LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dhibaatooyinka Isticmaalka Baraha Bulshada

Dhibaatooyinka Isticmaalka Baraha Bulshada

Wakhtigan Horemarka aalada technologiyada wuxuu keenay isbedel balaadhan mid taban iyo mid togan kuu ahaadaba. Waxaa soo badanaya waayadan dambe isticmaalka xad dhaafka ah ee baraha bulshadu ku wada xidhiidho kuwaas oo saamayn ku yeeshay guud ahaan nolosha aadamaha dunida ku nool. Somalidu waxay ka mid tahay dadyowgaas kamana badbaadin saamaytiisa. Inkastoo heerka bulshooyinka qaar gaadheen aynaan weli gaadhin. Technologiyadu waa aalad laba afleh, mid xun iyo mid wanaagsan waana sida looga faaidaysto.

Sidaasi oo ay tahay waxaa fican in aan ka taxadirno saamaynta technology waa goor dhaw si fiican inoo soo gaadhi doonta, waxay leedahay khasaare ka badan faa’idadeeda kaasi oo cid kaste saamayn kara dhamaan bulshada qaybaheeda, haddii kaga hor tagin maanta oo qorshe cad laga yeelan saamayntaasi soo socota, isticmaalka badan ee media wuxuu dhibaato u keeni karaa dhamaan bulshada qaybaheeda kale duwan waxaana ugu sii daran waa dhalin yarada oo maanta aad u fal gashay waliba ay noloshooda ay ka mid noqotay isticmaalka badan social media.

Maqaalkani wuxuu ka hadli doonaa saamayn isticmaalka badan ee social media ku leeyahay bulshadeena waliba da’ yarta maanta soo koraya, wuxuu saamayn muuqata ku keenayaa caafimaadka maskaxda, hurdadii qofka, shaqadii iyo wax soo saarkii qofka iyo bulshadaba iyo waliba dhaqaalihii ummada oo uu hoose dhac ku keenayo, dhamaan kuwani qayb kamid ah saameyn isticmaalka badan ee baraha bulshada ku xidhiidh, halka haddii si fiican loo adeegsan lahaa bulshadu ka faa’idi lahayd.

Dhibaatooyinka isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha lagu wada xidhiidho

1. Saamayn maskaxeed:

Cilmi-baarisyadii ugu dambeeyey ee uu Maraykanku sameeyay, gaar ahaan tii lagu sameeyay Jaamacadda New York, dadka barta Facebook adeegsada waxa ay soo bandhigeen cilmi-baarayaashu in 76% ka qayb-galayaashu bartan ay isticmaaleen inta ay socdeen, 40% markii ay baabuur wadeen, 63% markii ay dadka kale la hadlayeen. Baarayaashu waxa ay xoojinayaan in kororka boqolleyda isticmaalka baraha bulshadu uu siyaadinaayo isu-dheelli-tir la’aanta habka garashada iyo hab-dhaqanka maskaxda.

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha lagu xiriiro waxa ay khalkhal ku keenaan shaqada maskaxda, khaas ahaan dhalinyarada oo u badan adeegsigan qaldan.

2. Maahsanaan:

Balwad ka dhigashada baraha bulshadu ku xiriirto waxa ay keenaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin culays iyo hurdo yaraan, taas oo iyana saamayn ku yeelata awoodda diiradsaaridda qofka, hoos u dhac ku yimaada feejignaantiisa iyo ardayga oo awoodi waaya in uu cilmiga si wanaagsan u qabto, waayo maskaxdiisii baa ku mashquulsan wax kale.

3. Hurdo yaraan ama hurda la’aan:

Badanaa qof kastaa waxa uu daalacdaa baraha bulshada, isla wakhtiga sariirta ka hor, taas oo saamayn taban ku yeelata tayada hurdada iyo dareenka hurda la’aanta, cilmi-baarayaashu waxa ay tilmaameen in iftiinka ay soo saaran taleefoonada casriga ahi uu saamayn ku yeesho soo deynta Melatonin, kaas oo ah hormoonka mas’uulka ka ah hurdada, sidaas darteed waxaa fiican in aad ka fogaato baraha bulshada gaar ahaan amin ku habboon inta aadan seexan ka hor oo aanad telefoonka la tagin sariirta hurdada.


4. Wax-soo-saarka shaqada oo hooseysa

Cimi-baaris ay samaysay Jaamacadda Maryland waxay tilmaantay in baraha bulshadu ay carqaladeeyaan wax-soo-saarka shaqada, taasna waxa wacay dad badan ayaa daalacda baraha bulshadu ku wada xiriirto marka ay shaqadooda ku guda jiraan taas oo saamayn weyn ku yeelata tayada shaqadooda, taasi waa dhibaato ka mashquulka faraha badan.

