Muhiimadda Ilaalinta
Waqtiga
Waqtigu waa khayraad aan
dib loo soo ceshan karin marka uu ku dhaafo, maareynta waqtigu waxay noqotay
furaha guusha. Dad badani waxay dareemaan in waqtigooda si fudud uu u lumayo
iyada oo 82% dadka aan haysan nidaam maarayn, ama aan ka war qabin inuu wakhtigu
kaga lumayo, Dhanka kale, hababka la hubo sida Eisenhower Matrix iyo Pomodoro
Technique waxay abuureen saameyn muuqata oo nolosha shaqsiyaadka ah,
taas oo ka turjumaya in dadka isticmaala inuun qorsheeyo noloshooda si maalinle
ah ay ka wax-soosaar badan yihiin kuwa aan wax qorsha ah lahayn ee iska socda
uun.
Maqaalkani wuxuu eegayaa
sababaha ay muhiim u tahay ilaalinta waqtiga, faa’iidooyinka la taaban karo iyo
hababka wax ku oolka ah ee aad isku dayi karto si aad u maarayso wakhtigaaga kooban
ee aad haysato, wakhtigu waa nolosheeni inaad ka faa’idaysataana waxay kaa
dhigayaa mid nolosha ku guulaystay, waayo waa muhiim inaan ka wakhtigaaga ka
faaidaysataa, waa hab fiican si aad u gaadho meesha aad rabto waxa ugu weyn ee
ku gaadhsiin karaa waa wakhtiga aad dayacayso maanta ee aan qiimaha badan kula
lahayn, markaa faldan ha iska lumin ee ilaali.
Maanta waxaan ka hadli doona muhiimada ay leedahay ilaalin wakhtigu waa mawduuc aad u qiimo badan oo ah ka ugu mudan ee laga hadli lahaa, sidaasi darteed ilaalinta wakhtiga waxaa looga jeeda waa ka faa’idaysiga wakhtiga, oo aad galiso meel ku haboon iyo wax qiimo leh, qodobada aan maanta ka hadli doono dhamantod waxay ka hadlayaa waa muhiimada iyo faa’iadada wakhtigu inoo leeyahay iyo inaynaan ku lumin waxaan waxba inoogu jirin imika ama mustaqbalkaba, raac talooyinkan si aad u maareyso wakhtiga aad haysato ee muhiim ka ah.
1. wax-soosaarka
Dadka
si wanaagsan u maareeya waqtiga waxay wax soo saarkoodu kordhaa ilaa 90%, Time-blocking
wuxuu kordhiyaa howlgabnaanta illaa 53% maalin wakhtigaaga ilaalisa waxay
keenaysaa inaad wax soo saarkaaga sare u qaado, taasi muhiimada ugu horeysa,
sidaasi darteed ilaali wakhtigaaga qaaliga oo gali waxaad ka fiirsatay ugu
yaraan wuxuun kugu soo celin kara mustaqbalka dhaw si aanad isaga qoomamayn.
2. dhiirad saarid
Habka Pomodoro wuxuu ka hortagaa daalka maskaxeed wuxuuna hagaajiyaa diiradda iyo tayada shaqada aad qabanayso markaa, inaad hal shaqo qabato markiiba waxay sare u qaadi kartaa wax soosaarkaaga maalinlaha ah markay sidaasi tahay fiican inaanad dhawr shaqo isku wada furin mar kaliya ee mid kaste mar gaar ah dhamayso, si diirad saarkaaga aanu u lumin, iyana waa mid ka mida ilaalinta wakhtiga aad ku samayn karto.
3.dhib u dhigada
Dib
u dhigashada waa mid ka mida caqabadaha haysta bulshada kaas saamayn ku leh wax
soo saarka maalinlaha ah ee qof kaste, markaad u dib u dhigto shaqo kuu taalay
waxaa badanaya dhibaatooyinka ka dhalan kara, waxaad fiican inaad shaqo kaste
ku qabato wakhtigii aad u qorshaysay, haddi kale waxaa is gaadhi kara shaqooyin
badan oo kuu yaala, taasi waxay keenaysaa niyad jab badan iyo inaad waxba qaban
kari waydo markay hawluhu kugu badan adiga oo aad wakhti fiican haysan.
4. Isku dheelitirnaan nololeed & caafimaad
Time-blocking
wuxuu ka ilaaliyaa shaqada dhanka gaarka ah, wuxuuna yareeyaa burnout, inaad
shaqooyinka kale saartaa waxay caafimaadkaaga ka dhigi kartaa mid fiican oo aan
isku dhex yaacin, shaqada aad qabanayso ka mid leh wakhti gaar ah, sidoo kale
samayso wakhti aad ku nasan karto oo aad nafta la firaaqo heli karto.
