LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Hore-marinta Nafta

Hore-marinta Nafta: Furaha Guusha iyo Nolol Wanaagsan

Hore marinta naftu waa in la Hagaajiyo hab dhaqanka qofka iyadoo kala saaryaro xumaan oo dhan, lana farayo wanaag oo dhan, haddi qofku lahaan jiray caadooyin xun xun kuwaasi oo uu mudo kusoo dhaqmayay waxaa loogu bedelayaa kuwa wanaagsan si loo helo qof dhisan oo leh caadooyin wanaagsan, haddi qofku hagaagi waxaa hagaagaysa bulshada oo dhan, taasi waxay keenay guul dhamaystiran oo si wadajir ah loo gaadho, markaasi si waxaasi oo dhan u suuro galaan waxaa la rabaa in laga bilaabo hagaajinta qofkaste oo bulshada ka mid ah naftiisa.

Hore-marinta nafta waa hab maskaxeed, mid dareen iyo mid ficil ah oo qofka bini-aadanka ah naftiisa ku horumariyo si uu u gaaro nolol wanaagsan, guul iyo farxad dhab ah oo dhinac kasta ah. Waa geeddi-socod joogto ah oo qofku ka shaqeeyo fahamka, awoodsiinta iyo kobcinta kartidiisa. Waxaa muhiim ah in qof walba uu fahmo in horumarinta nafta aysan ahayn hal mar la sameeyo, balse ay tahay safar nololeed oo aan dhammaaneyn.


Maanta mawduuceenu wuxuu ka saabsan yahay sidii loo helo lahaa mujtamac guulaystay taasi oo ku xidhan in la helin ashkhaas guul gaadhay, waxaa arki doonaa qodabada muhiim ka u ah hore marinta nafta, kuwaasi oo aan la’aantood hore mar la gaadhi karin iyo sidii aan u fulin lahayn, kuwaasi oo ay kamid tahay dejin yool cad, maareynta wakhtiga, barashada aqoon cusub iyo samayn caayin cusub waa wadada loo mari karo in la dhiso qof guulaysta, dhamantod waa caadooyin fiican kuwaasi oo laga rabo qofkaste oo raba inuu guulaysto.

Waa caadooyin dhamantod laga maarmi karin, maadaama oo ay yihiin kuwa ay bulsho kaste horemar ku gaadhi karto, sidaasi markay tahay waxa ka hadli doonaa dhamantod waliba inaga faahfaahin doona kuwa muhiim ka ah, dhaqanadani waxay ku gaadhsiinayan wadada guusha haddii aad siday yihiin u raacdo oo aanad ka baydhin qaybo ka mid, waxaan kugula talinayaa inaad raacdo dhamantod oo fuliso si aad meel sare u gaadho mustaqbalka.

Maxay Tahay Hore-marinta Nafta?

Hore-marinta nafta waxaa loola jeedaa, Inaad naftaada barato garashada xogogaal ah, awoodaada, iyo meelaha aad u baahan tahay in aad ka shaqeyso, Inaad himilooyin dejiso hadafyo cad oo aad ku riyoonayso iyo qorshe aad ku gaari karto, Inaad si joogto ah u barato aqoon raadis iyo xirfad kasbasho si aad u kobciso kartidaada, Inaad sameyso isbeddel dhab ah ficillo iyo caadooyin cusub oo kaa dhiga qof fiican, intaasi oo dhan waxay ku gaadhsiin kartaa dariiqa guusha waayo waa caayin fiican.


Maxaa Ka Mid ah Qodobbada Hore-marinta Nafta?

1. Dejinta Himilooyin Cad

Hadaf aan caddeyn waxaa la mid ah inaad waddo aan lahayn jihada. Markaad himilooyin qeexan dejiso, waxaad ogtahay meesha aad u socoto iyo sababta aad u socoto sidoo kale waxaa ku fududaanaysa inaad si deg deg ah ku gaadhi karto waayo waxaad u socotaa meel cayiman oo aad garanayso.

2. Barasho iyo Aqoon Kasbasho

Aqoonta waa furaha guusha. Waxbarasho, akhris, tababaro, iyo la-talin waa kuwo kaa caawinaya inaad kobciso maskaxdaada iyo xirfadahaaga waxanay ku saamaxaysa inaad u dhib yar ku gaadhi karto ujeedkaaga waayo waxaad haysataa la-talin fiican oo kugu hagaysa meeshaad rabto.

