Noqo Arday Guulaystay
Ardaynimo waa marxalad
muhiim ah oo nolosha qofka ah, waana xilliga lagu dhiso aqoon, anshax iyo
mustaqbal ifaya. Arday badan ayaa leh riyooyin waaweyn, balse riyooyinkaas
intooda badan ma rumoobaan sababo la xiriira qorshe la’aan, waqtiga oo si
khaldan loo isticmaalo, ama dhiirani la’aanba ha noqotee. Ardayga guulaysta ma
aha mid caqli badan oo keliya, balse waa mid dadaal badan, qorsha leh, isla
markaana garanaya sida loo maareeyo naftiisa iyo waqtigiisa, ardaygu wuxuu maraa
marxalado kale duwan kuwaasi oo mid kaste oo mid ahi u baahan dedaal gaar ah inu
ku wajaho si aad guul u gaadho.
Maqaalkan waxaan kaga
hadli qodobo dhawr ah kuwaasi kaa caawin kara inaad noqo arday guulaystay, intaad
waxbarashada ku jirto, dhamantod waa inaad raacdaa haddii kale waxaad noqon
qaar kale dhiman oo aanad guul ku gaadhi karin. Wuxu maqaalkan awooda saarayaa
sidii aad wadada saxan ku heli lahayd ka dib aad u raaci lahayd taasi oo ku geyn
karta meeqaam sare oo aanad si sahlan ku gaadhi lahayn.
Waakan maqaal aan ka
qoray dhibaatada isticmaalka faraha badan ee technologyga:
https://www.qallinle.com/dhibaatooyinka-isticmaalka-baraha
Maqaalkan wuxuu si qoto
dheer u sharxayaa sida ugu fudud ee ardaygu uga faaiidaysan karo, wakhtigiiga
si uu usoo saaro wax faa’ido u leh, talaabooyin la taaban karo, talooyin wax ku
ool ah, iyo waxyaabo ay tahay in ardaygu ka fogaado si uu u gaaro guul
waxbarasho iyo mid nololeed, waa haddii uu raaco ardaygu dhamaantood.
1. Fahamka Macnaha Ardaynimo
Guul ma aha oo keliya in
la helo darajooyin sare ama imtixaan la gudbo. Guusha dhabta ah ee ardaynimo
waa:
Inaad fahanto waxa aad baranayso Inaad yeelato anshax iyo akhlaaq wanaagsan Inaad naftaada horumariso Inaad diyaar u noqoto mustaqbalka Ardayga guulaysta waa mid wax ka barta waxbarashada iyo nolosha labadaba intaad yar tahay waa jaanis aad haysato kaasi oo aanad dib dambe u heli doonin sidaasi darteed ku dedaal inaad si fican oo dhamaystiran wax u baran karto adiga oo hadaf cadna leh waliba.
2. Yool iyo Qorshe Cad
Arday aan lahayn yool
cad wuxuu la mid yahay qof socda oo aan garanayn halka uu u socdo.
Qor waxa aad rabto inaad gaarto (tusaale: jaamacad gaar ah, xirfad, ama shaqo) U kala saar yoolalkaaga kuwa gaaban iyo kuwa fog Samee qorshe aad ku gaari karto Markaad yool leedahay, waxaad yeelaneysaa dhiirigelin joogto ah, qorshuhu waa tiir muhiim ah oo nolosha kamid ah waxkastana looga baahan yahay, markaad arday tahay waxaa lagaa rabaa inaad yeelato yool iyo qorshe cad oo dhamaystiran kuwaasi oo ku geyn kara halkaad u socoto, haddi kale waxaad ku dhex lumi kartaa mashquul addunka adiga oo aan garanayn meel aad u socoto iyo waliba meel aad ka timi.
3. Maamulka Waqtiga
Waqtigu waa hanti,
ardayga guulaystana wuu ogyahay sida loo isticmaalo wakhtiga uu haysto.
Talooyin Maareynta
Waqtiga:
Samee
jadwal maalinle ah U qoondee waqti waxbarasho, nasasho iyo cibaado Ka fogow waqtiga badan ee ku baxa baraha bulshada Samee mudnaan (priorities) Qofka waqtigiisa
ilaaliya wuxuu ka hormaraa kan caqliga badan ee waqtiga lumiya, wakhtigu waa
waxa ugu muhiimsan ee aad haysato maanta sidaad u isticmaasho ayaanad u eekaan
doontaa mustaqbalka adiguna, Maqaalkan isha mari:
https://www.qallinle.com/muhiimadda-ilaalinta-waqtiga
4. Akhris Joogto ah iyo
Faham Dheer
Ardayga guulaysta ma
sugo imtixaanka oo keliya. Wuxuu akhriyaa si joogto ah.
