LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa Maxay Drop shipping?

Waa Maxay Drop shipping?

marka la joogo ganacsiyada internetka gudihiisa laga sameeyo waxa badana dhagahaga kuso dhaca drop shipping ganacsi la yidhaahdo, waxa aan maqaalkan maanta is waydiinayna waa maxay ganacsiga drop shippingka, sideese ushaqeeya, ganacsiga drop shipping waa mid ka mida ganacsiyada ugu caansan ee internetka laga sameeyo. waa ganacsi qofka marka uu bilaabayo aan uga baahnayn wax qarash ah ama dhaqaale ah waxa aad ku bilaabi karta 0 dollar. maadama uu yahay ganacsi aan kaaga baahnayn wax qarash ah waxa kale oo uu cajiib ku yahay inu yahay ganacsi aad dhaqaale badan ka samayn karto hadaad galiso juhdi iyo dadaal badan.

hadaba aynu is waydiino waa maxay marka 1aad ganacsiga drop shippingka, ganacsiga drop shippingka waa ganacsi aad furanayso meel alaabaha lagu iibiyo oo internetka ah. waxa aan soo xusnay ganacsigan inanu kaaga baahnayn wax lacag ah. marka aad furanayso website aad ku iibiso alaabaha waxa aad soo galinaysa alaabo aanad haynin, waxa aad sawirada alaabaha kaso qaadanaysa goobaha saxda ah ee lagu iibiyo alaabaha, marka qof macmiil ahi alaab kuso arko website-kaga kadibna kaaso dalbado alaab, waxa aad qofka macmiilka ah ka qaadanaysa xogta meesha alaabta loogu soo hagaajinayo ee uu dagan yahay iyo lacagta aad alaabta ka siisanyso, marka uu qofka kuuso diro lacagta, sido kale kuunaso diro halka uu dagan yahay ee loogu genayo alaabta, inta kadib waxa aad alaabta kaso dalbanaysa goobaha lagu iibiyo ee rasmiga ah, marka aad alaabta ka dalbato waxa aad odhanaysa alaabta ku hagaajiya goobta uu dagan yahay macmilka ee uu kuuso sheegay.


waxa jira farqi udhaxaynaaya lacagta aad alaabta kasiinayso qofka macmiilka kuu ah iyo lacagta adiga alaabta lagaa siinayo. tusaale hadii aad adiga qofka alaabta ka siisay $80, waxa adiga alaabta uu kaa siinaya meherada aad kaso iibsanaysa $50, waxana adiga kuugu jira faaido ah $30, sidaas ayaa adigana faaido kuso gaadhaysa, qofka macmiilka ah ee aad alaabta ka iibisayna alaabtisi ku gaadhaysa, qaabkas ayu ushaqeeya ganacsiga dropshippingka, waa marka soo koobaya waliba isaga oo tusaale wata, waxaad ku samayn kartaa dhaqaale fiican marka loo eego ganacsiyada kale ee badan ee maanta jira.

Sida loo bilaabo talaabo-talaabo

Si aad u bilowdo ganacsiga drop shipping waxaad u baahan tahay talaabooyin muhiim ah kuwaasi oo ku gaadhsii kara hore muhiim, waliba si ay isugu xig xigaan waa inaad u raacdaa haddii aad rabto inaad guulaysato, mid kaste oo kamid ah waxay leedahay muhiimad gaar ah oo ka dhigan inaad laga boodi karin, hadda halkan waxaan kuugusoo koobayaa qodobadaa muhiimka ah ee aan laga maarmi karin.

1.      Baro suuqyada iyo niche-ka ka dibna dooro nooc aad taqaan oo suuqu looga baahan yahay (tusaale: agabka taleefanka, alaabta isboortiga, alaabta caruurta), mid kaste oo aad doorato wuxuu leeyahay suuq gaar ah kaasi oo ka dhigan inaad heli karto macaamiil badan muddo gaaban gudaheeda, sideesi darteed waxaad marka hore doorataa niche fiican oo aad aqoon u leedahay kadibna sii baadho, oo haka hadhin.

2.      Raadi supplier la isku halayn karo hubi waqtiga raridda alaabta, qiimaha, iyo haddii ay bixiyaan tracking iyo adeeg kadib iibka, supplier aad wax ka iibsanaysaa waa kan ugu muhiimsan waxaa lagaa rabaa inuu noqdo qof aamin ah, la isku halayn karo, sidoo kale alaab jaban iibinaya, haddii aad hesho supplier fiican waxaad gaadhi kartaa suuq fiican waxaad alaabta ku iibin kartaa qiimo wacan taasi oo kaa dhigaysa inaad dhaqaale fiican ka samaysay drop shipping.

