“5 Ways to Improve Low-Value Content”
Mawduuca qiimaha hooseeya (Low-Value Content) waa wax kasta oo aad qortay, daabacday, ama wadaagtay oo aan wax faa’iido ah u keenayn akhristayaasha xitaa mararka qaar waxyeelleeya sumcada raadinta bogaaga iyo darajooyinka uu kaga jira google-ka ama (SEO). Warka wanaagsan ayaa ah in adiga oo hadda haysta boggaaga ama baraha bulshadaada mawduuc noocan ah, haddana ay jiraan habab lagu hagaajin karo si uu u noqdo mid soo jiidasho leh, lagana heli karo mashiinnada raadinta iyo dhagaystayaashu wax ka baahdaan.
Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa shan talo oo kaa caawinaya inaad qiimeyso oo aad hagaajiso mawduuca aad qortay ama kuwa aad qori doonto, isla markaana aad raacdo marka aad qorayso qoraallo cusub wuxuu khuseeyaa cid kaste oo rabta inay mawduuc waxka qorto ama website iska leh.
Muhiimadda SEO (Search Engine Optimization)
Isbeddelka Dunida Casriga ah “Technology”
Fursadaha yaalla Social Media Maanta
1. dheer Qoraallada Gaagaaban (Thin Pieces)
Qoraal kasta oo ka yar 300 erey badanaa ma bixiyo macluumaad ku filan oo qiimo leh. Sababta? Aad buu u gaaban yahay. Si sawir loo fahmo, 300 erey waa qiyaastii saddex paragraph oo dhaadheer.
Waxaa jira waqtiyo qoraallo gaagaaban ay ku habboon yihiin, balse suuq-geynta caadiga (content marketing) ee lagu doonayo taraafik dabiici ah badanaa ma aha ee wuxuu u baahan yahay inuu noqdaan qoraalo dhaadheer.
Inta badan, 500 erey waa heerka ugu yar ee maqaal suuq-geyn. Tani waa mid caadi u ah qoraallada gaaban sida blog-yada ama war-saxaafadeedka. Ku darista 200 erey oo dheeraad ah waxay kuu oggolaanaysaa inaad bixiso macluumaad dheeri ah oo qiimo leh, isla markaana ay google helo wax badan oo ay akhriyaan. Maqaallada waaweyn ama mowduucyada faahfaahsan badanaa waxay u dhexeeyaan 1,000 ilaa 3,000 erey.
2. midee qoraala gaagaab
Balaadhi
qaybahaaga khafiifka ah adoo isku daraya nuxurka maqaallada gaagaaban ee midaynaya
ereyada muhiimka ah ee isku midka ah ama la midka ah. Ka dooro xogta ugu fiican
mid kasta oo ku dar faahfaahin dheeraada si aad u abuurto maqaal tayo fiican
leh. Haddii aad sidaa samayso waxa laga yaabaa in ay kuu ogolaato in aad
darajada sare gaadho adiga oo aan iyada ujeedkaaga ugu fiican yahay inaad
bulshada usoo gudbiso wax tayo iyo manaafacaad leh ee aan kaliya doonayn inaad
kasoo muuqato bogga hore ee google, Tani waxay sidoo kale aad ugu qiimo badan
tahay akhristayaashaada sababtoo ah waxay u baahan yihiin inay helaan waxay
akhristaan oo qiimo kusoo kordhiya si ay u helaan dhammaan macluumaadka ay ka
rabaan mawduuc. U samee waxyaabo ku habboon iyaguna waxay kuu siin doonaan
kalsoonidooda oo dhamaystiran si ay u badan tahay.
3. marka update samee
Markasta cusboonaysii maqaalkaagi hore si aad ula socoto isbedelkasta oo
dhacaya, ama ugu yaraan 2 sanaba mar update samee, laakiin inaad si joogto ah u
samayso ayaa kasii fiican taasi waa muhiim, markasta xog waa Is bedelaysaa xog
cusubna waa lahelayaa, Haddii
ay si fiican u shaqayn waydo, ama akhristayaashaayu saluugaan waa markaad waxka
bedel ku samayn lahayn maqaalkaaga si uu suuqa ugusii jiri karo, waayo waxaa
kuu muhiim ah wixii la xiiseynayo inaad ka hadasho si aad u yeelato
akhristayaal joogto ah.
4. Tirtir Mawduuca Aan muhiimka ahayn
Haddii aad wax
walba isku dayday oo aadan arag wax horumar ah oo ku yimaada akhristayaashaa waa
caadi in la tirtirro mawduuca aan wax kuu tarayn.
Sida:
- Mawduuc
nuqul ah oo aan lagu dari karin maqaal kale
- Macluumaad duugoobay
oo aan la cusboonaysiin karin (tusaale, adeeg ama badeecad la joojiyay)
Yaraynta mawduuca aan muhiimka ahayn waxay ka caawisaa raadinta google inay si fudud u helaan una caawiyaan mawduucaaga qiimaha leh. Waxaa sidoo kale lagu talinayaa in aad isticmaalo qalab lagu ogaado mawduuca tayo-hooseeya ama AI-generated ah oo aan lahayn qiimo badan sidaAI Detector “. Marka dadka helaan maqaalada ugu fiican, waxaad arki doontaa koror ku yimaada websitekaaga ama inaad kasoo muuqato boggaga hore ee Google.
5. qurxi maqaalkaaga
Inkasta oo
nuxurka laftiisu muhiim u yahay SEO ama google, haddana quruxda bogga
sidoo kale waa mid aad u muhiim ah. Mararka qaar dhibaatadu ma aha waxa aad
qortay, balse waa sida aad u habaysay ama u qurxisay maqaalkaaga.
