Business
plan “Qorshe Ganacsi”
Qorshe
Ganacsi waa document kaas oo qeexaya hadafka shirkada iyo habkii ay ku gaadhi
lahayd, wuxuuna muhiim u yahay marka la bilaabaya shirkada iyo marka waxka
bedel lagu samaynayso labadaba, qorshe waa marinkii loo mari lahaa hadafka
shirkadu leedahay si ay gaadho, wuxuu qeexayaa dhamaan wax kaste oo la
samaynayo inta lagu jiro safarkaasi guul raadiska ah, wuxuu sheegayaa sidii
dhibaatooyinka loo maareyn lahaa haddii ay yimaadaanba, sidii loogu heli lahaa
xal waara, iyo wax kaste oo ku saabsan shirkadaasi intay guulaysanayso.
Qorshe
ganacsi waa waxa ugu muhiimsan marka ganacsi cusub la bilaabayo waayo la’aantii
waxba suura gal maaha, balse waxay guusha shirkadaasi ku xidhan sida u dejiso qorsha
fiican oo la raaco, business plan marka la diyaarinayo waxaa loo wado gaar ah
taasi oo ka turjumaysa meesha loo socdo, waa la doonayo in la gaadho iyo hadafka
guud ee shirkadaasi suuqa ka leedahay, haddii intaasi si fiican loo qeexo, wax
kaste ku saabsan qorshaha shirkadaasi wuu guulaysan karaa, waayo waxaa la garan
karaa meesha loo socdo.
Qorshuhu wuxuu maraa marxalado kale duwan kuwaasi oo mid kaste oo ka mid ahi leedahay astaamo u gaar ah bilow ilaa dhamaad, Marka la bilaabaya ganacsi in qorshe la qoraa wuxu muhiim u yahay qorshuhu ganacsiga daybixiyaasha iyo maalagadayaasha, Marka wax-laga bedelayo wuxu muhiim ugu yahay in loo isticmaalo si wadadii koritaanka ee ganacsiga si uu usii jiri karo oo aanu halkaasi ugu dhamaan, Maqaalka maanta waxaan kaga hadli doonaa waxyaalaha muhiimka u ah si qoro Qorshe guulaysta iyo sidii loo qori lahaa, qodobada uu ka koobnaan doono qorshu, wadadii loo mari lahaa si loo fuliyo qorshahani la qoray iyo wali sidii dhibaatooyinka ka hor yimaada looga gudbi lahaa ee aanay hawshu u joogsan lahayn marna, dhamaan kuwaasi waa muhiim in la fahmaa waayo waxaa ku xidhan guusha qorshaha ganacsi iyo inuu meel fiican gaadho.
Noocyada Qorshe
ganacsiyeedka
Qorshaha
ganacsiga waa loo qori karaa noocyo badan, laakiin sida caadiga ah waxaa loo
qaybiyaa 2 qaybood kuwaasoo kala ah: qorsha ganacsiyeed
qadiimi ah iyo mid casriga ah, labada qorshe mid kaste wuxuu arrimo isaga u
gaar ah oo uu ka kale kaga duwan yahay, laakiin ujeedka laga leeyahay waa isku
mid waana in la gaadho hadafka shirkada loo sameeyey, sidaasi darteed marka
noocyada qorshaha laga hadlayo waxaa weeye wadadii loo mari lahaa hadafka
shirkada oo dhinacyo badan laga eegay mid kastana wuxuu leeyahay meelo uu ku
fiican yahay iyo sidoo kale meelo uu ku xun yahay, labadan qorshe mid kii aad
doonto waad isticmaali kartaa si aad u gaadho ujeedkaaga oo qoran,
ü
Qorshe ganacsiyeed qadiimi ah: waxay ahaayeed kuwa
dhaadheer oo faahfaahsan waxay u baahan tahay dadaal badan si loo sameeyo,
laakiin waxay xambaarsan tahay xog badan taasoo qancin karaysa maagashatada oo
wax kaste oo shirkada ku saabsan waxay ku qoran yihiin qorshaha shirkadaasi.
ü Qorshe ganacsiyeedka cusub: kani wuu kooban yahay mararka qaarkood waa 1 bog oo kaliya, wuxuuna awooda saaraya erey bixinta qorshaha ganacsiga, wuxu kuu ilaalinaya wakhtiga, haddii loo baahdo xog dheeraad ah shirkada way ku siinaysaa, laakiin kuma qorta boga hore qorshe ganacsiga, wuxuu leeyahay faa’ido iyo khasaare labadaba laakiin faa’idada ayaa badan markan.
Side u diyaariyaa Qorshe
ganacsiyeed.
