Waddada
Guusha:
Talooyin Ku Socda Dhalinyarada
Hordhac
Guushu ma aha wax si sahlan lagu
gaaro, mana aha mid imanaysa habeen iyo maalin gudaheed. Waa safar dheer oo u
baahan sabir, dadaal, qorshe, iyo rumaynta naftaada. Dhalinyaradu waa kuwo
safarkaasi sugayo, waxaana muhiim ah in ay helaan tilmaamo sax ah oo ay kaga
gudbi karaan caqabadaha una gaari karaan riyooyinkooda, kuwaasi oo ay tahay ka
rumeeyaan inta ay yar yihiin sidaa darteed waa inay helaya wadadii ay u mari
lahaayeen ay u gaadhaan meesha aya doonayaa oo dhamanka guusha.
Hadaba maanta dawduucan waxa kaga
hadli doonaa sidii ay dhalin yaradu guuhaa u gaadhi lahaayeen, dariiqii ay u
mari lahaayeen iyo siday dhibatoyinkeeda uga talaabi lahaayeen, sidoo kale
waxaan siin doonaa talooyin guud dhalinyarada kuwaas oo ka hadlaya waxyaalaha u
muhiimka ah iyaga, dhaman qodobadan xaga hoose ku xusan waxay xal u yihiin
dhibaatooyin maanta haysta dhalinyarada kuwaas oo xal dhab ah u baahan in loo
helo, waana sababtaan maqaalkan u qorayno xal u helida dhibaatoyinkan soo noqnoqday.
Kuwani waa xalalka caqabada jira oo qaar badan oo inaga mid ah haysta maanta, laga bilaabo barashada naftaada, yool dajinta, ka faa’idaysiga wakhtiga iyo saamaynta saaxiibada saxda ah waa wado isku wada xidhan oo u baahan inaad si isku mid ah u samayso waxayna xalinayaan oo badan mushkilado oo jira, qodob kastaana sidii ayaa u dul istaagi doona oo u faahfaahin doonaa, haddaba waxaan xoog saari doonaa qodobada muhiim aad u ah sida barashada nafta iyo qorshe yeelashada, sidoo kale dhamaan qodobada kale waan ka hadli doonaa waana sharaxi doonaa.
1. Is-Baro Naftaada
Tallaabada ugu horreysa ee guusha
waa in aad naftaada barato kartidaada, daciifnimadaada, rabitaankaaga, iyo
halka aad dooneyso in aad gaarto. Qofka is bartay wuxuu ogyahay halkuu ka
bilaabi karo, iyo wixii uu ka fogaanayo. Ha ku mashquulin sidii aad dad kale u
eegi lahayd, ee ku dadaal sidii aad naftaada u kobcin lahayd, is barashadu
waxay ka bilaabantaa naftaada oo si qoto dheer u barato, hadaad taas ku
guulaysato, waxaad gaadhi waxyaale kale oo baran sidaasi darteed marka hore naftaada
si fiican u baro.
2. Yool Dhab Ah U Deji
Guushu waxay bilaabataa marka aad leedahay yool muuqda oo cad. Ku qor meel muuqata, una qaybi qaybo kale duwan kuna tallaabsada maalin kasta. Yool la’aan waxay la mid tahay dooni bad wayn ku jirta oo aan hoggaan lahayn meelna ma gaareyso, inaad yool iyo ujeedo cad yeelata waxay kaa caawin kartaa in kale oo dhan waayo haddii aanad ujeedo lahayn ma cabiri kartid waxaad qabatay iyo meesha aad gaadhay inaad guulaysatay iyo in kale, sidaasi darteed yeelo ujeedo cad oo meel kuugu qoran si aad u qeexi karto wax qabadkaaga guul ama guul daro.
3. Ka Faa’iidayso Waqtiga
Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee aad haysato, gaar ahaan marka aad dhalinyaro tahay. Ku bixi waxbarasho, akhris, horumar nafeed, ama xirfad barasho. Ha ku lumin wakhtiga sheeko aan faa’iido lahayn, ciyaaro joogto ah, ama baraha bulshada oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo, wakhtigu waa waxa ugu muhiimsan ee aad haysato maanta sidaasi darteed waxaad noqon doontaa sidaad u adeegsato maanta, gali wakhtigaaga wax faa’ido kuu leh oo aanad ka qoomamayn kartaa waynaato, taasi waxay kaa dhigaysaa mid guulaystay, baro xirfado cusub, aqoon korodhsi samee oo yay kaa lumin maalin kaliya oo ka mid noloshaada waliba intaad yar tay waa fursad kuu dahabi ah.
