LATEST ARTICLE

Waa maxay e-commerce

Waa maxay e-commerce

Waa maxay E-commerce? E-commerce ama electronic commerce waa iibka ka dhex dhaca internetka Iyada oo la isticmaalaya electronic device sida “lapton, mobile ama ipad”


tusaale ahaan waxaad u baahantahay in aad soo iibsato mobile, sida caadiga ah qofka markuu u baahan yahay alaab waa inaad aadaa suuqa soona soo iibsadaa alaabti aad u baahnayd hadaba ka waran halki aad aadi lahayd suuqa hadii aad isticmaashid mobile-kaaga ipadkaaga ama computerkaaga oo aad raadisid dad iibinaya mobile-kaas aad rabtid  dabeedna aad la xidhiidhid lacagtana aad u dirtid iyagana ay kuu soo dhiibaan mobile-ka, hadaba wax kala iibsiga noocaas ah ee ka dhaxdhacaya internate ka ayaa loo yaqaanaa E-commerce.


Faa’iidooyinka uu leeyahay e-commerce-ga

Waxaa kaloo jira faa’idooyin aad u tirabadan oo uu leeyahay e-commerce-ga.

  • Gaaritaan caalami ah:
    e-commerce-ga wuxuu ganacsatada u ogolaanayaa in si fudud ay u gaaraan dadka ku kala nool caalamka oo dhan taasoo ka dhigan helida macaamiil aad u fara badan.
  • Kharash yaraan:
    E-commerce-ga ama ganacsiga onlineka waxaad ku bilaabi kartaa kharash ama lacag aad u yar marka loo barbar dhigo bilaabida ganacsiga caadiga ah oo ay khasabka tahay in aad kiraysatid xarun ama goob fiican oo ay dadka ku badan yihiin. Halka e-commercega aanay jirin wax kiro ama kharash kale oo kuugu soconaya. Hadaba kharash yaraantaas ayaa sababta in qof walba uu si fudud u bilaabi karo ganacsiga e-commerce-ga.
  • Iibinta alaabo badan:
    hab online-ka ee wax lagu iibiyo waxay suurtagal ka dhigeen in aad ku soo bandhigi kartid oo aad ku iibin kartid alaabo aad u badan.
    Waxaa taas dheer suuqgaynta digitalka ah sida facebook ads oo kuu ogolaanaya in si fudud aad u heshid macaamiil daneenaysa alaabta ama adeega aad iibinaysid

Yaa bilaabi kara ganacsigaane-commerce-ga?

Ganacsigaan waxaa bilaabi kara qof walba kumana xirna halka uu joogo qofka.
Waxaana suurtagal ah $100 iyo lacag kasii yar in lagu bilaabo ganacsigaan e-commerce-ga

SIDA AY U SHAQEYSO 

 E-Commerce ma laha qarsoodi badan. Dhab ahaantii, maamulkeedu wuxuu ku salaysan yahay isla shaqadii lagu samayn lahaa jidh ahaan dukaan ama sarrifle. Si aad u abuurto, waa inaad ka fekertaa fikrad runtii bixisa suurtogalnimada si aad u hesho faa'iidooyin, wax aan sahlanayn in la gaaro. Sidoo kale, waa inaad qorsheysaa oo samir badan yeelo mar haddii guushu aysan ku imaan hal habeen.


Waxaa jira waxyaabo ay tahay in maskaxda lagu hayo sida:

·         Baro xaaladda suuqa.

·         Samee qorshe ganacsi.

·         Dhis daacadnimada macmiilka.

·         Dooro madal u fudud macaamiisha inay isticmaalaan.

·         Ka taxaddar hababka lacag bixinta.

·         La soco iibka.

·         Xayeysii.

Sidaad arki karto, erayga eCommerce aad buu uga badan yahay sidaad u malayn karto marka hore, laakiin hadda oo aad haysato fikradaha ugu cad, waxay u badan tahay inaad arki doontid tusaalooyinka noocyada aan ka wada hadalnay

Post a Comment

2 Comments