi waa faa’idada ugu horeysa uguna weyn sidoo kale waxaad ka heli kartaa:

·         Wuxu kaa caawinayaa inaad gaadho ujeedka ganacsigaaga

·         Wuxuu kuu fududaynayaa inaad hesho maalgashi dibadda ah

·         Wuxu kuu sahlayaa ogaato dakhigaaga maalinlaha ah ama bilaha ah

·         Si aad hantidaada u meelayso una ilaaliso dakhliga kusoo galaya.

·         Inaad fahanto tartamyaasha dhabta ah ee suuqa kula jooga wakhtigan.

Gunaanad

Si guud inaad lahaato qorshe ganacsi waxay muhiim u tahay caafimaad qabka ganacsigaaga oo suuro gal maaha in maaliyadaada aad ka war hayso adoo aan lahayn qorsha ganacsi “business plan”, sidaas darted waa muhiim aan laga maarmi Karin inaad lahaato business plan waliba casri ah, taasi wadada ugu muhiimsan ee maanta aad ku xaqiijin karto waxaad doonayso waliba inay u dhacaan sidaad rabto adigu, samee qorshe ganacsi oo wali si fiican u qoran wuxuu ku gaadhsiin  karaa meel sare iyo inaad hesho maal galin kale oo dheeraad ah taasi oo u fiican ganacsigaaga wax weyna u tari doonta haddii aad ku guulaysato, raac qodobadan aan soo sheegnay si aad u qorshe qorshe dhamaystiran oo guulaysta, waliba ha ahaato qorshahaaga mid casri ah oo la jaan qaadi karo wakhtigan la joogo iyo technology, waxay kaa dhigaysaa mid hore mar deg deg ah samayn kara, kana faa’idaysan kara fursad kaste oo timaada markiiba, hadii barigii hore aan muhiim loo arkayn in la sameeyo qorshe ganacsi maanta waxaan odhan karnaa isaga ayaaba ka muhiimsan ganacsiga laftiisa, oo intaad la bilaabin waa in qorshaha la sameeyaa.

 

 

https://www.opportunitiesforafricans.com/category/scholarships/masters/

 


Post a Comment

16 Comments