LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Tiknoolajiyada Cusub iyo saamaynteeda

 Tiknoolajiyada Cusub iyo saamaynteeda

Teknolojiyadda cusub waxay saamayn taban ku yeelanaysaa nolosheena guud ahaan, gaar ahaan nolosha da’yarta maanta nool, oo noloshoodu ku xidhantay tiknoolajiyada. Maqaalkaan waxaa ku soo bandhigayaa farsamooyinka cusub iyo sida ay u bedeleen waxbarashada, shaqada, caafimaadka, iyo bulshadeena oo dhamantod technology saamayn ku yeelatay waanay sii kordhaysaa markaste oo waxaa sii badanaya isticmaaleedka.

Waxaa si xawli ah ku socda korodhka isticmaalka technology taasi oo wadata dhibteeda iyo dheefteedaba, markaste oo ay badato waxay keenaysaa saamayn aan yarayn ay ku yeelanayso bulshada qaybaheeda kale duwan gaar ahaan kuwa aadka u adeegsada oo ah dhalinyarada, waxay keeni karta xanuun cusub, kuwa hore u jiray ama dhibaato aan hore u jirin oo ku cusub dadka iyo dalkaba, waana sabab looga dhigayo in si aad ah loo adeegsado.

maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa adeegsiga technology iyo saamaynta ay keeni karto taasi oo badan saamayn taban ama dhibaato leh, markaste oo sii badato waxaa lasii badanaya dhibaatadeedii, waxay keeni kartaa xanuun bulsho oo maskaxeed, qaar nafsiyeed iyo kuwa kale oo badan, hadaba waxaan halkan kusoo gudbin doonaa sidii la isaga yarayn lahaa dhibkaasi oo xal loogu heli lahaa, sidoo kale inta wanaagsana looga faa’idaysan lahaa oo loo adeegsan lahaa.

1. Isgaarsiinta bulshada

Mobilada & internet-ka ayaa meesha ka saaray xuduudaha juqraafi, iyadoo ku dhawaad 4.6 bilyan qof hadda isticmaalo internetka mobilka, Baraha bulshada iyo qoraalka ayaa bedelay qaabka dadka isugu xiriiraan waxaana yaraaday codka iyada oo la door-bidayo chat iyo SMS, Saameyn dhinaca xiriirka ka timid: dhalinyarada waxay leeyihiin dareen kalinimo iyo hoos u dhac ku yimaada awoodda ay ula macaamilaan nolosha dhabta ah, taasi oo saamayn weyn ku yeelatay habkii bulshadu isugu xidhnaan jirtay ama u wada xidhiidhi jirtay, waxay bulshadii noqotay mid wada mashquul ah oo aan jaanis isku helayn iyagoo wada jooga haddana.

2. Waxbarashada & aqoonta

Barnaamijyada waxbarashada online-ka sida Udemy, Coursera waxay arday u oggolaadeen in ay si madax bannaan wax u bartaan, Teknolojiyada AI sida adaptive learning waxay isku dayaysaa in waxbarashada loo habeeyo baahida ardayda, Si kastaba, faraqa dijitaalka (digital divide) ayaa weli jira meelo aan internet lahayn ama qalab la’aan ah, waxay ka hortagtaa in dhammaan arday ay ka faa’iidaystaan, markaste waxaa sii badanaya isticmaalka iyo adeegsiga digital ka taasi waxay saamayn weyn ku keeni karta habkii hore ee waxbarashada oo gabi ahaanba meesha kasii baxaya, waxaan bedelaya E-learning ama electronic learning kaasi oo saamayntiisa wata, waliba saamayn weyn.

3. Caafimaadka & cilmibaarista

Waxaa kordhay adeegdiga technology ee dhinaca caafimaadka, qaliinada, shaybaadka iyo waliba daaweynta oo dhamaantod hadda gaadhay in la adeegsado technology, taasi waxay keenaysaa faa’ido badan oo ah wakhtigii oo yaraada iyo in la heli karo jawaabo sax ah, laguna guulaysto qaliino aad u adkaa marka la samaynayo, sidoo kale waxay keenaysaa saamayn toban oo ka dhalan karto adeegsiga dhinaca caafimaadka, maadaama oo aan markaste la isku halayn karin oo mararka qaar qaldami karto ama si xun loo adeegsan karo, sidoo kale waxay fududaysay cilmi baadhistii oo hadda wakhti yar lagu samayn karo marka loo eego wakhtigii hore.

