Waa Maxay Drop shipping?
marka la joogo ganacsiyada internetka gudihiisa laga sameeyo waxa badana dhagahaga kuso dhaca drop shipping ganacsi la yidhaahdo, waxa aan maqaalkan maanta is waydiinayna waa maxay ganacsiga drop shippingka, sideese ushaqeeya, ganacsiga drop shipping waa mid ka mida ganacsiyada ugu caansan ee internetka laga sameeyo. waa ganacsi qofka marka uu bilaabayo aan uga baahnayn wax qarash ah ama dhaqaale ah waxa aad ku bilaabi karta 0 dollar. maadama uu yahay ganacsi aan kaaga baahnayn wax qarash ah waxa kale oo uu cajiib ku yahay inu yahay ganacsi aad dhaqaale badan ka samayn karto hadaad galiso juhdi iyo dadaal badan.
hadaba aynu is waydiino waa maxay marka 1aad ganacsiga drop shippingka, ganacsiga drop shippingka waa ganacsi aad furanayso meel alaabaha lagu iibiyo oo internetka ah. waxa aan soo xusnay ganacsigan inanu kaaga baahnayn wax lacag ah. marka aad furanayso website aad ku iibiso alaabaha waxa aad soo galinaysa alaabo aanad haynin, waxa aad sawirada alaabaha kaso qaadanaysa goobaha saxda ah ee lagu iibiyo alaabaha, marka qof macmiil ahi alaab kuso arko website-kaga kadibna kaaso dalbado alaab, waxa aad qofka macmiilka ah ka qaadanaysa xogta meesha alaabta loogu soo hagaajinayo ee uu dagan yahay iyo lacagta aad alaabta ka siisanyso, marka uu qofka kuuso diro lacagta, sido kale kuunaso diro halka uu dagan yahay ee loogu genayo alaabta, inta kadib waxa aad alaabta kaso dalbanaysa goobaha lagu iibiyo ee rasmiga ah, marka aad alaabta ka dalbato waxa aad odhanaysa alaabta ku hagaajiya goobta uu dagan yahay macmilka ee uu kuuso sheegay.
waxa
jira farqi udhaxaynaaya lacagta aad alaabta kasiinayso qofka macmiilka kuu ah
iyo lacagta adiga alaabta lagaa siinayo. tusaale hadii aad adiga qofka alaabta
ka siisay $80, waxa adiga alaabta uu kaa siinaya meherada aad kaso iibsanaysa $50,
waxana adiga kuugu jira faaido ah $30, sidaas ayaa adigana faaido kuso
gaadhaysa, qofka macmiilka ah ee aad alaabta ka iibisayna alaabtisi ku
gaadhaysa, qaabkas ayu ushaqeeya ganacsiga dropshippingka, waa marka soo
koobaya waliba isaga oo tusaale wata, waxaad ku samayn kartaa dhaqaale fiican
marka loo eego ganacsiyada kale ee badan ee maanta jira.
Sida
loo bilaabo talaabo-talaabo
Si
aad u bilowdo ganacsiga drop shipping waxaad u baahan tahay talaabooyin muhiim
ah kuwaasi oo ku gaadhsii kara hore muhiim, waliba si ay isugu xig xigaan waa
inaad u raacdaa haddii aad rabto inaad guulaysato, mid kaste oo kamid ah waxay
leedahay muhiimad gaar ah oo ka dhigan inaad laga boodi karin, hadda halkan
waxaan kuugusoo koobayaa qodobadaa muhiimka ah ee aan laga maarmi karin.
1.
Baro suuqyada iyo
niche-ka ka dibna dooro nooc aad taqaan oo suuqu looga baahan yahay
(tusaale: agabka taleefanka, alaabta isboortiga, alaabta caruurta), mid kaste
oo aad doorato wuxuu leeyahay suuq gaar ah kaasi oo ka dhigan inaad heli karto
macaamiil badan muddo gaaban gudaheeda, sideesi darteed waxaad marka hore
doorataa niche fiican oo aad aqoon u leedahay kadibna sii baadho, oo haka
hadhin.
2.
Raadi supplier la
isku halayn karo hubi waqtiga raridda alaabta, qiimaha, iyo haddii ay bixiyaan
tracking iyo adeeg kadib iibka, supplier aad wax ka iibsanaysaa waa kan ugu muhiimsan
waxaa lagaa rabaa inuu noqdo qof aamin ah, la isku halayn karo, sidoo kale
alaab jaban iibinaya, haddii aad hesho supplier fiican waxaad gaadhi kartaa
suuq fiican waxaad alaabta ku iibin kartaa qiimo wacan taasi oo kaa dhigaysa
inaad dhaqaale fiican ka samaysay drop shipping.
3. Dhiso dukaan kaaga adiga isticmaal Shopify, WooCommerce ama suuqyo sida Facebook/Instagram. Qor sharaxaad cad iyo sawirro tayo leh, inaad online dhisataa waa muhiim waayo waa meesha lagaa helayo markaste, website samayso adiga oo isticmaalaya shopify ama WooCommerce oo website leh template diyaarsan kaliya aad yara hagaajinayso, sidaasina waxaad ku heli kartaa macaamiil badan.
