Hore-marinta
Nafta: Furaha Guusha iyo Nolol Wanaagsan
Hore marinta naftu waa in la Hagaajiyo
hab dhaqanka qofka iyadoo kala saaryaro xumaan oo dhan, lana farayo wanaag oo
dhan, haddi qofku lahaan jiray caadooyin xun xun kuwaasi oo uu mudo kusoo
dhaqmayay waxaa loogu bedelayaa kuwa wanaagsan si loo helo qof dhisan oo leh
caadooyin wanaagsan, haddi qofku hagaagi waxaa hagaagaysa bulshada oo dhan,
taasi waxay keenay guul dhamaystiran oo si wadajir ah loo gaadho, markaasi si
waxaasi oo dhan u suuro galaan waxaa la rabaa in laga bilaabo hagaajinta
qofkaste oo bulshada ka mid ah naftiisa.
Hore-marinta nafta waa hab maskaxeed, mid dareen iyo mid ficil ah oo qofka bini-aadanka ah naftiisa ku horumariyo si uu u gaaro nolol wanaagsan, guul iyo farxad dhab ah oo dhinac kasta ah. Waa geeddi-socod joogto ah oo qofku ka shaqeeyo fahamka, awoodsiinta iyo kobcinta kartidiisa. Waxaa muhiim ah in qof walba uu fahmo in horumarinta nafta aysan ahayn hal mar la sameeyo, balse ay tahay safar nololeed oo aan dhammaaneyn.
Maanta mawduuceenu wuxuu ka saabsan
yahay sidii loo helo lahaa mujtamac guulaystay taasi oo ku xidhan in la helin
ashkhaas guul gaadhay, waxaa arki doonaa qodabada muhiim ka u ah hore marinta
nafta, kuwaasi oo aan la’aantood hore mar la gaadhi karin iyo sidii aan u fulin
lahayn, kuwaasi oo ay kamid tahay dejin yool cad, maareynta wakhtiga, barashada
aqoon cusub iyo samayn caayin cusub waa wadada loo mari karo in la dhiso qof
guulaysta, dhamantod waa caadooyin fiican kuwaasi oo laga rabo qofkaste oo raba
inuu guulaysto.
Waa caadooyin dhamantod laga maarmi
karin, maadaama oo ay yihiin kuwa ay bulsho kaste horemar ku gaadhi karto,
sidaasi markay tahay waxa ka hadli doonaa dhamantod waliba inaga faahfaahin doona
kuwa muhiim ka ah, dhaqanadani waxay ku gaadhsiinayan wadada guusha haddii aad
siday yihiin u raacdo oo aanad ka baydhin qaybo ka mid, waxaan kugula talinayaa
inaad raacdo dhamantod oo fuliso si aad meel sare u gaadho mustaqbalka.
Maxay
Tahay Hore-marinta Nafta?
Hore-marinta nafta waxaa loola jeedaa, Inaad naftaada barato garashada xogogaal ah, awoodaada, iyo meelaha aad u baahan tahay in aad ka shaqeyso, Inaad himilooyin dejiso hadafyo cad oo aad ku riyoonayso iyo qorshe aad ku gaari karto, Inaad si joogto ah u barato aqoon raadis iyo xirfad kasbasho si aad u kobciso kartidaada, Inaad sameyso isbeddel dhab ah ficillo iyo caadooyin cusub oo kaa dhiga qof fiican, intaasi oo dhan waxay ku gaadhsiin kartaa dariiqa guusha waayo waa caayin fiican.
Maxaa
Ka Mid ah Qodobbada Hore-marinta Nafta?
1.
Dejinta Himilooyin Cad
Hadaf aan caddeyn waxaa la mid ah
inaad waddo aan lahayn jihada. Markaad himilooyin qeexan dejiso, waxaad ogtahay
meesha aad u socoto iyo sababta aad u socoto sidoo kale waxaa ku fududaanaysa
inaad si deg deg ah ku gaadhi karto waayo waxaad u socotaa meel cayiman oo aad
garanayso.
2.
Barasho iyo Aqoon Kasbasho
Aqoonta waa furaha guusha.
Waxbarasho, akhris, tababaro, iyo la-talin waa kuwo kaa caawinaya inaad kobciso
maskaxdaada iyo xirfadahaaga waxanay ku saamaxaysa inaad u dhib yar ku gaadhi
karto ujeedkaaga waayo waxaad haysataa la-talin fiican oo kugu hagaysa meeshaad
rabto.
3.
Xoojinta Maskaxda iyo Kalsoonida
Isku kalsoonida iyo maskax furan waa
lama huraan. Maskaxdaada ku tababar fikir togan, naftaada ku dhiirigeli guulaha
yar-yar ee aad gaarto waayo markaste oo aad guul yar gaadho waxaad helaysaa dhiirri
galin aad ku waajahdo caqabado culus oo u baahan dul qaad dheeraada ah sidaasi
darteed guulaha yar yar taasi ayay ka caawin karaan haddaad si joogto ah u samayso.
