LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

4 Ganacsi oo Aad Ku Bilaabi Kartid Lacag Ka Yar $1,000

 

Waxaa jira ganacsiyo badan kuwaas oo aad ku bilaabi karto lacag aad u yar marka loo eego wax soo saarkooda sarreeya iyo muhiimada ay leeyihiin ee dhinaca bulshada ah maadaama oo ay yihiin kuwa aan laga maarmi karin marna, haddaba waxaan maanta halkan kuugu soo gudbinayaa ilaa 4 ganacsi oo aad ku bilaabi kartid waxka yar $1000, kuwaas oo diirada saaraya adeegyada baahida aasaasiga ah ee noloshu aanay marna ka maarmi karin, markastana suuqa heli kara ee la waayin karin cid doonaysa ama u baahan, haddaba waa kuwan dhamaantood:


1.       Mobile Electronic Repair Service: mobiladu maanta waxa ugu badan ee suuqa leh hadday ka ganacsigooda ama hagaajintooda, haddaba waxyaabaha ugu suuqa fiican waxaa ka mida Mobile Electronic Repair Service, ma aha mobileka oo kaliya balse waa dhamaan qalabka electronics oo dhan, maanta waxaa loo qabaa baahi aad u badan, ilaa heer ay ka mid noqdeen baahiyaadka aasaasiga ah maanta ee aadamaha sida cuntada iyo cabitaanka oo kale , haddii aad leedahay aqoonta hagaajinta “Repairing” dhamaan qalabkaas waxaad bilaabi kartaa meherada yar oo ka shaqaysa dayactirka electronicska adiga oo aan u baahnayn qarash fara badan balse ku bilaabi kara waxka yar $1000, kana samayn kara dhaqaale aad u badan iyo waliba faa’iido aan xad lahayn, haddii aanad lahayn xirfad kugu filan waxaad la shaqayn kartaa qof khibrad leh adigaan wax lacag ah ka qaadanayn balse ka faa’iidaysanaya aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa aad ka u saraysa ilaa aad kaligaa isku filnaato oo aad barato xirfada.


2.       Catering  Or Small Food Vending: waa iibinta cuntooyinka fudud ee deg-deg ah ee suuqayada iyo xaafadda lagu iibiyo, maanta waxyaalaha aadka loogu baahan yahay waxaa ka mida cuntooyinka fudud ee guriga lagu sameeyo, sida keega, roodhida, buskulka iyo xalwada oo aan u baahnayn hawl badan, dhaqaale fara badan ama in meherada weyn loo furo intaba, waxaad ku bilaabi kartaa gurigaaga ama xafiis yar oo aan qalab  badan u  dhigin marka hore, waxaanad ka samayn kaartaa dhaqaale aad iyo aad u badan marka loo eego wuxuu kaaga baahan yahay adiga bilowga hore ee aad maalgalinayso, haddaba si aad u hesho macaamiil badan waxaad samaysan kartaa xayaysiin aad social media soo dhigto sida facebook ama TikTok iyo Instagram adigoo magac wacan u bixinaya, looga fiicana saaraya ka dibna sidaas waxaad ku heli kartaa macaamiil fara badan, haddaba adeegan cunto samayntu waa mid ka mida ganacsiyada fudud ee aad dhaqaale $1000 ka yar ku bilaabi karto marka hore.

