LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waddo Furan

Waddo Furan

halkan waxaan kusoo gudbin doonaa 4 ganacsi oo freelance ah (madax-bannaan) oo aad bilowgiisa internet-ka ama guriga ka bilaabi karto adigoon u baahnayn maalgelin badan, waxaad ku bilaabi kartaa si bilaash ah oo wax qarash ah kaagama baahna, kaliya waxay lagaa rabaa waa inaad xirfad leedahay iyo inaad dedaal badan samayso oo aad meel hoose kasoo bilaabi karto, ilaa aad gaadh heer fiican iyo meel sare.

Shaqooyinkani waa freelance oo adiga ayaa si madax banaan u shaqaysanaya, balse waxaad ku shaqaynaysaa waa xirfad taasi oo kaaga baahan barasho fiican iyo khibrad sare, sidoo kale waxay kaa samir badan intaad bilowga tahay ee cusub tahay si aad u hesho macaamiil badan oo ku qanca adeegaaga, haddii aad intaasi isla hesho waad ku guulaysan karta dhamaan shaqooyinkan waliba muddo yar oo kooban, waxaan qodob qodob uga hadli doonaa dhamaan 4 ganacsi ee freelance ah inaga oo mid kaste ka bixin doonaa sharaxaad iyo tusaaleyaal kale duwan oo lagu fahmi karo.

Freelance waa mawduuc dhawaan soo shaac baxay oo aan hore loo aqoon, kaasi oo ah in qofku iasagu iskii u shaqaysan oo aanu cidna ku tiirsanaan, hadda wuxuu galay dhamaan dhinacyada shaqada, halka uu barigii hore ku koobnaa mawduucyo yar oo gooni ah, tani waxay keentay fursada aad u badan oo aan hore u jiri jirin balse hadda cusub kuwaasi oo dhalin yaro badan u furay albaabo ay noloshooda ku maarayn karaan halkii ay qof kale ama shirkad ay mushahar ka sugi lahaayeen wakhti dheer, waliba waxay ka helayaan shaqadaasi aanu naftooda ku filnaan jirin,  freelance wuxuu bedelay nolosha kumanaan qof oo maanta ku nool nolol ka waangsan tii hore, intii aanay soo galin suuqan xorta ah ee aanad cidna wax ka suagaynin, haddii aad maanta leedahay mid ka mid ah xirfahaasi aan soo sheegnay waxaad samaysan kartaa brand kuu gaar ah kaasi oo haddii uu suuqa si fiican u galo aad dhaqaale badan ka samayn karto adiga oo aan cidna u shaqaynayn balse naftaada oo kaliya.

1. Qorista / Copywriting

Qorista maqaalada waa mid ka mid hababka freelance oo samayn karto adiga oo gurigaaga jooga, waxaad maqaalo tayo fiican leh kuwaasi oo soo gudbinayaa xog muhiim ah oo baahi loo qabo, hadaad intaad ku guulaysato waxaad helaysaa akhristayaal badan oo kugu xidhan, waana meesha ugu muhiim inaad hesho dad waxaad soo gudbinayso ku kalsoon oo ku aaminsan, intaasi ka dib waxaad codsan kartaa google pay si lagugu fasaxo xayaysiis oo aad dakhli uga heli karto, maqaal kaste oo qorto, sidoo kale waxaad heli kartaa sponsors gudaha ah kuwaasina waa il kale oo aad dhaqaale fiican ka samayn karto bilkasta.

Waxaad lacag ka samayn kartaa qoraalka sida maqaalada blog-yada, qoraallada xayaysiinta, email newsletters, ama content suuq-geyn, Waxaa jira suuqyo internet-ka ah oo aad ka heli karto macaamiil sida Upwork, Fiverr, ama Freelancer, Dad badan ayaa ka bilaaba freelance writing si ay u helaan dakhli joogto ah, oo laysku halayn karo, waa suuqa wali banaan kaasi oo u furan cid kaste oo doonaysa inay hadda soo gasho.

