Haddi aad ku fiicantahay wax qorida, waxaad hibadaada qorida ka samaynta karta lacag. Waxaad samaynaysaa websiteka dibna, maqaalo kusoo qoraysaa, marka websitekaaga la barto waxaad codsi u diraysaa google adsence, markuu ku aqbalo waxaa laguuso fasaxayaa xayaysiiska (Ads). Kaddibna bilkasta sidaasaad lacag ku samaynaysaa.
Adiga oo hurda, shaqo ku jira ama waxbarasha jooga ayaan
websitekaaga lacag kuu samaynayaa hadaad si joogto ah maqaalo” Articles”,
usoo galiso waxaana kuusii badanaya lacagta bilkasta aad ka samayso.
Waxaa muhiim ah inaad doorato ciwaan aad ka hadashid markasta kaas oo lagugu bartay, oo aanad ka leexanayn, tusaale, Sport, Siyaasad, Caafimaad, waxbarasho Iyo ganacsi oo dhamaantood ah mawduucyo muhiim ah midkastana laga samaynta maqaalo iyo buugaag.
Markasta waxaad isku daydaa inaad dooratid waxaad ku fiicantayoo aad is leedahay waxaad ka haysaa xog badan, inta kaa dhimana waad heli kartaa, waayo ma jiro qof waxkasta garanayaa laakiin waxaa jira qof garanaya wax kasta halkuu ka heli laha.
Noocyada blogging Ka
1. Blog Shakhsi Ah: Qofku wuxuu
ku qorayaa waayo-aragnimadiisa, fikradihiisa, iyo mowduucyada uu jecel yahay,
isaga oo bulsho ku abuura akhristayaal xiiseynaya waxa uu ka hadlayo.
2. Blog Ganacsi Ah: Shirkadaha
iyo ganacsatada waxay adeegsadaan blog si ay ugu soo jiitaan macaamiisha, una
tusaan adeegyada iyo badeecooyinka kala duwan oo ay bixinayaan.
2 Comments
macanm
ReplyDeletehaaa
ReplyDelete