Tiknoolajiyada Cusub iyo saamaynteeda
Teknolojiyadda cusub
waxay saamayn taban ku yeelanaysaa nolosheena guud ahaan, gaar ahaan nolosha
da’yarta maanta nool, oo noloshoodu ku xidhantay tiknoolajiyada. Maqaalkaan
waxaa ku soo bandhigayaa farsamooyinka cusub iyo sida ay u bedeleen
waxbarashada, shaqada, caafimaadka, iyo bulshadeena oo dhamantod technology saamayn
ku yeelatay waanay sii kordhaysaa markaste oo waxaa sii badanaya isticmaaleedka.
Waxaa si xawli ah ku socda korodhka isticmaalka technology taasi oo wadata dhibteeda iyo dheefteedaba, markaste oo ay badato waxay keenaysaa saamayn aan yarayn ay ku yeelanayso bulshada qaybaheeda kale duwan gaar ahaan kuwa aadka u adeegsada oo ah dhalinyarada, waxay keeni karta xanuun cusub, kuwa hore u jiray ama dhibaato aan hore u jirin oo ku cusub dadka iyo dalkaba, waana sabab looga dhigayo in si aad ah loo adeegsado.
maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa adeegsiga technology iyo saamaynta ay keeni karto taasi oo badan saamayn taban ama dhibaato leh, markaste oo sii badato waxaa lasii badanaya dhibaatadeedii, waxay keeni kartaa xanuun bulsho oo maskaxeed, qaar nafsiyeed iyo kuwa kale oo badan, hadaba waxaan halkan kusoo gudbin doonaa sidii la isaga yarayn lahaa dhibkaasi oo xal loogu heli lahaa, sidoo kale inta wanaagsana looga faa’idaysan lahaa oo loo adeegsan lahaa.
1. Isgaarsiinta bulshada
Mobilada & internet-ka ayaa meesha ka saaray xuduudaha juqraafi,
iyadoo ku dhawaad 4.6 bilyan qof hadda isticmaalo internetka mobilka, Baraha
bulshada iyo qoraalka ayaa bedelay qaabka dadka isugu xiriiraan waxaana
yaraaday codka iyada oo la door-bidayo chat iyo SMS, Saameyn dhinaca xiriirka
ka timid: dhalinyarada waxay leeyihiin dareen kalinimo iyo hoos u dhac ku
yimaada awoodda ay ula macaamilaan nolosha dhabta ah, taasi oo saamayn weyn ku
yeelatay habkii bulshadu isugu xidhnaan jirtay ama u wada xidhiidhi jirtay, waxay
bulshadii noqotay mid wada mashquul ah oo aan jaanis isku helayn iyagoo wada
jooga haddana.
2. Waxbarashada & aqoonta
Barnaamijyada waxbarashada online-ka sida Udemy, Coursera waxay arday u oggolaadeen in ay si madax bannaan wax u bartaan, Teknolojiyada AI sida adaptive learning waxay isku dayaysaa in waxbarashada loo habeeyo baahida ardayda, Si kastaba, faraqa dijitaalka (digital divide) ayaa weli jira meelo aan internet lahayn ama qalab la’aan ah, waxay ka hortagtaa in dhammaan arday ay ka faa’iidaystaan, markaste waxaa sii badanaya isticmaalka iyo adeegsiga digital ka taasi waxay saamayn weyn ku keeni karta habkii hore ee waxbarashada oo gabi ahaanba meesha kasii baxaya, waxaan bedelaya E-learning ama electronic learning kaasi oo saamayntiisa wata, waliba saamayn weyn.
3. Caafimaadka & cilmibaarista
Waxaa kordhay adeegdiga technology ee dhinaca caafimaadka, qaliinada, shaybaadka iyo waliba daaweynta oo dhamaantod hadda gaadhay in la adeegsado technology, taasi waxay keenaysaa faa’ido badan oo ah wakhtigii oo yaraada iyo in la heli karo jawaabo sax ah, laguna guulaysto qaliino aad u adkaa marka la samaynayo, sidoo kale waxay keenaysaa saamayn toban oo ka dhalan karto adeegsiga dhinaca caafimaadka, maadaama oo aan markaste la isku halayn karin oo mararka qaar qaldami karto ama si xun loo adeegsan karo, sidoo kale waxay fududaysay cilmi baadhistii oo hadda wakhti yar lagu samayn karo marka loo eego wakhtigii hore.
