Dhalinta
"Youth"
Dhalinyaro waa mustaqbalka waddan kaste oo waxaa ku sida
waddankaasi u eekaan doonto sanadada soo socda waa kuwa jaan goyn doono, waa
xoog wax kaste kala wada, waana kuwa jaangooya xaalada dal kaste, qofka
dhalinyarada ahi wuxuu awood waxyaalo badan oo aanu samayn karin qofka weyni,
waana sabab markaste si gaar ah looga hadlo da’ yarta oo loo tilmaamo, hadaba
maanta waxaad ka hadli doonaa dhalinyarada iyo muhiima ay leedahay marka qofku
dhalinyaro tahay, sidii uu uga faa’idaysan lahaa una dhisan lahaa mustaqbal
fiican oo ifaya, waxaa sidoo kale sheegi doonaa caqabadaha qofka lasoo
gudboonaada intuu ku jiro da’daa ee uu soo korayo, kuwaas oo saamayn kara
noloshiisa dambe haddi aan laga taxadirin.
Dhalinyarooy, waqtigu
waa hantida ugu qaalisan ee aad haysataan, Ka faa’iideysta oo barta aqoon
cusub, gaar ahaan teknoolojiyadda,
xirfadaha online-ka, iyo ganacsiga yaryar. Ha sugin fursad timaadda,
adigu fursadda abuuro Ku dadaala anshax wanaagsan, dulqaad, iyo shaqo joogto ah,
Guuldarro ha ka baqin, waayo waa cashar, ee ma aha dhammaad. La shaqeeya dadka
kaaga horreeya aqoonta, kana fogow waqti-luminta iyo caajiska, Ugu dambayn,
naftaada rumayso, Ilaahay ku xirnaaw, oo ogow in dhalinyaranimadu tahay waqtiga
aad mustaqbalkaaga dhisi lahayd, Ha quusan. Hal talaabo oo yar maanta aad
qaaddo ayaa berri beddeli karta noloshaada. Naftaada rumayso, dadaal joogto ah
samee, guushuna way iman doontaa, Youth
is the foundation of tomorrow. Use your time wisely, build your skills, believe
in yourself, and never be afraid to start small. Your effort today shapes your
future.
Waxaad gaadhi kartaa meel sare adiga oo waliba aad u yar maxaa yeelay guushu da’ kuma xidhna ee waad sidaad u shaqaysato uun, ogow wax kaste oo aad wakhti fiican galiso inaad natiijo fiican ka gaadhi doonto wakhtigay noqotaba, sidoo kale ha sugin wax aanad qiimahooda bixin inaad hesho taasi macquul maaha, noloshaadu waxa u ekaanaysaa sidaad ka dhigto adigu wakhtigaaga gali wax qiimo kugu soo kordhinaya. Waxa ugu muhiimsan maanta waxbarasho iyo xirfad inaad si fiican u barato, hadaad xirfad leedahay waxaad ka samayn kartaa dhaqaale iyo magac fiican oo guul kuu horseedi karo, sidoo kale aqoontuna waa la mid.
1.
Maskaxda iyo Himilada
Qofka dhalin yarada ah waxaa laga rabaa inuu yeesho himilo
sare taasi oo uu doonayo inuu gaadho mustaqbalka, inaad himilo yeelato waxay kuu
saamaxaysa inaad ku noolaatid nolol qiimo sare, sidoo kale maskaxda qofka waxay
ka dhigaysaa mid markaste is bedel diyaar u ah, oo ka fekeraysaa siday hore mar
u gaadhi lahayd, markaa waa muhiim inaad yeelato himilo sare si aad u xaqiijin
karto. Waxaad la ogaaday in maskaxda qofka bini aadamka ahi si fiican u
shaqayso marka ay jirto meel cayiman oo ay u socotaa, halka marka kale laga
yaabo in aanay isku hawlin xal u helida shaqooyinka u yaala.
2.
Caadooyin Maalinle oo Saameyn Leh
Haddii aad rabto in guulaysato waxaa muhiim ah inaad
yeelato dhaqano iyo caadooyin aad si maalinle ah qabatid kuwaasi ku gaadhsiin
kara halkaad rabtid iyo mustaqbalkaaga, waayo noloshu waxaad noqonaysaa waxaad
inta badan ku celceliso oo aad samayso, sidaasi darteed yeelo caadooyin fiican
oo maalinle ah, caadooyinkaasi ha noqdeen aad ku gaadhi karto ujeedka aad
nolosha ka leedahay iyo target kaaga mustaqbalka, sidaasi waxaad ku xaqiijin
karta hadafkaaga.
