Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee aan haysano, waxaana muhiim ah in aan si xikmad leh u isticmaalno. Halkan waxaa kuugu soo gudbin doonaa 5 arrimood oo ay muhiim ah in aanad waqtigaaga qaaliga ah ku lumin.
1.
Dadka
aan qiimeynin dadaalkaaga
Ha ku lumin waqtigaaga dadka aan ku taageerin ama aan qiimeynin dadaalkaaga.
Sida uu sheegay Bertrand Russell, noloshu waa mid gaaban oo qiimo leh, mana aha
in aan ku lumino uruurinta gefafka dadka kale ama isku dirkooda.
2.
Ka
welwelka fikirka dadka kale
Inaad si joogto ah uga welwelsan tahay waxa dadka kale kaa fikiraan waxay kaa
hor istaagi kartaa horumarkaaga. Waa muhiim inaad diirada saarto hadafyadaada
iyo horumarkaaga shakhsiyeed.
3.
Raadinta
saxnaansho buuxda (Perfectionism)
Dadaalka aad ugu jirto inaad wax walba si qumman u qabato waxay kaa hor istaagi
kartaa inaad bilowdo ama dhammaystirto hawlo muhiim ah. Guusha waxay la
timaadaa qaladaad iyo dib-u-eegisyo, sidaas darteed waa muhiim inaad aqbasho in
khaladaad ay qayb ka yihiin horumarka.
4.
Dadka
taban (Toxic people)
La joogitaanka dadka had iyo jeer taban ama xaga xun waxka eega waxay saameyn
xun ku yeelan kartaa niyaddaada iyo horumarkaaga. Waa muhiim inaad ka fogaato
dadka noocaas ah si aad u ilaaliso caafimaadkaaga maskaxeed.
5.
Cabashada
badan
Cabashada joogtada ah waxay kaa hor istaagi kartaa inaad aragto fursadaha iyo
wanaagga nolosha. Isku day inaad diirada saarto fursadaha iyo horumarka halkii
aad ka caban lahayd wax walba.
Inaad waqtigaaga si xikmad leh u
maareyso waxay kaa caawin kartaa inaad gaarto hadafyadaada oo aad noloshaada ka
dhigto mid macno leh
0 Comments