3.       Tailoring And Fashion Design: dawaarka iyo naqshadayta casriga ee dharku waa mid suuq fiican leh maanta marka loo eego wakhtigii hore oo aan sidan oo dhan loo fahansanayn ama aan muhiim u ahaynba, waayo  dad yar oo kaliya ka faa’idaysan jirey, inaad harqaanle ama dawaarle noqotaa waa jaanis fiican oo aad ku samayn karto dhaqaale fiican oo deg-deg, sidoo kale waa boos ka banaan bulshada marka loo eego baahida loo qabo maanta, tolida dhar qurxoon iyo alaabooyin kale oo tayo leh waxaad ka samayn kartaa sumcad fiican iyo dhaqaale aan xad lahayn, waayo gacantaada ayaa kuu haysa wax walba, kaliya waxaad u baahan tahay inaad ka bilowdo meel hoose iyo wax yar, waana shaqo xilliyo gaar aad looga faa’iido xilliyada iidka oo kale waa sidaad u shaqaysto iyo kartidaada, waayo waxaa badan baahida suuqa ka jirta maadaama qofkastaa u baahan yahay dhar fiican oo gacanta lagu tolay. Xirfadan waa muhiim maanta haddii aad leedahayna waxaa ka samayn kartaa income fiican oo maalinle ah ama bille ah , sidoo kale uma baahna inaad dhaqaale badan ku bilowdo ee hal dawaar oo fiican ayaa kaa badan inta hore ee aad macaamiil badan helayso, sidaas darteed waxaad ku bilaabi kartaa lacag $1000 ah ama ka yarba.


4.       Small-Scale Poultry Farming: beerista digaaga ama xanaanaynta digaaga waa mashruuc faa’ido badan leh, waxaad abuuraysaa meel lagu dilaaciyo digaaga yaryar kaddibna waad xanaanaysaa, korinaysaa markay 6 bilood gaadhaana waad sii iibin kartaa ama waxaad sugaysaa intay dhasha bilaabayaan ee waaweynayaan, halkaas oo aad dhaqaale kaga samayn karto markay dhasha bilaabaan, waxaad ka helay dhaqaale maalinle ah, maalinkata haddii qaybi kuu dhasho waad income fiican oo joogto ah kaas oo kuu soconayo haddii aan ilaaliso digaaga cuntadooda iyo caafimaadkooda oo kaliya. Sidoo kale waxaad u iibin kartaa hilib ahaan waliba lacag fiican markaas oo ka faa’ido badan tii hore, haddaba si aad mashruucan u bilowdo waxaad u baahan tahay khibrad asaasi ah iyo lacag $1000 ugu yaraan adiga oo hadhow kordhin kara wax soosaarkaaga haddi loo baahdo, digaagu waa waxyaabaha maanta aadka looga isticmaalo guud ahaan waddankeena wuuna sii badanayaa maalinkaste baahidiisu, markaa haddii aad diyaar u tahay waad ka faa’idaysn kartaa adigoo wax yar ku bilaabaya marka hore.

Dhammaantood waa ganacsiyo yar oo aan lacag badan kaaga baahnayn laakiin soo saari kara dhaqaale fiican si maalinle ah ama bille ah adiga oo aan meel sare kasoo bilaabin markii hore haddii aad maanta mid ka mida bilaabi kartid bilow oo ha sugin wakhti kale oo fiican laga yaaba in lagaga hormaro oo suuqa lagaa hor galo, taas waxay keeni kartaa inaad heli waydo macaamiil fiican ama ugu yaraan lagula qaybsado macaamiisha, waan taasi sababta markaste suuqu u saaacido cidda ku horaysa ee badeecad ama adeeg hore u galisaa uga faa’ido badan tahay kuwa dambe ama xilli dambe yimaada.

Kasoo qaad laba shirkadood oo isku adeeg bixiya ayaa suuqa soo galay wax ay ku kale duwan yihiiina ma jirto, suuqa badanaa waxaa ku faai’da ta hore, waayo wax ay is dheeryihii ma jirto waana siday macaamiishu ula qabsadaan uun markaste.

Dayactirka mobileda, samaynta cuntooyinka fudud, tolida maryaha iyo ka ganacsiga digaaga waa mashaariic u baahan wakhti iyo dedaal badan laakiin lacag yar lagu bilaabi karo marka hore haddii aan haynay dhaqaale badan, laakiin taas micnaheedu maaha inaanay kaa rabin dedaal joogto ah, waayo ma jiro wax dedaal la’aan la helaa, ganacsiguna wuuba kasii daran yahay marka loo eego waxyaalaha kale oo dhan, ka bilow meel hoose, ku bilow wax yar laakiin yeelo hammi fog oo la gaadhi karo.

Other Topics

 

 7 ganacsi oo Dumarka u gaar ah

Side u diyaariyaa Qorshe ganacsiyeed

Post a Comment

3 Comments