3.
Xirfadaha Mudnaanta Leh
Nolosha qofka waxaa qiimo u yeela wuxuu yaqaano,
markaa haddaad xirfad fiican barato waxaad noqonaysaa qof qiimo ku dhex leh
bulshadiisa oo la ixtiraamo, xirfadu dhamaantood way fiican yihiin balse maanta
waxaa jira qaar kamid ah oo aad loogu baahan yahay, sida content creation, designer
iyo marketing iyo qaar kale oo la mid ah kuwaasi oo suuq fiican leh aadna baahi
loogu qabo, inaad mid ka mid ah xirfadaha barataa waxay kaa caawin kartaa inaad
noqoto qof aad loogu baahan yahay oo bulshada kaalin muhiim ah ugu jira, sidaas
waxay ku helaysaa sumcad iyo dhaqaale fiican.
4.
Waxbarasho & Shaqo
Dhalinyaranimadu waa fursad aad qaali u ah taasi oo aad wax ku baran karto, kuna kasban karto aqoon kugu filan inaad meel sare ku gaadho, haddi ay shaqo noqoto sidoo kale waad helaysaa kolka aad leedahay aqoon aad loogu baahi qabo oo bulshada rabto, sidaasi darteed, waxaa ugu muhiimsan ee maanta samaysan karto waxaa ka mid ah inaad isku hubayso aqoon fiican oo suuqa shaqada waxka go’ karta.
5.
Maaliyad Fudud oo Caadi ah
Samayso dhaqaale kuu gaar ah kaasi oo aad kaga bixi
karto haddii ay timaado baahi adiga ah, inaad maaliyad yeelata adiga waxay kaa
dhigaysaa mid aan cidna ubaahnayn oo kaligii is bixin kara, markaad naftaada ka
adkaato ayaan meelo kale wax ka qaban kartaa, sidaasi darteed muhiimadu waa
inaad kolka hore taada meel saartaa, oo dhaqaale ahaan isku filnaataa.
6.
Xiriirada & Sumcadda
Xidhiidho fiican waxay kaa dhigi karaan qof micno ku dhex
leh bulshadiisa, waxay kordhin kartaa jaanisyada aad ku heli karto fursado kale
oo muhiim ah, maanta waxaad taqaano waxaa ka muhiim cidaad taqaano waayo cida
aad taqaanaad waxay ku siin karaa jaanis aad u baahnayd, sumcadu waxay kaa
dhigaysaa qof la aamini karo oo kalsooni lagu qabo, kaasi aad meelkasta looga
yeedhi karo.
7.
Caafimaadka Maskaxda
Waxaad ilaalisa caafimaadkaaga intaad yartahay kana
ilaali wax kaste oo dhib u keeni kara, caafimadku waa waxa ugu muhiimsan ee aad
maanta haysato haddii aad ilaali waydo oo daryeeli waydo masii joogi doono,
waxaa muhiim ah inaad ilaaliso intaad yar tahay si markaad waynaato aanad dhib
ula noolaan, oo aad nolosha u wajihi kartid.
8.
Qorshe 30/90 Maalmood (Tusaale)
Inaad fiican yeelata waa furaha nolosha, haddii aad ku guulaysato inaad qorshe samaysato muddo 30 maalmood ah waxaad ku guulaysan kartaa inaad 90 maalmood qorshayso, markaste oo aad qorshe ku socotana waa markaste oo aad guul gaadhi doonto, naftaada ka adkaan doonto, waliba si dhib yar waayo waxaad markaste ku dul wareegaysaa waxaad qorshaysay ilaa aad ka gaadhayso.
Gunaanad
Dhamaan qodobada aan soo
sheegnay waa furayaasha guusha waxay qofka dhalinyarda ah ka dhigataan mid guulaysta
waayo qofku wuxuu ku noolaanayaa nolol xaqiiq ah oo uu hubo halkuu u socdo iyo
wuxuu doonayo inuu sameeyo markaste, sidaasi darteed waxaa waajib ianagu wada
ah inaad yeelano qorsheyaal cad o qeexaya waxaan doonayno inaan samayno.


.jpg)
13 Comments
soma
ReplyDeletegood lucky
ReplyDeletesoomalialnd
ReplyDeleteuk
ReplyDeletegood lucky
ReplyDeletehi
ReplyDeletefree
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletesidii
ReplyDeletehiu
ReplyDeleteok thnks
ReplyDeletemasnah allah
ReplyDeleteku sheeg
ReplyDelete