4. Dhaqaalaha & shaqooyinka
Meheradaha
casriga ah waxay abuureen suuq cusub: gig economy, remote work, platform
economy laakiin waxay sidoo kale keentay culeys dhinaca shaqooyinka joogtada ah,
Awoodda robot-yada iyo AI waxay baabi'in kartaa shaqooyin dadaal badan leh,
shirkada Ford ayaa sheegtay in AI ay badali karto ilaa kala bar shaqaalaha
xafiiska, Qaar ka mid ah dhaqaale yahanada adduunku waxay ku talinayaan
qorshayaal bulshada sida Universal Basic Income si looga hortago sii xumaanta
shaqo la’aanta, waa hubaal in shaqo badan technology abuuray sidoo kale waxaa
hubaal ah in qaar kale oo badan uu meesha ka saarayo oo la waayayo.
6. Mustaqbal & fursadaha
Markaste
oo bato isticmaalka technology waxa sii badanaya saamaynteeda xun ama wanaagsan
Teknolojiyo sida IoT, 5G, quantum computing, AR/VR, blockchain waxay abuuri
doonaan qalab farabadan, xarumo magaalo casri ah, iyo nidaamyo caafimaad oo
shaqayn kara, Heerka tamarta casriga sida cirka laga isticmaalo (HAPS) iyo codsiyo
teknolojiyadeed oo deegaan loo isticmaalo waa tallaabooyin loo qaaday
saaxiibtinimada deegaanka, Wadahadal dadweyne, doodo, iyo shirkado waa lagama
maarmaan si loo sameeyo siyaasad mas'uul ah oo ka hortagta halisaha iyo sidoo
kale taageerta hal-abuurka. Waxaasi oo dhan way ka dhalan karaan iyo waliba
qaar kale oo aan imika la saadaalin karin.
Gunaanad
Saamaynta technology cusub wuxuu keenayaa
dhibaatooyin badan oo aan hore jiri jirin balse hadda xal I baahan doonaa
kuwaasi oo saamayn xun ku yeelanayaa nolosha bulshadeena haddii laga hortagin
ama la yarayn, sidoo kale waxay soo kordhisay jaanisyo iyo fursado aan hore u
jiri jirin oo haddii si fiican looga faa’idaysto meel fiican gaadhsiin kara bulshadeena
sidoo kale xalin kara dhibatoyin bulsho oo badan, barashada aqoon cusub,
keenista xirfado aan hore loo aqoon, kordhinta dhaqaalaha bulshada iyo u
adeegsiga dhinaca caafimaadku dhamantod waa fursado hadda jira oo loo isticmaali
karo technology casriga waa faa’ido aad u weyn haddii si fiican loo maareeyo
ama loo xakameeyo taasi oo lagu yarayn karo saameyn tooda.
Tiknoolajiyada cusub waa
labo laab: hal dhinac xoog badan oo kor u qaadaya nolosha iyo dhinac kale
caqabado adag u keena bulshooyinka, oo u baahan in laga maareeyo Si looga
faa’iidaysto si caddaalad ah, waxaa loo baahan yahay:
1.
Kordhinta helitaanka
internet-ka (xeerarka HAPS iwm.).
2.
Barnaamijyo casri ah oo
loogu talagalay dib-u-tababaridda shaqaalaha.
3.
Siyaasado ilaalinaya
asturnaanta xogta, shaqaalaha, iyo ilaalin bulsho.
4.
Kor u qaadidda anshax
iyo hufnaan horumarinta teknolojiyada.
Waa qayb ka mida ah dhinaca wanaagsan ee adeegsiga technology
waxay u baahan in loo isticmaalo si fiican oo xad leh, haddii dhinaca kale ee
xun si aad ah loo adeegsado isaguna wuxuu saamayn xun ku reebaysaa nolosha bulshada,
laakiin markaste la isku miisaamo waxaa hagaagaya adeegsi technology, waxaana
laga badbaadayaa dhibaatooyinkii aan soo sheegnay kuwaasi oo ay keenaysay
isticmaalka aan xadka lahayn ee technology. Ugu dambeyn cid kaste oo doonaysa
inay helan wadada saxan ee adeegsiga technology waxay mari karaan daqriiqaasi
xadidan ee sharaxaya waxaa looga baahan yahay.
Sam Altman's predictions on how the
world might change with AI
Another major CEO warns that artificial
intelligence could wipe out ‘literally half’ the white-collar workforce
Streeting sets out
digital overhaul of NHS centred on ‘doctor in your pocket’ app


.jpg)
7 Comments
mansha allah
ReplyDeletehye
ReplyDeleteha
ReplyDeletefine
ReplyDeletebilaai
ReplyDeletenhye
ReplyDeletenhye hg
ReplyDelete