Waqtigu waa khayraad aan dib loo soo
ceshan karin marka uu ku dhaafo, maareynta waqtigu waxay noqotay furaha guusha.
Dad badani waxay dareemaan in waqtigooda si fudud uu u lumayo iyada oo 82%
dadka aan haysan nidaam maarayn, ama aan ka war qabin inuu wakhti ka lumayo.
Dhanka kale, hababka la hubo sida Eisenhower
Matrix iyo Pomodoro Technique waxay abuureen saameyn muuqata oo
nolosha shaqsiyaadka ah, taas oo ka turjumaya in dadka isticmaala inuun qorsheeyo
noloshooda si maalinle ah ay ka wax-soosaar badan yihiin kuwa aan wax qorsha ah
lahayn ee iska socda uun.
Maqaalkani wuxuu eegayaa sababaha ay
muhiim u tahay ilaalinta waqtiga, faa’iidooyinka la taaban karo, iyo hababka
wax ku oolka ah ee aad isku dayi karto.
1.
wax-soosaarka
- Dadka si wanaagsan u maareeya waqtiga waxay wax soo
saarkoodu kordhaa ilaa 90%.
- Time-blocking wuxuu kordhiyaa howlgabnaanta illaa 53%
2.
dhiirad saarid
- Habka Pomodoro wuxuu ka hortagaa daalka maskaxeed
wuxuuna hagaajiyaa diiradda iyo tayada shaqada aad qabanayso markaa.
3.dhib
u dhigada
- Dib u dhigashada waa mid ka mida caqabadaha haysta bulshada
kaas saamayn ku leh wax soo saarka maalinlaha ah ee qof kaste, markaad u
dib u dhigto shaqo kuu taalay waxaa badanaya dhibaatooyinka ka dhalan
kara.
4.
Isku dheelitirnaan nololeed & caafimaad
- Time-blocking wuxuu ka ilaaliyaa shaqada dhanka gaarka
ah, wuxuuna yareeyaa burnout.
5.
Aqoonta waqtiga & xakameynteeda
- 10 daqiiqo oo qorsheyn subaxnimo ah waxay badbaadin
kartaa ilaa 2 saacadood maalintii
🛠️ Farsamooyinka Wax-ku-Oolka Ah
Pomodoro
Technique
- Qof 25 daqiiqo shaqeynaya, kadib 5 daqiiqo nasasho.
- 4 wareeg kadib, nasasho dheer oo 15–30 daqiiqo ah:
- Waxay kordhisaa diiradda, yarayso daalka maskaxeed,
iyo hagaajinta tayada shaqada.
- Waxaa lagu bixiyaa dareen kontrol waqti wanaagsan.
Time‑Blocking
- Maalintaada u kala qaad xilli hawleedyada muhiimka ah:
- Kordhiya in lagu qabto task-yada la qorsheeyay,
dammaanad qaadaya in shaqooyinka muhiimka ah la dhammeeyo.
Eisenhower
Matrix
- Kala saar howlahaaga sida degdeg ah/aan degdeg ahayn
iyo muhiim/aan muhiim ah:
- 50% dadka isticmaala waxay dareemaan in ay si
wanaagsan u maareeyaan waqtigooda.
Qorsheyn
Subaxnimo
- Qorshe 10–12 daqiiqo ah ayaa badbaadin karta ilaa 2
saacadood maalintii.
Gunaanad
Ilaalinta waqtigu ma aha
doorasho—waa maalgalin lama huraan ah oo kuu keeni karta:
- Wax soo saar sare
- Stress yaraansho
- Dhiirigelin shaqo & tayo
- Xakameyn siyaasadeed & waqti
- Caafimaad maskaxeed & nololeed isku dheelitiran
Hababka sida Pomodoro, Time‑Blocking,
iyo Eisenhower Matrix waa aalado la tijaabiyey oo ku siinaya qaab shaqo
oo habaysan, isla markaana kuu oggolaanaya inaad si macno leh u ilaaliso
waqtigaaga.
5 Comments
mansha allah
ReplyDeletehaa
ReplyDeletehaa
ReplyDeleteqal
ReplyDeletenice
ReplyDelete