LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dhalinta "Youth"

 Dhalinta "Youth"

Dhalinyaro waa mustaqbalka waddan kaste oo waxaa ku sida waddankaasi u eekaan doonto sanadada soo socda waa kuwa jaan goyn doono, waa xoog wax kaste kala wada, waana kuwa jaangooya xaalada dal kaste, qofka dhalinyarada ahi wuxuu awood waxyaalo badan oo aanu samayn karin qofka weyni, waana sabab markaste si gaar ah looga hadlo da’ yarta oo loo tilmaamo, hadaba maanta waxaad ka hadli doonaa dhalinyarada iyo muhiima ay leedahay marka qofku dhalinyaro tahay, sidii uu uga faa’idaysan lahaa una dhisan lahaa mustaqbal fiican oo ifaya, waxaa sidoo kale sheegi doonaa caqabadaha qofka lasoo gudboonaada intuu ku jiro da’daa ee uu soo korayo, kuwaas oo saamayn kara noloshiisa dambe haddi aan laga taxadirin.

Dhalinyarooy, waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee aad haysataan, Ka faa’iideysta oo barta aqoon cusub, gaar ahaan teknoolojiyadda, xirfadaha online-ka, iyo ganacsiga yaryar. Ha sugin fursad timaadda, adigu fursadda abuuro Ku dadaala anshax wanaagsan, dulqaad, iyo shaqo joogto ah, Guuldarro ha ka baqin, waayo waa cashar, ee ma aha dhammaad. La shaqeeya dadka kaaga horreeya aqoonta, kana fogow waqti-luminta iyo caajiska, Ugu dambayn, naftaada rumayso, Ilaahay ku xirnaaw, oo ogow in dhalinyaranimadu tahay waqtiga aad mustaqbalkaaga dhisi lahayd, Ha quusan. Hal talaabo oo yar maanta aad qaaddo ayaa berri beddeli karta noloshaada. Naftaada rumayso, dadaal joogto ah samee, guushuna way iman doontaa, Youth is the foundation of tomorrow. Use your time wisely, build your skills, believe in yourself, and never be afraid to start small. Your effort today shapes your future.

Waxaad gaadhi kartaa meel sare adiga oo waliba aad u yar maxaa yeelay guushu da’ kuma xidhna ee waad sidaad u shaqaysato uun, ogow wax kaste oo aad wakhti fiican galiso inaad natiijo fiican ka gaadhi doonto wakhtigay noqotaba, sidoo kale ha sugin wax aanad qiimahooda bixin inaad hesho taasi macquul maaha, noloshaadu waxa u ekaanaysaa sidaad ka dhigto adigu wakhtigaaga gali wax qiimo kugu soo kordhinaya. Waxa ugu muhiimsan maanta waxbarasho iyo xirfad inaad si fiican u barato, hadaad xirfad leedahay waxaad ka samayn kartaa dhaqaale iyo magac fiican oo guul kuu horseedi karo, sidoo kale aqoontuna waa la mid.


1.    Maskaxda iyo Himilada

Qofka dhalin yarada ah waxaa laga rabaa inuu yeesho himilo sare taasi oo uu doonayo inuu gaadho mustaqbalka, inaad himilo yeelato waxay kuu saamaxaysa inaad ku noolaatid nolol qiimo sare, sidoo kale maskaxda qofka waxay ka dhigaysaa mid markaste is bedel diyaar u ah, oo ka fekeraysaa siday hore mar u gaadhi lahayd, markaa waa muhiim inaad yeelato himilo sare si aad u xaqiijin karto. Waxaad la ogaaday in maskaxda qofka bini aadamka ahi si fiican u shaqayso marka ay jirto meel cayiman oo ay u socotaa, halka marka kale laga yaabo in aanay isku hawlin xal u helida shaqooyinka u yaala.

 

2.    Caadooyin Maalinle oo Saameyn Leh

Haddii aad rabto in guulaysato waxaa muhiim ah inaad yeelato dhaqano iyo caadooyin aad si maalinle ah qabatid kuwaasi ku gaadhsiin kara halkaad rabtid iyo mustaqbalkaaga, waayo noloshu waxaad noqonaysaa waxaad inta badan ku celceliso oo aad samayso, sidaasi darteed yeelo caadooyin fiican oo maalinle ah, caadooyinkaasi ha noqdeen aad ku gaadhi karto ujeedka aad nolosha ka leedahay iyo target kaaga mustaqbalka, sidaasi waxaad ku xaqiijin karta hadafkaaga.

