Dhibaatooyinka Isticmaalka Baraha Bulshada
Wakhtigan
Horemarka aalada technologiyada wuxuu keenay isbedel balaadhan mid taban iyo
mid togan kuu ahaadaba. Waxaa soo badanaya waayadan dambe isticmaalka xad
dhaafka ah ee baraha bulshadu ku wada xidhiidho kuwaas oo saamayn ku yeeshay
guud ahaan nolosha aadamaha dunida ku nool. Somalidu waxay ka mid tahay
dadyowgaas kamana badbaadin saamaytiisa. Inkastoo heerka bulshooyinka qaar
gaadheen aynaan weli gaadhin. Technologiyadu waa aalad laba afleh, mid xun iyo
mid wanaagsan waana sida looga faaidaysto.
Sidaasi
oo ay tahay waxaa fican in aan ka taxadirno saamaynta technology waa goor dhaw
si fiican inoo soo gaadhi doonta, waxay leedahay khasaare ka badan faa’idadeeda
kaasi oo cid kaste saamayn kara dhamaan bulshada qaybaheeda, haddii kaga hor
tagin maanta oo qorshe cad laga yeelan saamayntaasi soo socota, isticmaalka badan
ee media wuxuu dhibaato u keeni karaa dhamaan bulshada qaybaheeda kale duwan waxaana
ugu sii daran waa dhalin yarada oo maanta aad u fal gashay waliba ay noloshooda
ay ka mid noqotay isticmaalka badan social media.
Maqaalkani
wuxuu ka hadli doonaa saamayn isticmaalka badan ee social media ku leeyahay bulshadeena
waliba da’ yarta maanta soo koraya, wuxuu saamayn muuqata ku keenayaa
caafimaadka maskaxda, hurdadii qofka, shaqadii iyo wax soo saarkii qofka iyo
bulshadaba iyo waliba dhaqaalihii ummada oo uu hoose dhac ku keenayo, dhamaan
kuwani qayb kamid ah saameyn isticmaalka badan ee baraha bulshada ku xidhiidh, halka
haddii si fiican loo adeegsan lahaa bulshadu ka faa’idi lahayd.
Dhibaatooyinka isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha lagu wada xidhiidho
1. Saamayn maskaxeed:
Cilmi-baarisyadii
ugu dambeeyey ee uu Maraykanku sameeyay, gaar ahaan tii lagu sameeyay
Jaamacadda New York, dadka barta Facebook adeegsada waxa ay soo bandhigeen
cilmi-baarayaashu in 76% ka qayb-galayaashu bartan ay isticmaaleen inta ay
socdeen, 40% markii ay baabuur wadeen, 63% markii ay dadka kale la hadlayeen.
Baarayaashu waxa ay xoojinayaan in kororka boqolleyda isticmaalka baraha
bulshadu uu siyaadinaayo isu-dheelli-tir la’aanta habka garashada iyo
hab-dhaqanka maskaxda.
Isticmaalka
xad-dhaafka ah ee baraha lagu xiriiro waxa ay khalkhal ku keenaan shaqada
maskaxda, khaas ahaan dhalinyarada oo u badan adeegsigan qaldan.
2. Maahsanaan:
Balwad
ka dhigashada baraha bulshadu ku xiriirto waxa ay keenaan dhibaatooyin badan oo
ay ka mid yihiin culays iyo hurdo yaraan, taas oo iyana saamayn ku yeelata
awoodda diiradsaaridda qofka, hoos u dhac ku yimaada feejignaantiisa iyo
ardayga oo awoodi waaya in uu cilmiga si wanaagsan u qabto, waayo maskaxdiisii
baa ku mashquulsan wax kale.
3. Hurdo yaraan ama
hurda la’aan:
Badanaa qof kastaa waxa uu daalacdaa baraha bulshada, isla wakhtiga sariirta ka hor, taas oo saamayn taban ku yeelata tayada hurdada iyo dareenka hurda la’aanta, cilmi-baarayaashu waxa ay tilmaameen in iftiinka ay soo saaran taleefoonada casriga ahi uu saamayn ku yeesho soo deynta Melatonin, kaas oo ah hormoonka mas’uulka ka ah hurdada, sidaas darteed waxaa fiican in aad ka fogaato baraha bulshada gaar ahaan amin ku habboon inta aadan seexan ka hor oo aanad telefoonka la tagin sariirta hurdada.
4. Wax-soo-saarka
shaqada oo hooseysa
Cimi-baaris
ay samaysay Jaamacadda Maryland waxay tilmaantay in baraha bulshadu ay
carqaladeeyaan wax-soo-saarka shaqada, taasna waxa wacay dad badan ayaa
daalacda baraha bulshadu ku wada xiriirto marka ay shaqadooda ku guda jiraan
taas oo saamayn weyn ku yeelata tayada shaqadooda, taasi waa dhibaato ka
mashquulka faraha badan.