5. Aqoonta waqtiga & xakameynteeda
10 daqiiqo oo qorsheyn subaxnimo ah waxay badbaadin kartaa ilaa 2 saacadood maalintii kaaga lumi lahaa adiga oo aan garanayn waxaad qabato, taasi micnaheedu waa in qorshayntu ka fiican inaad mashquul ahaato adiga oo aan garanayn waxaad qabanayso, ku dedaal markaste inaad lahaato qorshe maalinle ah oo aanad iska socon markuu waagu kuu baryo uun ilaa Habeenkii adiga oo aan garanayn maalinkaagi oo dhan.
Farsamooyinka
Wax-ku-Oolka Ah
Pomodoro Technique
Qof
25 daqiiqo shaqeynaya kadib 5 daqiiqo nasasho, 4 wareeg kadib, nasasho dheer oo
15 ilaa 30 daqiiqo ah Waxay kordhisaa diiradda, yarayso daalka maskaxeed, iyo
hagaajinta tayada shaqada, Waxaa lagu bixiyaa dareen kontrol waqti wanaagsan,
halkii aad qaban lahayd shaqo 3 saacadood oo xidhiidh waxaa fiican inaad
wakhtiga yar yarayso si aad u hesho firfircooni dheeraad ah oo aad ku wado
shaqada, laakiin hadaad tidhaadhdo waxaan wax diyaarinayaa 3 saac oo xidhiidh
ah waxay u badan tahay inaad saacada hore uun si fiican u fahanto inta dambe se
ay maskaxdaadu maqan tahay oo aanad waxba fahmayn.
Time‑Blocking
Maalintaada u kala qaad xilli hawleedyada muhiimka ah, wakhti lagu qabto shaqooyinka la qorsheeyay iyo wakhti aad ka fikirayso mustaqbalkaaga dambe oo aad qorshayn karto, yeelo ujeedo muuqata wakhtigana qeex waad helaysaa halkaad rabto.
Eisenhower Matrix
Kala
saar howlahaaga sida degdeg ah iyo kuwa aan degdeg ahayn iyo muhiim iyo kuwa aan
muhiim ah, 50% dadka isticmaala waxay dareemaan in ay si wanaagsan u maareeyaan
waqtigooda, habkan isticmaal si aad u gaadho hadafkaaga oo aad ugu guulaysato,
hawl kaste oo aad qabanayso adiga oo garanaya ujeedka aad ka leedahay, habkani
wuxuu ku siinayaa hawlaha kuu muhiim ka ah iyo kuwa aan muhiimka kuu ahayn ee
aad iska dayn karto maalintaada, sidoo kale kuwa deg deg ah iyo kuwa aan deg
dega kuu ahayn ee aad dib u dhigi karto.
Qorsheyn Subaxnimo
Qorshe
10 ilaa 12 daqiiqo ah ayaa badbaadin karta ilaa 2 saacadood maalintii wax soo
saar ah markaste oo leedahay qorshe qoran waa markaste oo aad gaadhayso ujeedkaaga
qoran.
Gunaanad
Ilaalinta waqtigu ma aha
doorasho waa maalgalin lama huraan ah oo kuu keeni karta:
- Wax soo saar sare oo kaalin
gal ah
- Stress yaraansho iyo hamigaaga
oo sarreeya markaste
- Dhiirigelin shaqo & tayo
inaad ku dhiiranaato shaqadaada oo aad si fiican u qabato.
- Xakameyn dhaqaale & waqti
inaad maareyso wakhtigaaga iyo dhaqaalahaagaba.
- Caafimaad maskaxeed &
nololeed isku dheelitiran oo aad ku noolaato.
Hababka sida Pomodoro, Time‑Blocking,
iyo Eisenhower Matrix waa aalado la tijaabiyey oo ku siinaya
qaab shaqo oo habaysan, isla markaana kuu oggolaanaya inaad si macno leh u
ilaaliso waqtigaaga. Ilaalinta wakhtigu waa qayb kamid ah diinteena oo inagu dhiirri
galisay inaan ilaalino wakhtiga aan haysano, waxaa waajib inaad ka faa’idaysato
wakhtiga aad haysato maanta waayo beri ma haysan doontid wakhtigaa qaaliga ah.


7 Comments
mansha allah
ReplyDeletehaa
ReplyDeletehaa
ReplyDeleteqal
ReplyDeletenice
ReplyDeletekitr
ReplyDeleteksax
ReplyDelete