3.      Dhiso dukaan kaaga adiga isticmaal Shopify, WooCommerce ama suuqyo sida Facebook/Instagram. Qor sharaxaad cad iyo sawirro tayo leh, inaad online dhisataa waa muhiim waayo waa meesha lagaa helayo markaste, website samayso adiga oo isticmaalaya shopify ama WooCommerce oo website leh template diyaarsan kaliya aad yara hagaajinayso, sidaasina waxaad ku heli kartaa macaamiil badan.


4.      Diyaari siyaasadda raridda iyo dib-u-celinta cadee wakhtiyada la filayo iyo cida mas’uulka ka ah kharashka soo celinta, marka waxkaste cad yihiin waxaad helaysaa kalsooni badan oo dhinaca macaamiishaada kuwaasi oo ku horseedi kara guul dhaqaale oo fiican.

5.      Tijaabi amarro samee amar tijaabo ah si aad u aragto sida supplier-ku u shaqeeyo (tayada alaabta, waqtiga raridda), inaad tijaabo samaysa waxay kaa caawin kartaa inaad ogaatid tayada alaabtan supplier ku gadayo inay fiican tahay, sidaasi darteed waxaad samayn kartaa inaad sample dalbato marka hore sidaasina aad ku qiimeyso alaabtaasi.

6.      Bilaaw suuqgeyn xayeysiis Facebook/Instagram, SEO, influencer marketing ama email marketing, inaad suuqa fiican hesho adiga ayaa ka masuul ah wax kaste oo aad ku heli karto macmiil badan samee taasi waxay ku suura galin kartaa inaad suuqa kusii jiri karto mudo dheer.

7.      La soco natiijooyinka cabir ROAS (Return on Ad Spend), conversion rate iyo goobta macaamiisha si aad go’aanno sax ah u gaarto, waxa lagaa rabaa inaad xog sax ah ka haysid meesha macmiilku jooga si haddii loo baahdo loo agaado wakhtiga ay alaabtu gaadhi karto iyo haddii wax khaldmaan uu lasoo celinayo sidee kale aanu wakhtigiii loo qabtay aanay u dhaafin, taasi waxay keenaysaa in alaabtu wakhtigii loo qabtay ku gaadho meeshi loo waday.

Faa’iidooyinka drop shipping

Drop shipping wuxuu leeyahay faa’ido badan oo kale duwan kuwaasi aanan halkan kusoo koobi karin, balse waxaan isku dayi doonaa inaan qaybo ka mid xuso, kuwaasi oo ah kuwa ugu muhiimsan.

·         Kharash bilow oo hooseeya ma jiro kayd weyn oo la iibsado.

·         Khatar yar sababta oo ah ma lihid alaab badan oo aan iibin.

·         Way Fududay in la tijaabiyo alaabooyin kala duwan iyo suuqyo cusub.

·         Shaqo meel kasta laga wadi karo haddii internet jiro, muhiin maaha halkaad joogtaa.

·         Caalami: waxaad alaabtaada ka iibin kartaa cid kaste meel kaste oo ay joogaanba

 

Khatarta iyo qodobbada xun

Qasaaraha uu leeyahay drop shipping way badan yihiin waxaase halkan ku xusi doonaa inta ugu muhiimsan ee aad iska ilaalin doonto markaste.

·         Jaanisyadu way yar oo yihiin tartan xooggan ayaa jira, gaar ahaan alaabta suuqa leh

·         Xakamayn la’aanta tafaasiisha tayada, kantonka iyo waqtiga raridda ayaa ku xirnaan kara supplier-ka, waana sabab aad u dooranayso supplier fiican.

·         Waqtiga raridda oo dheer (haddii supplier-ka uu ka yimaado meel fog) tani waxay keeni kartaa macaamiil dhibaato iyo kalsooni karo.

·         Isku dhaca adeegyada dib-u-celinta iyo dammaanadda alaabta haddii supplier-ku aanu sax ahayn.

Gunaanad

Drop shipping waa mid ka mida ganacsiyada ugu fiican ee laga shaqaysan karo wakhtigan la joogo, way fududay in la bilaabo iyo in guul laga gaadhi karo, wuxuu u baahan yahay in aad si fiican u barato marka hore, waxaad ka samayn kartaa dhaqaale fiican waliba adiga oo marka horena wax yar ku bilaabay oo qarash badan galin, sidoo kale waa ganacsi aad samayn karto adiga oo gurigaaga jooga oo aan meel kale qaban dhaman waa faa’ido uu leeyahay ganacsigani , sidoo kale wuxuu laayahay qasaare oo haddii aanad iska ilaalin aad ku waayi karto macamiil badan oo kugu xidhnaa, sidaa darteed waa mid ka mid ah ganacsiga wakhtigan la bilaabi karo.

 

 

 

 

 

 

Post a Comment

23 Comments