3. Xoojinta Maskaxda iyo Kalsoonida

Isku kalsoonida iyo maskax furan waa lama huraan. Maskaxdaada ku tababar fikir togan, naftaada ku dhiirigeli guulaha yar-yar ee aad gaarto waayo markaste oo aad guul yar gaadho waxaad helaysaa dhiirri galin aad ku waajahdo caqabado culus oo u baahan dul qaad dheeraada ah sidaasi darteed guulaha yar yar taasi ayay ka caawin karaan haddaad si joogto ah u samayso.

4. Maareynta Wakhtiga

Maareynta wakhtigu waa furaha wax soo saar sare. Qorshee maalintaada, mudnaanta sii howlaha muhiimka ah, kana fogow waxyaabaha kaa daahiriya ee wakhtiga kaa luminaya, markaste ujeedkaaga cad raaca hana ku mashquulin wax kale oo dhan, waad gaadhi doontaa, wakhtigu waa waxa ugu muhiimsan marka hore marinta nafta laga hadlayo, sidaasi darteed ka faa’idayso wakhtigaa qaaliga hana ku lumin waxaan muhiim ahayn.

5. Ka Shaqeynta Caadooyinka Wanaagsan

Caadooyinka wanaagsan sida jimicsiga, hurdo kugu filan, cunista cunto caafimaadka leh, iyo akhriska joogtada ah waxay saameyn weyn ku leeyihiin horumarinta nafta waayo dhamantod waa dhaqano wanaagsan oo is biirsaday kuwaasi oo ku gaadhsiin karo meel sare hadii aad sidooda u raaco oo aanad ka leexan, waa waxkaste oo wanaag lagu tilmaamo.


Maxaa Ka Dhasha Hore-marinta Nafta?

Hore-marinta nafta waxay dhalisaa, Kalsooni sare waxaad dareemaysaa inaad awood u leedahay inaad la tacaasho caqabadaha nolosha, Xirfado cusub waxaad kasbataa aqoon iyo xirfado kuwaas oo kaa caawinaya shaqo ama nolol shaqsiyeed, Farxad iyo qanacsanaan waxaad dareemaysaa in noloshaadu ay leedahay micne iyo hadaf, waxaad noqonaysa qof meel sare u socda oo aan ku lumin dariiqa dhexe, markaste waxaad maanka ku haynaysaa ujeedkii aad ka nolosha guud ahaan gaar ahaan waxaad markaasi ka shaqaynayso, waa furaha guusha waayo waxaad haysataa meel cayiman oo la garanayo ilaa aad halkaasi gaadhana nasan maysid, balse haddi aanad lahayd ujeedkaasi meel kaste oo maslaxdaada ku dhacda way kuu furan tahay oo ku celinyaa ma jiraan , taasi oo keenaysa inaad maalin kaste shay cusub bilowdo adiga oo aan waliba kii hore dhamaystirin taasi waxay keenaysaa niyad jab ilaa aad shaqayn kari waydo oo aad caajisto.

Gabagabo

Hore-marinta nafta ma aha wax hal mar la sameeyo, balse waa safar nololeed joogto ah. Waxaa muhiim ah in aad naftaada barato, aad dejiso hadafyo cad, aad akhrido, barato xirfado cusub, aad xoogga saarto caadooyinka wanaagsan, iyo inaad mar walba naftaada ku dhiirigeliso horumar. Marka aad sidan samayso, waxaad arki doontaa isbeddel weyn oo noloshaada ah, is bedelkaasi oo taabanaya dhamaan qaybaha nolosha, adiga waxaa lagaa rabaa in aad markaste ku dedaasho sidii aad u gaadhi lahayd hadafkaaga, si aad taasi u samayso waa inaad samaysataa caadooyinka wanaagsan ee aan kasoo hadalnay taasi oo ah wadada kaliya ee aad guul ku gaadhi karto.

Waa inay caado waa noqotaa oo aanad dareemin markaad samaynayso waayo taasi waxaa la qabsaday jidhkaaga, hore markastana wuxuu ka bilaabmaa caado wanaagsan oo lagu cel celiyey mudo dheer, sidoo kale maareynta wakhtiga, barashad xirfado cusub iyo kobcin maskaxdu waa caadooyin loo baahan si aad guul u gaadho, oo aan laga maarmi karin, sidaasi darteed ku dedaal kuwaasina.

 


Post a Comment

26 Comments