4.
Diyaari siyaasadda
raridda iyo dib-u-celinta cadee wakhtiyada la filayo iyo cida mas’uulka ka ah kharashka soo
celinta, marka waxkaste cad yihiin waxaad helaysaa kalsooni badan oo dhinaca
macaamiishaada kuwaasi oo ku horseedi kara guul dhaqaale oo fiican.
5.
Tijaabi amarro samee amar
tijaabo ah si aad u aragto sida supplier-ku u shaqeeyo (tayada alaabta, waqtiga
raridda), inaad tijaabo samaysa waxay kaa caawin kartaa inaad ogaatid tayada
alaabtan supplier ku gadayo inay fiican tahay, sidaasi darteed waxaad samayn
kartaa inaad sample dalbato marka hore sidaasina aad ku qiimeyso alaabtaasi.
6.
Bilaaw suuqgeyn xayeysiis
Facebook/Instagram, SEO, influencer marketing ama email marketing, inaad suuqa
fiican hesho adiga ayaa ka masuul ah wax kaste oo aad ku heli karto macmiil
badan samee taasi waxay ku suura galin kartaa inaad suuqa kusii jiri karto mudo
dheer.
7. La soco natiijooyinka cabir ROAS (Return on Ad Spend), conversion rate iyo goobta macaamiisha si aad go’aanno sax ah u gaarto, waxa lagaa rabaa inaad xog sax ah ka haysid meesha macmiilku jooga si haddii loo baahdo loo agaado wakhtiga ay alaabtu gaadhi karto iyo haddii wax khaldmaan uu lasoo celinayo sidee kale aanu wakhtigiii loo qabtay aanay u dhaafin, taasi waxay keenaysaa in alaabtu wakhtigii loo qabtay ku gaadho meeshi loo waday.
Faa’iidooyinka
drop shipping
Drop
shipping wuxuu leeyahay faa’ido badan oo kale duwan kuwaasi aanan halkan kusoo
koobi karin, balse waxaan isku dayi doonaa inaan qaybo ka mid xuso, kuwaasi oo
ah kuwa ugu muhiimsan.
·
Kharash bilow oo
hooseeya ma jiro kayd weyn oo la iibsado.
·
Khatar yar sababta oo
ah ma lihid alaab badan oo aan iibin.
·
Way Fududay in la
tijaabiyo alaabooyin kala duwan iyo suuqyo cusub.
·
Shaqo meel kasta laga
wadi karo haddii internet jiro, muhiin maaha halkaad joogtaa.
·
Caalami: waxaad alaabtaada ka iibin kartaa cid kaste meel kaste oo
ay joogaanba
Khatarta
iyo qodobbada xun
Qasaaraha
uu leeyahay drop shipping way badan yihiin waxaase halkan ku xusi doonaa inta
ugu muhiimsan ee aad iska ilaalin doonto markaste.
·
Jaanisyadu way yar oo
yihiin tartan xooggan ayaa jira, gaar ahaan alaabta suuqa leh
·
Xakamayn la’aanta
tafaasiisha tayada, kantonka iyo waqtiga raridda ayaa ku xirnaan kara
supplier-ka, waana sabab aad u dooranayso supplier fiican.
·
Waqtiga raridda oo
dheer (haddii supplier-ka uu ka yimaado meel fog) tani waxay keeni
kartaa macaamiil dhibaato iyo kalsooni karo.
·
Isku dhaca adeegyada
dib-u-celinta iyo dammaanadda alaabta haddii supplier-ku aanu sax
ahayn.
Gunaanad
Drop
shipping waa mid ka mida ganacsiyada ugu fiican ee laga shaqaysan karo
wakhtigan la joogo, way fududay in la bilaabo iyo in guul laga gaadhi karo,
wuxuu u baahan yahay in aad si fiican u barato marka hore, waxaad ka samayn
kartaa dhaqaale fiican waliba adiga oo marka horena wax yar ku bilaabay oo
qarash badan galin, sidoo kale waa ganacsi aad samayn karto adiga oo gurigaaga
jooga oo aan meel kale qaban dhaman waa faa’ido uu leeyahay ganacsigani , sidoo
kale wuxuu laayahay qasaare oo haddii aanad iska ilaalin aad ku waayi karto
macamiil badan oo kugu xidhnaa, sidaa darteed waa mid ka mid ah ganacsiga
wakhtigan la bilaabi karo.



23 Comments
mansha allah
ReplyDeletegood lucky
ReplyDeletemnhsa alah
ReplyDeletenice pig
ReplyDeleteoh thnks
ReplyDeletehaaaye
ReplyDeletebogokl ki
ReplyDeletethnks ah
ReplyDeletehaate
ReplyDeletehyre
ReplyDeletesax
ReplyDeleteguud
ReplyDeleteok
ReplyDeletekol
ReplyDeletehot
ReplyDeleteguul
ReplyDeleteOk
ReplyDeleteThnks
ReplyDeleteHire
ReplyDeleteHo
ReplyDeleteklae
ReplyDeletehaye
ReplyDeletedtre
ReplyDelete