Blockchain
& Crypto
Sanadihii u dambeeyay,
dunida teknoolajiyada waxay ka socda isbeddel weyn oo ah dhinaca Blockchain iyo Crpyptocurrency.
Labadan tignoolajiyadood waxay beddelayaan sida lacagta loo maareeyo, xogta loo
kaydiyo, iyo sida ganacsiyada loo wado. Blockchain-ka waxa uu keenay mabda’
cusub oo ah in xogta la wada
maamulo, halka Cryptocurrency ay noqotay lacag dijitaal ah oo aan u baahnayn bangi dhexe oo ay marto, waxay
keeneen is bedel weyn oo ah dhinaca dhaqaalaha adduunka, crypto currency oo ah
lacagta digital ah oo aan la taaban karin waxay adduunkii ka dhib mid ka madax banaanan
kara bangiyadii dhexe reer galbeelku dunida ku maamuli jireen, taasi waxay
keenaysaa xornimo dhaqaale oo aan hore loo arag kaasi oo kordhin kara fursadaha
ay helayaan wadamada soo koriyaa oo markii lagu maamuli jiray isku socodka
dhaqaalaha.
Maanta waxaan maqaalkan kaga hadli saamayn ay keenay isticmaalka lacagaha crypto iyo blockchain oo ah habka casriga ee xog loo wadaago wakhtigan la joogo, taasi oo fududaysay xogo muhiim ah in isla hal mar la wada heli helo maadaama la adeegsanayo chain isku wada xidhan, waxaan sidoo kale sheegi doona noocyada blockchain iyo crypto waxay tahay siday u shaqayso, faa’ido iyo khasaare waxay leedahay iyo sida ugu fudud ee looga faa’idaysn karo, waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn tusaaleyaal aan ka bixin doono crypto currency iyo adeegsi wakhti oo aad u badan marka loo eego xiliyadii hore.
Marka laga hadlayo lacagaha crypto waa lacag aan si
caadi ah u jirin oo aan la taaban karin, balse digital ah oo ah numbero meel ku
qoran kuwaasi oo maanta adduunka kala wada, waxay ku jirtaa website halkaasi o
qof kaste ku leeyahay account gaar ah oo ay ugu qoran tahay xogtiisa iyo
lacagta uu haysto, “personal account” waxaa la sameeyaa dhaqdhaqaaq kaasi ka
dhex dhaca internetka dhexdiisa saamayna ku yeelan kara suuqa caadiga ah, block
chain waxay ka dhigta dunida mid iskugu xidhan oo mar kaste xogta la wada heli
karo, iyada aan meel la waa joogin, sidaasi darteed crypto iyo blockchain waa
laba mawduuc oo aad iskugu xidhan.
Waa Maxay Blockchain?
Blockchain waa hab kaydinta xogta oo furan
(decentralized), kaas oo xogta u kala qaybiya kaydyo isxigxiga (blocks), kuwaas
oo isku xiran, waxaanay taasi keenaysaa in xogta markaste oo loo baahan si yar
oo fudud lagu heli karo, waxaa yaraanaya in ay xogtu lunto ama la waayo iyo in
meel kaste laga heli karo, waxay leedahay saddex astaamood oo waaweyn:
1. Transparency
(Hufnaan)
Xogta ku jirta
blockchain-ka waa la wada arki karaa, taas oo kordhisa kalsoonida, meeshana ka
saaraysa tuhunkii, wuxuu qofkastaaba arki karaa xogtiisa si caadi ah oo dhib ku
hayn.
2. Security (Ammaan
Sare)
Xog kasta oo cusub waxay
ku xirmaysaa xogtii hore, taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in la beddelo ama
la jabsado waxay leedahay raad raac oo waxa la heli karaa xogtaadi hore oo
saxan waana sabab laysugu halayn karo markaste, taasi waxay keenaysaa in qofna xogtiisa
lumin.
3. Decentralization (Aan
Lahayn Maamul dhexe)
Ma jiro hal hay’ad oo kaliya oo maamusha blockchain-ka; dadka isticmaala ayaa si wadajir ah u maamula, sidaan hore usoo sheeganay ma jiro bangi ama shirkad kale oo maamusha xogtaani, balse si wada jir ah ayaa loo maamula taasi waxay keenaysa kalsooni badan oo lagu qabi karo.
