Dhalinyaradu waa laf-dhabarta horumarka iyo hogaanka mustaqbalka ee bulsho kasta. Waa marxalad nolosha ka mid ah oo lagu jiro kobac, aad leeday tamar oo ay fursado badan ku jiraan. Si kastaba ha ahaatee, waa xilli sidoo kale ay dhalinyaradu la kulmaan caqabado iyo doorashooyin adag oo saameyn ku yeesha noloshooda mustaqbalka. Qaar ka mid ah doorashooyinkaas waxay u beddelaan caadooyin xun oo si tartiib ah u burburiya kartidooda, caafimaadkooda, iyo hamigooda nololeed. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la aqoonsado caadooyinkaasi si loo fahmo khatartooda loona helo wacyi iyo xal waara. Hadaba waxaad maanta ka hadli doonaa qaar ka mida caqabadahaas iyo sidii qofka dhalinyarada ahi isaga maarmayn lahaa ee aanu ugu halaagsami lahayn.
1. Saaxiibada xun-xun: inaad yeelato ama ka mid noqoto saaxiibo aan wanaagsanyn waxay ku dhaxalsiinaysa hore la’aan iyo guul daro aanad kasoo kaban karin markaad waynaato, taasi nolohaada ka dhigaysa mid aan qiimo lahayn hadaba iska ilaali asxaabta xun-xun intaad yartay.
2. Wakhti lumin: wakhti waa waxa ugu
muhiimsan ee aan haysno intaan noolahay, hadaba qofka wakhtigiisa luminayaa waa
qof aan garan muhiimada uu leeyahay
wakhtigaasi qaaliga ee uu haystaa, maadaam oo aanu garanayn waxa suuro gal ah inuu
ku bixiyo meel aan ku munaasab ahayn
waktigii qaaliga, marka dhalinyaro la yahayna wuu kasii qaalisan yahay, waayo
waa wakhtiga jaangoynaya sidaad noqonayso inaad nooshahay sida badan, soddonka
sano ee ugu horeeya noloshaada waxaad galiso uunbaad guranaysaa inta hadhay
nololshadaa.
3. Isticmalka badan mobilka: maanta waxa caan ah Isticmaalka faraha badan ee baraha bulshadu ku xidhiidha, kaas oo dhalinyaradii u noqday balwad aanay iska dayn karayn xitaa wakhti kooban, waxaa maalin walba kaga lumaya wakhti aad u badan kaas oo ay wax faa’ido leh ku qabsan karayn hadday iska daayan. Hadaba waxaa muhiim ah inaad iska yarayso haddii aanad iska dayn karayn, maadaama oo uu khasaarihiisu ka badan yahay faa’idadisa waayo way yartay inteena dhalaaqe ka samaysa ama wax ka barata, waxaana markasta ka badan inta iska daawata
4. Cibaada la’aan: intaad yartay waxaas
ilaalisa salaada iyo noocyada cibaadada, taasi waxay kaa caawin doontaa markaad
waynaato inaanay culays kugu noqon salaadu iyo dhamaan camalada wanaagsan,
waana sifo fiican oo alle ku amaanay adoomihiisa ilaaliyaa inay jano leeyihiin,
sidaas darted la noolow cibaadada.
5. Balwada: maanta hadaad dhalinyaro tahay
fadlan ka dheerow intaad yartay wax kaste oo balwad ah si noloshaada dambe u
noqoto mid guulaysata, waayo aad ayay u adagtay inaad hore u socoto adiga oo
qabatimay nooc ka mida balqadaha maanta ay dhalinyarada nolosha ka riday,
haddii waagii hore balwadu ahayn qaad iyo sigaar, maanta waxaan odhan kaartaa
kuwaasi waa kuwa ugu sahlan ee la qabatimo, marka loo eego noocyada kale ka
khatarta badan ee maanta socda oo aan waxka reebayn.
6. Aqoon la’aanta: intaad nooshay jaaniska
ugu fiican ee aad wax ku baran kartaa waa intaad yartay, mana jiro wakhti kale
oo aad ku baran kartid oo la mida wakhtiga dhalinyarnimo, hadaba waxaa muhiim
ah inaad aqoontaada dhistid intaad yartay ee aad waliba jaaniska hayso, waayo
ma ahan wax markasta joogaysa ee marxalad laga gudbayo.
7. Go’aanka deg-deg ah: marka aad
noloshaada go’aan muhiim ah gaadhayso deg-degagu kuuga fiicna, waayo waxaad
if-duufi kartaa qodobo kaga maarmaan ah, hadaba marka aad dhalinyarada tahayna
degdegu wuu kugu badan yahay, “nin yari
intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa” waa maahmaah somaliyeed oo ku
sutaysa siday muhiim u tahay inaad go’aanada aad qaadanayso inaad ka fiirsataa,
waayo waxay saamayn togan ama taban ku yeelanayaan noloshaada dambe oo dhan.
8. Kibirka: marna ma banana ama ma fiicna kibirku waayo ilaahay aya innaga reebay inaad kibirno, waxaan nahay insaan daciif ah inaan isla weyne muujinaa si kaste uma banana, dadka ula dhaqan si caadi ah oo aan ka badbadin lahayn.
9. Hurdo la’aanta joogtada ah: hurdo la’aantu waxay keentaa daal joogta waxayna yaraysaa wax soo saarka qofka, haddaba soo jeedka badan kuuma fiicna intaad yartay, haddii laga maarmi waayo waa inaad ugu yaraan saacado seexataa Habeenkii oo aanad soo wada jeedin, waxaana laga qaada xanuuno fara badan cimri degdegu ka mid yahay, haddaba wuxuun ka seexo habeen si aad u ilaashato cafimad qabkaaga.
Dhalinyaradu waa mustaqbalka bulshadeena, balse waxaa jira
caadooyin xun oo hadii aan la iska ilaalin si xun u saameyn kara noloshooda.
Waxaa ka mid ah hurdo la’aan, isticmaalka maandooriyaha, waqtiga lagu lumiya
baraha bulshada, iyo saaxiibbo xun. Sidoo kale, dib u dhigashada hawlaha
muhiimka ah, kharash garayn aan xadidneyn, iyo ka fogaanshaha horumarinta nafta
ayaa hor istaagi kara guusha dhalinyarada. Waa muhiim in ay ka fogaadaan
caadooyinkaas si ay u gaaraan himilooyinkooda una noqdaan dad wax tar leh.
5 Comments
thnks
ReplyDeleteqalinle
ReplyDeletehi
ReplyDeletehi
ReplyDeletevery goood
ReplyDelete