 2. Naqshadeynta (Graphic Design)

Nashqada maanta waxaa loo qabaa baahi aad u badan oo suuqa ka jirta, shirkad kaste, ganacsi kaste, xafiiskaste iyo xataa dadka gaar u shaqaystaa waa baahi ay qabaan xilliga oo waxay cid wax u nashqadaysa, si guud graphic design waa inaad samayso logada, posture ama xayaysiinta baraha bulshada loo adeegsado si maalinle ah, sidaasi darteed waxaa badan baahida loo qabo wakhtigan maadaama meel kaste looga baahan yahay,

Haddii aad taqaan curinta naqshadeynta sida Canva ama Adobe Illustrator, waxaad u naqshadeyn kartaa businesses-ka: logooyin, sawirro xayeysiin ah, templates baraha bulshada, Ganacsi noocan ah waxaa loo baahan yahay shirkado yaryar badan, waxaanad heli kartaa suuqa aan qiyaas lahayn wakhti yar, laakiin waa inaad marka hore xirfadan si fiican u barataa.

 3. Coaching ama Online Consulting

Haddii aad leedahay xirfad gaar ah (tusaale: luqad barid, suuq-geyn, fitness, ama xirfadaha ganacsi), waxaad dadka kale casharro ama talo xoogan uga bixin kartaa online, inaad bixi tababar online waa shaqo aad u fudud kaliya u baahan inaad aqoontaasi leedahay marka hore, sidoo kale la talin ayaad bixi kartaa si online adiga oo gurigaaga jooga
Waxaad isticmaali kartaa Zoom, Google Meet, ama social media si aad u bixiso adeeggan, adigoon u baahnayn xafiis, Shirkado yaryar iyo ganacsiyo badan ma haystaan qof u go’an inuu maamulo Facebook, Instagram, TikTok, iwm.
Waxaad u adeegsan kartaa xirfadaha suuq-geynta and content creation si aad u caawiso ganacsiyada kale inay helaan macaamiil cusub

4-samaynta Website

Samaynta website waa mid ka mid ah shaqooyin wakhtigan suuqa fiican leh, waayo jirta baahi aad ah oo loo qabo maanta, sidaasi darteed waxaad website u samayn kartaa dadka raba inay wax kusoo gudbiyaan sida maqaalada ama talooyinka caafimaad, wararka iyo ciyaaraha waxaad ka heli kartaa dhaqaale fiican mid kaste oo aad samayso, maanta si aad website u samaysid qasab maaha inaad coding taqaan, laakiin waxaad isticmaali kartaa plaform kale sida wix.co ama WordPress kuwaasi oo aan code ah kaa rabin, kaiya design la adeegsanto marka la develop garaynayo website cusub, taasi waa fursad kaste ka faa’idaysan karto wakhtigan oo hore u jiri jirin, waana jaanis fiican marka loo eego baahida maanta suuqa ka jirta.

Haddi aad fiican barato xirfadan waxaad u samayn kartaa dadka kale ee raba in loo sameeyo adiga oo ka qaadaya qiimo fiican marka loo eego suuqa iyo waxa adiga kaa geliya, sidaasi darteed waad bilaabi kartaa haddii hadda diyaar u tahay oo aad hasyo waxyaalaha lagaa baahan yahay ee muhiimka ah.

 Faa’iidooyinka freelancing:

Freelance shaqo aad u fudud markaad leedahay aqoonteeda oo aad qaban karto adiga oo aan dhib badan u marin laakiin inaad aqoonta leedahay ka dibna aad brand fiican samaysato, haddii aad labada isla hesho waa jaanis aad wacan oo aad dhaqaale fiican ka samayn karto, faa’idooyinkiisa waxaa ka mid ah:

  • Uma baahnid xafiis ama maalgelin badan si aad u bilowdo marka hore.
  • Waxaad ka shaqayn kartaa meel kasta iyo wakhti kasta xad malahan.
  • Suuq weyn ayaa jira online, oo aad ka heli karto macaamiil caalami ah oo meela kale duwan jooga.

 

Gunaanad

Dhamaan xirfadahani waa freelance oo adiga oo gurigaaga jooga ayaan si madax banaan u shaqaysan karta cidna aan waxba uga baahan, waxa kaliya ee aanad ka maarmi karin waa inaad leedahay xirfadan aad doonayso inaad ku shaqaysato, haddii aad taasi kasoo baxdo waxaa kuu raaca ee xigaa waa inaad brand “sumad” fiican samaysato, haddii aad labadaasi isla hesho cidna uma baahnid ee adigaa isku fulin, hadaba marka hore waa inaad xirfadahaasi muhiim ka ah mid kamida si fiican u barataa waxaynu kugu qaadanaysaa muddo ad u kooban, markaad taasi kasoo baxdo waa ku xigaa waa inaad brand fiican oo suuqa kuu gali kara samaysa adigaa waliba shay kaliya marka hore suuqa ku galaya si aad macaamiil gaar ah u heshid.


Post a Comment

13 Comments