Marka
aad qorayso qorshe ganacsiga waa inaad raacdaa talaabooyin la yaqaano oo jira
si aad u qorto qorshe la garan karo oo saxan, halkan waxaan kusoo gudbin doonaa
qaar kamid talaaboyinkaasi laga maarmaanka u ah si loo qoro qorsha ganacsi oo
guulaysta, waad kale horaysiin karta balse waxaa muhiim ah inaad dhamaantood
samayso si meel sare u gaadho
1. Ha
ahaado mid cad oo diirada saaraya waxaad doonayso inaad gaadho – tani waxay kaa
caawinaysa inaad kooxda kula shaqaynaysa ku midayso hal ujeedo oo isku mid ah
si dhakhso loogu gaadho hadafka guud ee shirkadu leedahay.
2. Dooro
hab Qorshe Ganacsi ee adiga kuu shaqaynayaa – waxaa laga yaaba in adiga uu
shaqeeyo hab gaar ah qor qorshe naftaada la qabsan karto markiiba oo dhib kugu
ahayn.
3. Ka
dhig mid gaaban, oo fudud lana fahmi karo, si aad u wada socon kartaa shaqaalaha
kale.
4. Ha
ahaadaan qaar la gaadhi karo waaqicana ka turjumaya lana xidhiidha waxaad
doonayso inaad ka gaadho ganacsigaaga waliba wakhti cayiman oo la yaqaano.
5. Samee
SWOT analysis si aad u ogaato awooda, dafiicnimada, fursadaha iyo caqabadaha
horyaala ganacsigaaga taasi waxay kaa caawin kartaa guul inaad gaadho markiiba.
6. U
bandhig Qorshe ganacsiyeedkaaga qof aqoon u leh si uu kuu saxo wixii kaa
khaldan.
Faaidada qorshaha ganacsi
Inaad
qorshe ganacsi samaysataa waxaad ka helay arrimo oo ay ka mid inaad gaadho
ujeedkii aad u samaysay ganacsigan iyo waliba wakhtigii aad ugu talo gashay gudihiisa,
taasi waa faa’idada ugu horeysa uguna weyn sidoo kale waxaad ka heli kartaa:
·
Wuxu kaa caawinayaa inaad gaadho ujeedka ganacsigaaga
·
Wuxuu kuu fududaynayaa inaad hesho maalgashi dibadda ah
·
Wuxu kuu sahlayaa ogaato dakhigaaga maalinlaha ah ama
bilaha ah
·
Si aad hantidaada u meelayso una ilaaliso dakhliga
kusoo galaya.
· Inaad fahanto tartamyaasha dhabta ah ee suuqa kula jooga wakhtigan.
Gunaanad
Si
guud inaad lahaato qorshe ganacsi waxay muhiim u tahay caafimaad qabka
ganacsigaaga oo suuro gal maaha in maaliyadaada aad ka war hayso adoo aan
lahayn qorsha ganacsi “business plan”, sidaas darted waa muhiim aan laga maarmi
Karin inaad lahaato business plan waliba casri ah, taasi wadada ugu muhiimsan
ee maanta aad ku xaqiijin karto waxaad doonayso waliba inay u dhacaan sidaad
rabto adigu, samee qorshe ganacsi oo wali si fiican u qoran wuxuu ku
gaadhsiin karaa meel sare iyo inaad
hesho maal galin kale oo dheeraad ah taasi oo u fiican ganacsigaaga wax weyna u
tari doonta haddii aad ku guulaysato, raac qodobadan aan soo sheegnay si aad u
qorshe qorshe dhamaystiran oo guulaysta, waliba ha ahaato qorshahaaga mid casri
ah oo la jaan qaadi karo wakhtigan la joogo iyo technology, waxay kaa dhigaysaa
mid hore mar deg deg ah samayn kara, kana faa’idaysan kara fursad kaste oo
timaada markiiba, hadii barigii hore aan muhiim loo arkayn in la sameeyo qorshe
ganacsi maanta waxaan odhan karnaa isaga ayaaba ka muhiimsan ganacsiga laftiisa,
oo intaad la bilaabin waa in qorshaha la sameeyaa.
https://www.opportunitiesforafricans.com/category/scholarships/masters/

.jpg)

16 Comments
mansha alaah
ReplyDeletegood
ReplyDeletegoog luc
ReplyDeletesynbol
ReplyDeletejug
ReplyDeleteok
ReplyDeletegood
ReplyDeletehare
ReplyDeletegood lu
ReplyDeletethnks
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletegfafy
ReplyDeletegood lucky
ReplyDeleteHa mansha allah
ReplyDeleteThanks
ReplyDeleteHi ok
ReplyDelete