4.
Maareynta Wakhtiga
Maareynta wakhtigu waa furaha wax
soo saar sare. Qorshee maalintaada, mudnaanta sii howlaha muhiimka ah, kana
fogow waxyaabaha kaa daahiriya ee wakhtiga kaa luminaya, markaste ujeedkaaga
cad raaca hana ku mashquulin wax kale oo dhan, waad gaadhi doontaa, wakhtigu
waa waxa ugu muhiimsan marka hore marinta nafta laga hadlayo, sidaasi darteed
ka faa’idayso wakhtigaa qaaliga hana ku lumin waxaan muhiim ahayn.
5.
Ka Shaqeynta Caadooyinka Wanaagsan
Caadooyinka wanaagsan sida jimicsiga, hurdo kugu filan, cunista cunto caafimaadka leh, iyo akhriska joogtada ah waxay saameyn weyn ku leeyihiin horumarinta nafta waayo dhamantod waa dhaqano wanaagsan oo is biirsaday kuwaasi oo ku gaadhsiin karo meel sare hadii aad sidooda u raaco oo aanad ka leexan, waa waxkaste oo wanaag lagu tilmaamo.
Maxaa
Ka Dhasha Hore-marinta Nafta?
Hore-marinta nafta waxay dhalisaa, Kalsooni sare waxaad dareemaysaa inaad awood u leedahay inaad la tacaasho caqabadaha nolosha, Xirfado cusub waxaad kasbataa aqoon iyo xirfado kuwaas oo kaa caawinaya shaqo ama nolol shaqsiyeed, Farxad iyo qanacsanaan waxaad dareemaysaa in noloshaadu ay leedahay micne iyo hadaf, waxaad noqonaysa qof meel sare u socda oo aan ku lumin dariiqa dhexe, markaste waxaad maanka ku haynaysaa ujeedkii aad ka nolosha guud ahaan gaar ahaan waxaad markaasi ka shaqaynayso, waa furaha guusha waayo waxaad haysataa meel cayiman oo la garanayo ilaa aad halkaasi gaadhana nasan maysid, balse haddi aanad lahayd ujeedkaasi meel kaste oo maslaxdaada ku dhacda way kuu furan tahay oo ku celinyaa ma jiraan , taasi oo keenaysa inaad maalin kaste shay cusub bilowdo adiga oo aan waliba kii hore dhamaystirin taasi waxay keenaysaa niyad jab ilaa aad shaqayn kari waydo oo aad caajisto.
Gabagabo
Hore-marinta nafta ma aha wax hal
mar la sameeyo, balse waa safar nololeed joogto ah. Waxaa muhiim ah in aad
naftaada barato, aad dejiso hadafyo cad, aad akhrido, barato xirfado cusub, aad
xoogga saarto caadooyinka wanaagsan, iyo inaad mar walba naftaada ku
dhiirigeliso horumar. Marka aad sidan samayso, waxaad arki doontaa isbeddel
weyn oo noloshaada ah, is bedelkaasi oo taabanaya dhamaan qaybaha nolosha,
adiga waxaa lagaa rabaa in aad markaste ku dedaasho sidii aad u gaadhi lahayd hadafkaaga,
si aad taasi u samayso waa inaad samaysataa caadooyinka wanaagsan ee aan kasoo
hadalnay taasi oo ah wadada kaliya ee aad guul ku gaadhi karto.
Waa inay caado waa noqotaa oo aanad
dareemin markaad samaynayso waayo taasi waxaa la qabsaday jidhkaaga, hore
markastana wuxuu ka bilaabmaa caado wanaagsan oo lagu cel celiyey mudo dheer,
sidoo kale maareynta wakhtiga, barashad xirfado cusub iyo kobcin maskaxdu waa caadooyin
loo baahan si aad guul u gaadho, oo aan laga maarmi karin, sidaasi darteed ku
dedaal kuwaasina.


.jpg)
26 Comments
soo maaha
ReplyDeleteguul kuiu
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeleteguul alle
ReplyDeletesare sane
ReplyDeletedadgir
ReplyDeletefull
ReplyDeletesaala
ReplyDeletewaari
ReplyDeleteguuhu
ReplyDeleteqareax
ReplyDeletefawawa
ReplyDeletedasads
ReplyDeletemnsha allah
ReplyDeletesadanka wacan
ReplyDeleterewew
ReplyDeletedadka
ReplyDeletecadiut
ReplyDeleteguul bdabn
ReplyDeletefraexx
ReplyDeletegood morning
ReplyDeletehaderew
ReplyDeletetfaarax
ReplyDeletenh
helool
ReplyDeletelojh
ReplyDeletehuy
ReplyDelete