4. La-tasho dadka guulaystay
Qof walba oo guulaystay wuxuu soo
maray jid adag. Weydii, la sheekayso, ka baro khaladaadkooda iyo guulahooda.
Xigmadda dadka waaweyn iyo la tashiga asxaabta wanaagsan waxay kaa ilaalin
karaan khaladaad badan, waxayna ku siin kartaa wado kooban oo aad guul ku
gaadhi karto wakhti yar, qof kaste hortaa guulaystay la saaxiib oo ka baro
wuxuu sameeyey intaad isku midka ka tihiin iyo waayo aragnimadiisa.
5. Kalsoonida Nafta
Guusha runta ah waxay timaadaa marka
aad kalsooni ku qabto naftaada iyo awoodda uu Allah kuu siiyey. Qofka cibaado
leh, akhlaaq wanaagsan leh, oo dareensan masuuliyadda noloshiisa, wuu kasban
karaa kalsoonida dadka iyo barakooyinka Alle, inaad naftaada si fiican u
barataa waxay ka mid arrimaha guusha aad ku gaadhi karto, waayo markaad
naftaada barato waxaad ogaanaysaa meel aad ku fiican tahay iyo waxaad ku xuntahay
ee aanad qaban karin ama si fiican u dhamayn karin kaligaa, markaas barashada naftaada
waa dariiq fiican oo aad ku guulaysan karto.
6. Ha Ka Cabsan Guuldarrada
Guuldarradu waa qayb ka mid ah
safarka guusha. Waxaa laga bartaa casharro muhiim ah. Ku celceli, kororsada
khibrad, ha niyad jabin. Dadka maanta lagu daydaa waa kuwii shalay la diiday ee
aan quusan, marka hadaad hadaf cad leedahay oo aad samaysatay qorshe fiican
waxaad u baahan inaad yeelato adkaysi ku guul dara ku wajihi karto adiga oo aan
quusanayn marka aad gaadhi waydo, balse marar kale tijaabinaya, si aad u gaadho
ujeedka oo uga guulaysato.
7. Xulo Saaxiibada Saxda ah
Saaxiibka wanaagsan waa mid ku gaadhsiiya guul, midka xun wuxuu kuu horseedaa burbur, La saaxiib dad leh yool, akhlaaq, iyo himilo. Saaxiibtinimo dhab ah waxay kobcisaa maskaxda, niyadda, iyo waddada guusha, markaste oo ay saaxiibada noqdaan dad fiican waa markaste oo aad guulo badan gaadho, waayo saaxiibkaa waa qofka ugu badan ku saamaynaya inta ugu badan adiga oo aan ogayn waliba ama dareemaynin, markaasi waa fiican inaad isku xeerto asxaab tayo fiican markaste oo ku gaadhsin kara guul la taaban karo.
Gunaanad
Dhalinyarada maanta waxay haystaan
fursado badan oo aan jiilalkii hore haysan, balse waxay u baahan yihiin hanuun,
hal-adayg, iyo hoggaan nafeed. Guushu waa mid dhabta ah marka la helo niyad
fiican, yool cad, iyo dadaal joogto ah. Safarkaagu ha bilaabmo maanta, adigaa
noqon kara qofka berri tusaale lagu daydo, dedaal ujeedo cad, qorshe, barasho
nafeed iyo saxiibo wanaagsani waxay kuu horseedi karaan guul dhamaystiran muddo
kooban oo yar, halka in cagsigeedu aan ka dhaxli karto dhibaatooyin aan tiro
lahayn oo meel xun ku geeya, haddii dhalinyaradu raacaan wadadaa waxay xaqiijin
karaan inay ka dhabeeyaan ujeedadii ay nolosha ka lahaayeen, balse waa arin u
bahan dedaal joogo ah, isla xisaabtan nafeed, taageero bulsho iyo barasho
nafeed oo dhamaystiran, haddi aad intaasi isla hesho waxaad haysaa wadadii
guusha.



6 Comments
hi
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletehi g
ReplyDeletehte
ReplyDeleteok
ReplyDelete