Hubi in qoraal
kasta uu ka kooban yahay:
- Hordhac
kooban oo soo koobaya mowduuca
- Cinwaanno
iyo hoosaadyo kala saaraya qodobbada muhiimka ah
- paragraph
gaagaaban (100 erey ama ka yar)
- qodobo muhiim
ah ama habaysan
- Sawirro la
xiriira mawduuca
- Isku xidh
gudaha iyo dibadda ah “links”
- Tilmaamo ama
jahayn ficil (Calls-to-Action – CTAs)
Muxuu Qimeeyaa Google?
Sidee buu google u awoodaan inuu ogaado in maqaalkaaga nuxurkiisa wanaagsan yahay ama uu yahay mid tayadiisu hooseeyso? Google iyo makiinadaha kale ee raadinta waxay isticmaalaan liis sifooyin gaar ah si loo go'aamiyo tayada maqaalkaaga Kuwa ka gudba tijaabadaas hubinta waxay ka galeen darajada ugu sareysa SERPs ama google. In kasta oo shanta talaabo ee kor ku xusan ay ku siinayaan natiijo wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo nuxurka maqaalkaaga, waxay sidoo kale kaa caawinaysaa inaad ogaato waxa Google raadinayo, iyo meelaha aad u fiirsato markaad hagaajinayso. Arrimaha la tixgelinayo waxaa ka mid ah:
·
Accuracy:
Xaqiiqooyinkaaga, tirakoobyadaada, iyo macluumaadkaaga ma run baa,
dhagaystayaashaadu ma ogaan karaan?
·
Engagement:
dadku maka helayaan oo la falgalayaan waxa ku jira?
·
External linking:
macluumaadkaagu ma ku xidhaa shabakadaha kale ee tayada leh ama la hubo?
·
Inbound links:
Ma shabakadaha kale ee tayada leh miyay leeyihiin xidhiidho ku noqda
macluumaadkaaga?
·
Internal linking:
macluumaadkaagu ma ku xidhaa boggaga kale ee khuseeya ama macluumaadka inta
lagu jiro mareegahaaga?
·
Performance:
Xogtaadu si dhakhso ah ma lo heli karaa ama websitekaagu ma fududyey?
·
Relevance:
Mawduucaagu ma bixiyaa jawaabo ay isticmaalayaashu raadinayaan?
·
Satisfaction: booqdayaashu ama akhristayaashu ma
muujinayaan xiisaha ay u qabaan ama u isticmaalaan nuxurka?
·
Uniqueness:
Xogtaadu ma tahay wax ay akhristayaashu meel kale ka heli karin?
Related:8 Ganacsi oo lagu Bilaabi Karo $1000 ama ka Yar
Sidee Ku Garan Kartaa Maqaalka nuxurka
Liita
Waxaa jira laba nooc oo maqaalada
xogta llidata oo laga yaabo inaad kala kulanto ama aad ku aragto mareegahaaga: maqaal
nuxurkiisu liito bilowga horeba iyo maqaal nuxurkiisu liito dhamaadka. Nooca
hore ma helo akhristayaal maalinta ugu horeysa ee aad daabacdo. Sida ay tahay,
qoraalkani waxa uu kaa lumiyay wakhtigaaga. Laakiin taasi macnaheedu maaha
inaadan qaadan karin mawduuca, samee cilmi baaris dheeraad ah, oo mar labaad
isku day ama isagaba update ku samee.
maqaalka nuxurkiisu liito dhamaadka
waxa laga yaabo inay mar faa'iido u leeyihiin akhristayaasha. Laakiin sababtoo
ah isbeddelka algorithm, isbeddelka ku yimi dadka kugu xidhan, ama arrin kale, ayaa
ka dhigay mid aan qiimo lahayn waqti ka dib. Kuwani waa qaybaha aad ku darayso
jadwalkaaga updateka si aad dib ugu soo celiso dadkii hore kuugu xidhnaa.
arrimo kale ayaa kaa caawinaya inaad ka hesho labada noocba inaad saxdo ayaan
halkan kuugu sheegaya:
·
Bounce rate:
tayada isku xidhnaaanshaha ayaa laga yaabaa inay tilmaamyso arrimaha ku jira
macluumaadkaaga, sida xiriiriyeyaasha jaban ama waqtiyada Diyaarinta oo gaaban.
·
Broken links:
Waxa ku jira links aan shaqaynay waxay luminyaan kalsooonida isticmaalayaasha.
·
Content length:
maqaalada gaagaaban ma bixiyaan macluumaad ku filan si ay u qiimeeyaan ugu
yeeshaan akhristayaasha.
·
Conversion rates:
Heerarka beddelka hooseeya ee ku jira nuxurka maqaalaka loogu talagalay in lagu
dhiirrigeliyo booqdayaasha inay dhammaystiraan waa ficil muujin kara kalsooni
daro badan.
·
Competing content:
qaybaha isku khalmadi karaa waxay saamaynayaan jaaniskii aad kaga muuqan lahayn
google waayo waa keyword isku mid ah.
·
Duplicate content
macmuumaalka isku midka ahi waxay keeni karaan inaad kasoo muuqano waydo Google
ama SEO
·
Old content:
mawduuca ka weyn mudo sanad ah wuxuu u baahanyaa update kale oo xaga links ah
waayo waxaa laga yaabaa in links ku jiray qaarkood aanay shaqaynayn wakhti
xaadirkan.
·
Page views:
in dad yari arkaan maqaalkaaga ama dad gaar ah markasta akhristaan, waxay
tilmaamaysaa in inaanu dadka wada gaadhin fariintaadu ama aan la heli karin
websitekaaga.
Here More Information about Affiliate
.jpg)


2 Comments
mansha allah wll
ReplyDeleteguul khgteeas
ReplyDelete