3.    Xirfadaha Mudnaanta Leh

Nolosha qofka waxaa qiimo u yeela wuxuu yaqaano, markaa haddaad xirfad fiican barato waxaad noqonaysaa qof qiimo ku dhex leh bulshadiisa oo la ixtiraamo, xirfadu dhamaantood way fiican yihiin balse maanta waxaa jira qaar kamid ah oo aad loogu baahan yahay, sida content creation, designer iyo marketing iyo qaar kale oo la mid ah kuwaasi oo suuq fiican leh aadna baahi loogu qabo, inaad mid ka mid ah xirfadaha barataa waxay kaa caawin kartaa inaad noqoto qof aad loogu baahan yahay oo bulshada kaalin muhiim ah ugu jira, sidaas waxay ku helaysaa sumcad iyo dhaqaale fiican.

4.    Waxbarasho & Shaqo

Dhalinyaranimadu waa fursad aad qaali u ah taasi oo aad wax ku baran karto, kuna kasban karto aqoon kugu filan inaad meel sare ku gaadho, haddi ay shaqo noqoto sidoo kale waad helaysaa kolka aad leedahay aqoon aad loogu baahi qabo oo bulshada rabto, sidaasi darteed, waxaa ugu muhiimsan ee maanta samaysan karto waxaa ka mid ah inaad isku hubayso aqoon fiican oo suuqa shaqada waxka go’ karta.


5.    Maaliyad Fudud oo Caadi ah

Samayso dhaqaale kuu gaar ah kaasi oo aad kaga bixi karto haddii ay timaado baahi adiga ah, inaad maaliyad yeelata adiga waxay kaa dhigaysaa mid aan cidna ubaahnayn oo kaligii is bixin kara, markaad naftaada ka adkaato ayaan meelo kale wax ka qaban kartaa, sidaasi darteed muhiimadu waa inaad kolka hore taada meel saartaa, oo dhaqaale ahaan isku filnaataa.

6.    Xiriirada & Sumcadda

Xidhiidho fiican waxay kaa dhigi karaan qof micno ku dhex leh bulshadiisa, waxay kordhin kartaa jaanisyada aad ku heli karto fursado kale oo muhiim ah, maanta waxaad taqaano waxaa ka muhiim cidaad taqaano waayo cida aad taqaanaad waxay ku siin karaa jaanis aad u baahnayd, sumcadu waxay kaa dhigaysaa qof la aamini karo oo kalsooni lagu qabo, kaasi aad meelkasta looga yeedhi karo.

7.    Caafimaadka Maskaxda

Waxaad ilaalisa caafimaadkaaga intaad yartahay kana ilaali wax kaste oo dhib u keeni kara, caafimadku waa waxa ugu muhiimsan ee aad maanta haysato haddii aad ilaali waydo oo daryeeli waydo masii joogi doono, waxaa muhiim ah inaad ilaaliso intaad yar tahay si markaad waynaato aanad dhib ula noolaan, oo aad nolosha u wajihi kartid.

8.    Qorshe 30/90 Maalmood (Tusaale)

Inaad fiican yeelata waa furaha nolosha, haddii aad ku guulaysato inaad qorshe samaysato muddo 30 maalmood ah waxaad ku guulaysan kartaa inaad 90 maalmood qorshayso, markaste oo aad qorshe ku socotana waa markaste oo aad guul gaadhi doonto, naftaada ka adkaan doonto, waliba si dhib yar waayo waxaad markaste ku dul wareegaysaa waxaad qorshaysay ilaa aad ka gaadhayso.

Gunaanad

Dhamaan qodobada aan soo sheegnay waa furayaasha guusha waxay qofka dhalinyarda ah ka dhigataan mid guulaysta waayo qofku wuxuu ku noolaanayaa nolol xaqiiq ah oo uu hubo halkuu u socdo iyo wuxuu doonayo inuu sameeyo markaste, sidaasi darteed waxaa waajib ianagu wada ah inaad yeelano qorsheyaal cad o qeexaya waxaan doonayno inaan samayno.

 


Post a Comment

13 Comments