5. Ka go’doomidda
bulshada:
In
kasta oo xidhiidh bulsheedka u dhexeeya dadka loo maro habka warbaahinta,
haddana waa xiriir mala-awaal ah kaas oo dad badani ay ku lumiyaan xiriirkoodii
dhabta ahaa ee bulshada, yaraanta waraysiga tooska ah ee dadka iyo dhexgal
la’aanta hawlaha kala duwan ee bulshada, ayaa ku keena adeegsadayaasha baraha
bulshada u adeegsada sida xad-dhaafka ah in ay ka go’doomaan dadka kale una
janjeedhsadaan dhinaca kelinimada, oo aanay wakhti fiican u helin dadka ay la
nool yihiin ee u dhaw.
6. Raadaynta niyadda:
Baraha
bulshada ayaa saamayn deg-deg ah ku yeelan Kara niyadda qofka kaas oo loo
maraayo qoraallada kala duwan ee saamayn togan ama taban ku yeelan Kara.
Maadaama qoraallada xun xumi ay door ku leeyihiin in ay sababaan niyad xumada,
dareenka walaaca iyo welwelka waana taban oo waliba fog.
7. Saamaynta caafimaad:
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada ayaa saamayn ku yeesha caafimaadka aadanaha. Cilmi baaris ay samaysay Jaamacadda Milano ee dalka Talyaaniga Waxay daaha ka rogtey in saacadaha badan ee lagu dul qaato telefoonka laga isticmaalayo baraha bulshadu uu aadanaha ku keeno xanuuno. Waxa uu tilmaamay Joornaalka iskuulka kalkaalisada (Journal of school Nursing) in isticmaalka Internet-ka guud ahaan in ka badan 14 saacadood maalintii ay dhibaato caafimaad ku keento habdhiska difaaca dhiigkarna ay sababto, waliba dhinac kaste oo caafimaadka qof ka ah wuu saamayn kartaa.
8. Dhaqan bedel
Isticmaalka
xad-dhaafka ee baraha lagu xidhiidhaa keeneen waxaa ka mid ah dhaqan bedelid
balaadhan, waxaa soo kordhay dhalinyaro u istiicmaala inay dhaqaalo ka sameeyaa
ama caanimo Doon ah kuwaas oo ujeedadoodu tahay in la daawado ama laga
falceliyo uun, si ay taas u helaan samaysnaya waxkasta oo maxkaxdooda ku soo
dhaca ama ha xumaado ama ha wanaagsanaado, waxaa adeega dadka intuu ugu
liidatay oo aan badankoodu akhlaaq fiican lahayn taasi waxay keentay inay soo
gudbiyaan waxay doonaan, halkaasna waxaa ku faafaya dhaqano aan wanaagsanayn oo
bulshada u gudbayo maalin kaste.
9. koriin-xumo
Isticmaalka
xad-dhaafka ee baraha bulshadu wuxuu sidoo kale saamayn muuqata kuu leeyahay
koriinka da’yarta. maadaama oo uu keensaday dhibaatooyin badan sida mid
caafimaad, mid maskaxeed, mid hurdo oo dhamaan saamaynaya koriinka carruurta,
waayo koriinka wuxuu ku xidhan yahay caafimaadka qofka oo hadduu caafimaadku
lumo koriin jiri maayo.
Gunaanad
Dhamaan
kuwani waa dhibaatooyin laga dhaxlo marka si xad dhaaf loo adeegsado baraha bulshadu
ku xidhiidho, waxay keeni karaa dhibaatooyin aad u badan kuwaasi ah qaar aan
laga soo kabsan karin mustaqbalka, haddaba waxaa fiican in laga taxadiro oo aad
looga digtoonaado dhibkaasi intaanu iman, qodobadaasi waa ay duwan yihiin sidoo
kale waxay ka siman yihiin inay dhib leeyihiin, dhib ugu weyni waa ka
caafimaadkaaga gaadhaya, markaasi naftaada ka ilaali inay aad u adeegsato
baraha bulshada waliba intaad yar tahay, ugu dambeyn dhibaatooyinka isticmaalka
baraha bulshadu wuxuu sidoo kale saamayn karaa dhaqaalaha bulshada isaga oo hoos
u dhigaya ma qasaare ku keenaya markaasi waa inay bulshada aad looga wacyi
galiyaa.



10 Comments
Mansha allah
ReplyDeleteGood luck
ReplyDeleteNice mix
ReplyDeleteHelo
ReplyDeleteMe
ReplyDeleteMansha allah
ReplyDeletemnhu aha
ReplyDeletehi om
ReplyDeletehye
ReplyDeleteok
ReplyDelete