Hordhac
Guushu ma aha wax si sahlan lagu
gaaro, mana aha mid imanaysa habeen iyo maalin gudaheed. Waa safar dheer oo u
baahan sabir, dadaal, qorshe, iyo rumaynta naftaada. Dhalinyaradu waa kuwo
safarkaasi sugayo, waxaana muhiim ah in ay helaan tilmaamo sax ah oo ay kaga
gudbi karaan caqabadaha una gaari karaan riyooyinkooda.
1. Is-Baro Naftaada
Tallaabada ugu horreysa ee guusha waa in aad naftaada barato – kartidaada, daciifnimadaada, rabitaankaaga, iyo halka aad dooneyso in aad gaarto. Qofka is-bartay wuxuu ogyahay halkuu ka bilaabi karo, iyo wixii uu ka fogaanayo. Ha ku mashquulin sidii aad dad kale u eegi lahayd, ee ku dadaal sidii aad naftaada u kobcin lahayd.
2. Yool Dhab Ah U Deji
Guushu waxay bilaabataa marka aad leedahay yool muuqda oo cad. Ku qor meel muuqata, una qaybi qaybo kale duwan kuna tallaabsada maalin kasta. Yool la’aan waxay la mid tahay dooni bad wayn ku jirta oo aan hoggaan lahayn – meelna ma gaareyso.
3. Ka Faa’iidayso Waqtiga
Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee aad haysato, gaar ahaan marka aad dhalinyaro tahay. Ku bixi waxbarasho, akhris, horumar nafeed, ama xirfad-barasho. Ha ku lumin wakhtiga sheeko aan faa’iido lahayn, ciyaaro joogto ah, ama baraha bulshada oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo.
4. La-tasho dadka guulaystay
Qof walba oo guulaystay wuxuu soo maray jid adag. Weydii, la sheekayso, ka baro khaladaadkooda iyo guulahooda. Xigmadda dadka waaweyn iyo la-tashiga asxaabta wanaagsan waxay kaa ilaalin karaan khaladaad badan.
5. Kalsoonida Nafta
Guusha runta ah waxay timaadaa marka aad kalsooni ku qabto naftaada iyo awoodda uu Allah kuu siiyey. Qofka cibaado leh, akhlaaq wanaagsan leh, oo dareensan masuuliyadda noloshiisa, wuu kasban karaa kalsoonida dadka iyo barakooyinka Alle.
6. Ha Ka Cabsan Guuldarrada
Guuldarradu waa qayb ka mid ah
safarka guusha. Waxaa laga bartaa casharro muhiim ah. Ku celceli, kororsada
khibrad, ha niyad jabin. Dadka maanta lagu daydaa waa kuwii shalay la diiday ee
aan quusan.
7. Xulo Saaxiibada Saxda ah
Saaxiibka wanaagsan waa mid ku kaxeeya guul, midka xun wuxuu kuu horseedaa burbur. La saaxiib dad leh yool, akhlaaq, iyo himilo. Saaxiibtinimo dhab ah waxay kobcisaa maskaxda, niyadda, iyo waddada guusha.
Gabagabo
Dhalinyarada maanta waxay haystaan
fursado badan oo aan jiilalkii hore haysan, balse waxay u baahan yihiin hanuun,
hal-adayg, iyo hoggaan nafeed. Guushu waa mid dhabta ah marka la helo niyad
fiican, yool cad, iyo dadaal joogto ah. Safarkaagu ha bilaabmo maanta, adigaa
noqon kara qofka berri tusaale lagu daydo.
3 Comments
hi
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletemansha allah
ReplyDelete