Hore-marinta nafta waa hab maskaxeed, mid dareen iyo mid ficil ah oo qofka bini-aadanka ah naftiisa ku horumariyo si uu u gaaro nolol wanaagsan, guul iyo farxad dhab ah oo dhinac kasta ah. Waa geeddi-socod joogto ah oo qofku ka shaqeeyo fahamka, awoodsiinta iyo kobcinta kartidiisa. Waxaa muhiim ah in qof walba uu fahmo in horumarinta nafta aysan ahayn hal mar la sameeyo, balse ay tahay safar nololeed oo aan dhammaaneyn.
waakan maqaal kusaabsan fursadaha yaala maanta
https://www.qallinle.com/fursadaha-ay-leedahay-social-media
Maxay
Tahay Hore-marinta Nafta?
Hore-marinta nafta waxaa loola
jeedaa:
- Inaad naftaada barato
garashada xooggaaga, tabartaada, iyo meelaha aad u baahan tahay in aad ka
shaqeyso.
- Inaad himilooyin dejiso hadafyo cad oo aad ku riyoonayso iyo qorshe aad ku
gaari karto.
- Inaad si joogto ah u barato aqoon raadis iyo xirfad kasbasho si aad u kobciso
kartidaada.
- Inaad sameyso isbeddel dhab ah ficillo iyo caadooyin cusub oo kaa dhiga qof fiican.
Maxaa
Ka Mid ah Qodobbada Hore-marinta Nafta?
1.
Dejinta Himilooyin Cad
Hadaf aan caddeyn waxaa la mid ah
inaad waddo aan lahayn jihada. Markaad himilooyin qeexan dejiso, waxaad ogtahay
meesha aad u socoto iyo sababta aad u socoto.
2.
Barasho iyo Aqoon Kasbasho
Aqoonta waa furaha guusha.
Waxbarasho, akhris, tababaro, iyo la-talin waa kuwo kaa caawinaya inaad kobciso
maskaxdaada iyo xirfadahaaga.
3. Xoojinta Maskaxda iyo Kalsoonida
Isku kalsoonida iyo maskax furan waa
lama huraan. Maskaxdaada ku tababar fikir togan, naftaada ku dhiirigeli guulaha
yar-yar ee aad gaarto.
4.
Maareynta Wakhtiga
Maareynta wakhtigu waa furaha wax
soo saar sare. Qorshee maalintaada, mudnaanta sii howlaha muhiimka ah, kana
fogow waxyaabaha kaa daahiriya.
5.
Ka Shaqeynta Caadooyinka Wanaagsan
Caadooyinka wanaagsan sida
jimicsiga, hurdo kugu filan, cunista caafimaadka leh, iyo akhriska joogtada ah
waxay saameyn weyn ku leeyihiin horumarinta nafta.
Maxaa
Ka Dhasha Hore-marinta Nafta?
Hore-marinta nafta waxay dhalisaa:
- Kalsooni sare
waxaad dareemaysaa inaad awood u leedahay inaad la tacaasho caqabadaha
nolosha.
- Xirfado cusub
waxaad kasbataa aqoon iyo xirfado kaa caawinaya shaqo ama nolol
shaqsiyeed.
- Farxad iyo qanacsanaan waxaad dareemaysaa in noloshaadu ay leedahay micne iyo
hadaf.
Gabagabo
Hore-marinta nafta ma aha wax hal
mar la sameeyo, balse waa safar nololeed joogto ah. Waxaa muhiim ah in aad
naftaada barato, aad dejiso hadafyo cad, aad akhrido, barato xirfado cusub, aad
xoogga saarto caadooyinka wanaagsan, iyo inaad mar walba naftaada ku
dhiirigeliso horumar. Marka aad sidan samayso, waxaad arki doontaa isbeddel
weyn oo noloshaada ah.
.jpg)
.jpg)

23 Comments
soo maaha
ReplyDeleteguul kuiu
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeleteguul alle
ReplyDeletesare sane
ReplyDeletedadgir
ReplyDeletefull
ReplyDeletesaala
ReplyDeletewaari
ReplyDeleteguuhu
ReplyDeleteqareax
ReplyDeletefawawa
ReplyDeletedasads
ReplyDeletemnsha allah
ReplyDeletesadanka wacan
ReplyDeleterewew
ReplyDeletedadka
ReplyDeletecadiut
ReplyDeleteguul bdabn
ReplyDeletefraexx
ReplyDeletegood morning
ReplyDeletehaderew
ReplyDeletetfaarax
ReplyDeletenh