Cryptocurrency: Lacag
Dijitaal ah
Cryptocurrency waa lacag
ku shaqaysa tignoolajiyada blockchain. Waxaa ugu caansan Bitcoin,
laakiin waxaa jira kumannaan coin iyo token kale sida Ethereum, BNB, Solana,
iyo Cardano, waa digital
ah taasi oo aan la taaban karin balse la arki karo, waxay adduunka ka dhigtay
mid isku xidhan oo si dhib yar lacag la iskugu diri karo, waxay sidoo kale
meesha ka saartay maamulkii bangiyada dhexe ku lahaayeen adeeg maaliyadeed ee
adduunka taanisa waxay faa’ido u tahay cid kaste oo ka baqaysay in la daba galo
maanta, oo waxay diri karaan lacag aan xad lahayn wakhti yar guduhiisa.
Faa’iidooyinka
Cryptocurrency:
- Degenaan la’aan xad dhaaf ah (Ma jiro bangi dhexe oo go'aamiya qiimaha)
- Kalsooni sare (Waxay
ku shaqaysaa blockchain)
- Xawaalad sahlan oo caalami ah (Lacag dirid degdeg ah oo jaban)
- Horumar fintech (DeFi,
NFTs, Smart contracts)
DeFi – Mustaqbalka
Bangiyada
Decentralized Finance
(DeFi) waa nidaam
maaliyadeed aan u baahnayn hay’ad dhexe, oo wuxu kaligii qabanayaa shaqooyin markii
hore dad badan qaban jireen si shaqadaasi loo dhamaystiro. Waxaa lagu sameeyaa
adeegyo sida:
- amaah bixinta
- lacag maalgelin
- lacag kaydin dijitaal ah
… dhammaan iyada oo aan bangi dhex marin.
DeFi waxa uu dhaqaale ahaan xor ka dhigayaa qof kasta oo leh internet. waxaan kaga hadli doonaa article-ka soo socda i.n
NFTs – Hantida
Dijitaalka ah
NFT (Non-Fungible Token)
waa shay dijitaal ah oo gaar ah sida:
- farshaxan
- music
- dhul metaverse
- digital assets kale
NFTs waxay u
suurtageliyeen abuurayaasha in ay lacag ka sameeyaan shaqadooda iyagoo aan u
baahnayn shirkado dhexdhexaad ah.
Caqabadaha:
Waxaa jira dhibaatooyin ay leedahay
crypto currency kuwaasi oo ka dhigaya mid isticmaalkedu xadidan yahay, oo aan
aad u faafin wakhtiga la joogo, caqabadaha waxaa ka mid ah kuwa cusub iyo qaar hore
u jiray dhamaantod waxay hor taagan yihiin inay adduunka ku fido lacagtani oo
noqoto bedelka dollar ka wakhti dhaw.
- Qiime is-beddel degdeg ah (volatility)
- Xeerar dowladeed oo wali iska hor imanaya
- Isticmaal xadidan oo weli sii koraya
Gabagabo
Blockchain & Crypto
waxay yihiin tignoolajiyad beddeleysa nidaamka dhaqaalaha, ganacsiga, kaydinta
xogta, iyo sida dadka dunida ku nool u wada macaamilaan. Inkastoo ay jiraan
caqabado, haddana koboca joogtada ah iyo hal-abuurka ka imanaya Web3, DeFi, iyo
NFTs waxay muujinayaan in mustaqbalka maaliyadda uu noqon doono mid dijitaal, furan, oo aan lahayn xayiraad kale,
waa saadaal fiican marka loo eego caqabadaga kusoo fool leh wakhtiga oo aad moodo
inay intii hore ka badan yihiin, kuwaasi oo yaraynaya fiditaankii adeegsiga lacagaha
crypto, volatility oo in qiima coinsku si deg deg isu beddelaan ama hoos ugu
dhacaan ayaa ah tan ugu weyne ee dhibaatada ku ah koriinka lacagtan, sidoo kale
way dhibaatooyin kale oo xal baahan wakhtigan kuwaasi iyaguna qayb ka ah,
blockchain waxay sahashay isku
xidhnaanta xogta kale duwan, iyo sidii hal meel looga wada heli lahaa dhamaan
xogaha qofka taasi sahlaysa inaan khal khal ka dhex dhicin system oo wax kaste
cadaan ahaadaan,



7 Comments
Hi
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletehayee sx
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletehaaye
ReplyDeletehaaye
ReplyDeleteok
ReplyDelete