5. Ka go’doomidda bulshada:

In kasta oo xidhiidh bulsheedka u dhexeeya dadka loo maro habka warbaahinta, haddana waa xiriir mala-awaal ah kaas oo dad badani ay ku lumiyaan xiriirkoodii dhabta ahaa ee bulshada, yaraanta waraysiga tooska ah ee dadka iyo dhexgal la’aanta hawlaha kala duwan ee bulshada, ayaa ku keena adeegsadayaasha baraha bulshada u adeegsada sida xad-dhaafka ah in ay ka go’doomaan dadka kale una janjeedhsadaan dhinaca kelinimada, oo aanay wakhti fiican u helin dadka ay la nool yihiin ee u dhaw.

6. Raadaynta niyadda:

Baraha bulshada ayaa saamayn deg-deg ah ku yeelan Kara niyadda qofka kaas oo loo maraayo qoraallada kala duwan ee saamayn togan ama taban ku yeelan Kara. Maadaama qoraallada xun xumi ay door ku leeyihiin in ay sababaan niyad xumada, dareenka walaaca iyo welwelka waana taban oo waliba fog.

7. Saamaynta caafimaad:

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada ayaa saamayn ku yeesha caafimaadka aadanaha. Cilmi baaris ay samaysay Jaamacadda Milano ee dalka Talyaaniga Waxay daaha ka rogtey in saacadaha badan ee lagu dul qaato telefoonka laga isticmaalayo baraha bulshadu uu aadanaha ku keeno xanuuno. Waxa uu tilmaamay Joornaalka iskuulka kalkaalisada (Journal of school Nursing) in isticmaalka Internet-ka guud ahaan in ka badan 14 saacadood maalintii ay dhibaato caafimaad ku keento habdhiska difaaca dhiigkarna ay sababto, waliba dhinac kaste oo caafimaadka qof ka ah wuu saamayn kartaa.

8. Dhaqan bedel

Isticmaalka xad-dhaafka ee baraha lagu xidhiidhaa keeneen waxaa ka mid ah dhaqan bedelid balaadhan, waxaa soo kordhay dhalinyaro u istiicmaala inay dhaqaalo ka sameeyaa ama caanimo Doon ah kuwaas oo ujeedadoodu tahay in la daawado ama laga falceliyo uun, si ay taas u helaan samaysnaya waxkasta oo maxkaxdooda ku soo dhaca ama ha xumaado ama ha wanaagsanaado, waxaa adeega dadka intuu ugu liidatay oo aan badankoodu akhlaaq fiican lahayn taasi waxay keentay inay soo gudbiyaan waxay doonaan, halkaasna waxaa ku faafaya dhaqano aan wanaagsanayn oo bulshada u gudbayo maalin kaste.

9. koriin-xumo

Isticmaalka xad-dhaafka ee baraha bulshadu wuxuu sidoo kale saamayn muuqata kuu leeyahay koriinka da’yarta. maadaama oo uu keensaday dhibaatooyin badan sida mid caafimaad, mid maskaxeed, mid hurdo oo dhamaan saamaynaya koriinka carruurta, waayo koriinka wuxuu ku xidhan yahay caafimaadka qofka oo hadduu caafimaadku lumo koriin jiri maayo.

Gunaanad

Dhamaan kuwani waa dhibaatooyin laga dhaxlo marka si xad dhaaf loo adeegsado baraha bulshadu ku xidhiidho, waxay keeni karaa dhibaatooyin aad u badan kuwaasi ah qaar aan laga soo kabsan karin mustaqbalka, haddaba waxaa fiican in laga taxadiro oo aad looga digtoonaado dhibkaasi intaanu iman, qodobadaasi waa ay duwan yihiin sidoo kale waxay ka siman yihiin inay dhib leeyihiin, dhib ugu weyni waa ka caafimaadkaaga gaadhaya, markaasi naftaada ka ilaali inay aad u adeegsato baraha bulshada waliba intaad yar tahay, ugu dambeyn dhibaatooyinka isticmaalka baraha bulshadu wuxuu sidoo kale saamayn karaa dhaqaalaha bulshada isaga oo hoos u dhigaya ma qasaare ku keenaya markaasi waa inay bulshada aad looga wacyi galiyaa.

 


Post a Comment

10 Comments