4. Dhaqaalaha & shaqooyinka

Meheradaha casriga ah waxay abuureen suuq cusub: gig economy, remote work, platform economy laakiin waxay sidoo kale keentay culeys dhinaca shaqooyinka joogtada ah, Awoodda robot-yada iyo AI waxay baabi'in kartaa shaqooyin dadaal badan leh, shirkada Ford ayaa sheegtay in AI ay badali karto ilaa kala bar shaqaalaha xafiiska, Qaar ka mid ah dhaqaale yahanada adduunku waxay ku talinayaan qorshayaal bulshada sida Universal Basic Income si looga hortago sii xumaanta shaqo la’aanta, waa hubaal in shaqo badan technology abuuray sidoo kale waxaa hubaal ah in qaar kale oo badan uu meesha ka saarayo oo la waayayo.

6. Mustaqbal & fursadaha

Markaste oo bato isticmaalka technology waxa sii badanaya saamaynteeda xun ama wanaagsan Teknolojiyo sida IoT, 5G, quantum computing, AR/VR, blockchain waxay abuuri doonaan qalab farabadan, xarumo magaalo casri ah, iyo nidaamyo caafimaad oo shaqayn kara, Heerka tamarta casriga sida cirka laga isticmaalo (HAPS) iyo codsiyo teknolojiyadeed oo deegaan loo isticmaalo waa tallaabooyin loo qaaday saaxiibtinimada deegaanka, Wadahadal dadweyne, doodo, iyo shirkado waa lagama maarmaan si loo sameeyo siyaasad mas'uul ah oo ka hortagta halisaha iyo sidoo kale taageerta hal-abuurka. Waxaasi oo dhan way ka dhalan karaan iyo waliba qaar kale oo aan imika la saadaalin karin.

 Gunaanad

Saamaynta technology cusub wuxuu keenayaa dhibaatooyin badan oo aan hore jiri jirin balse hadda xal I baahan doonaa kuwaasi oo saamayn xun ku yeelanayaa nolosha bulshadeena haddii laga hortagin ama la yarayn, sidoo kale waxay soo kordhisay jaanisyo iyo fursado aan hore u jiri jirin oo haddii si fiican looga faa’idaysto meel fiican gaadhsiin kara bulshadeena sidoo kale xalin kara dhibatoyin bulsho oo badan, barashada aqoon cusub, keenista xirfado aan hore loo aqoon, kordhinta dhaqaalaha bulshada iyo u adeegsiga dhinaca caafimaadku dhamantod waa fursado hadda jira oo loo isticmaali karo technology casriga waa faa’ido aad u weyn haddii si fiican loo maareeyo ama loo xakameeyo taasi oo lagu yarayn karo saameyn tooda.

Tiknoolajiyada cusub waa labo laab: hal dhinac xoog badan oo kor u qaadaya nolosha iyo dhinac kale caqabado adag u keena bulshooyinka, oo u baahan in laga maareeyo Si looga faa’iidaysto si caddaalad ah, waxaa loo baahan yahay:

1.     Kordhinta helitaanka internet-ka (xeerarka HAPS iwm.).

2.     Barnaamijyo casri ah oo loogu talagalay dib-u-tababaridda shaqaalaha.

3.     Siyaasado ilaalinaya asturnaanta xogta, shaqaalaha, iyo ilaalin bulsho.

4.     Kor u qaadidda anshax iyo hufnaan horumarinta teknolojiyada.

Waa qayb ka mida ah dhinaca wanaagsan ee adeegsiga technology waxay u baahan in loo isticmaalo si fiican oo xad leh, haddii dhinaca kale ee xun si aad ah loo adeegsado isaguna wuxuu saamayn xun ku reebaysaa nolosha bulshada, laakiin markaste la isku miisaamo waxaa hagaagaya adeegsi technology, waxaana laga badbaadayaa dhibaatooyinkii aan soo sheegnay kuwaasi oo ay keenaysay isticmaalka aan xadka lahayn ee technology. Ugu dambeyn cid kaste oo doonaysa inay helan wadada saxan ee adeegsiga technology waxay mari karaan daqriiqaasi xadidan ee sharaxaya waxaa looga baahan yahay.  

 

Sam Altman's predictions on how the world might change with AI

 

https://www.businessinsider.com/openai-sam-altman-predictions-how-ai-could-change-the-world-2025-1?utm_source=chatgpt.com

 

Another major CEO warns that artificial intelligence could wipe out ‘literally half’ the white-collar workforce

https://www.news.com.au/technology/innovation/another-major-ceo-warns-that-artificial-intelligence-could-wipe-out-literally-half-the-white-collar-workforce/news-story/19ce95673c4ccd9c12d5c480c3f83066?utm_source=chatgpt.com

 

Streeting sets out digital overhaul of NHS centred on ‘doctor in your pocket’ app

https://www.theguardian.com/politics/2025/jul/03/labour-nhs-app-hospital-league-tables-10-year-health-plan-wes-streeting?utm_source=chatgpt.com

 

 

Post a Comment

7 Comments