Sida Akhriska Loo
Hagaajiyo:
Samee waqti gaar ah oo akhris ah Faham waxa aad akhrineyso, ha xafidin oo keliya Qor qodobbada muhiimka ah Dib u eeg casharrada Akhriska joogtada ah wuxuu xoojiyaa xasuusta iyo fahamka.
5. Diiradda Saar
Waxbarashada
Mid ka mid ah caqabadaha
ugu waaweyn ee ardayda waa mashquulka.
Waxyaabaha Mashquuliya
Ardayda:
Taleefannada
casriga ah Baraha bulshada Saaxiibo aan waxbarasho
dan ka lahayn
TV
iyo ciyaaro badan Ardayga guulaysta wuxuu doortaa waxa faa’iido u
leh mustaqbalkiisa.
6. Su’aal Weydiin iyo
Isgaarsiin Wanaagsan
Su’aal weydiintu ma aha
daciifnimo, waa aqoon raadis.
Weydii macallinka
markaad fahmi weydo Ka dood casharrada fasalka La wadaag saaxiibadaada aqoonta Isgaarsiinta wanaagsan
waxay kordhisaa fahamka iyo kalsoonida.
7. Kalsoonida Nafta iyo
Isku Filnaanshaha
Arday badan ayaa guul
darrada u arka inay yihiin kuwo aan caqli lahayn, taasoo khalad ah.
Sida Kalsoonida Loo
Kordhiyo:
Rumee naftaada Ha is barbar dhigin dadka kale U dabaal deg guulaha
yaryar Ka baro khaladaadka Kalsoonida nafta waa tiirka guusha.
8. Ka Faa’iideysiga
Qaladadka
Qalad walba waa cashar.
Ardayga guulaysta:
Wuu
aqoonsadaa khaladkiisa Wuu saxaa Wuxuu ka dhigtaa khibrad Guuldarrodu ma aha dhammaad, waa bilow cusub.
9. Akhlaaq iyo Asluub
Wanaagsan
Akhlaaqda wanaagsan
waxay ka mid tahay guusha dhabta ah.
Ixtiraam
macallimiinta La dhaqmo asxaabta si wanaagsan Daacadnimo iyo
masuuliyad muuji
Qof aqoon leh balse
akhlaaq xun leh ma noqon karo mid guulaysta.
10. Caafimaadka Jirka
iyo Maskaxda
Waxbarasho ma socon
karto adigoo caafimaad darro qaba.
Talooyin Caafimaad:
- Seexo ugu yaraan 7–8 saacadood
- Cunto caafimaad leh cun
- Jimicsi samee
- Ka fogow walbahaarka badan
Maskaxda nasan ayaa si fiican u shaqeysa.
11. Ka Faa’iideyso
Teknoolajiyada Si Sax Ah
Teknoolajiyadu waxay
noqon kartaa faa’iido ama khasaaro.
Isticmaal Teknoolajiyada
Si Wanaagsan:
Baro
koorsooyin online ah Akhri buugaag dijitaal ah Daawo casharro waxbarasho
Ha u isticmaalin
waqtigaaga oo keliya madadaalo.
Waakan maqaal ku saabsan
technology cusub ee hadda la isticmaalo iyo saamayteedda
https://www.qallinle.com/tiknoolajiyada-cusub-iyo-saamaynteeda
12. Doorka Waalidiinta
iyo Bulshada
Guusha ardaygu waa mid
wadajir ah:
Waalidiinta
waa inay dhiirigeliyaan Macallimiinta waa inay hagaan Bulshaduna waa inay taageertaa Marka ardaygu helo
taageero, wuxuu gaarayaa guul.
13. Dulqaad iyo Adkaysi
Guushu ma timaaddo hal
maalin.
U
dulqaado caqabadaha Ha quusan markaad la kulanto dhibaato Sii wad dadaalkaaga
Adkaysiga waa sirta
guusha waarta.
Gunaanad
Noqoshada arday
guulaysta waa safar u baahan yool, dadaal, qorshe, akhlaaq iyo dulqaad. Guushu
ma aha nasiib, waa natiijada shaqo adag iyo go’aan adag. Haddii aad raacdo
talooyinkan, aadna si joogto ah u dadaasho, waxaad noqon doontaa arday
guulaysta oo mustaqbal ifaya leh.
Xusuusnow: Maanta aad bay u adkaan kartaa, balse
berrito waa mid ifaya haddii aad maanta dadaasho.
Tusaalooyin Arday
Guulaystay
Tusaale 1: Arday Ka Soo
Bilaabay Xaalad Adag
Cabdiraxmaan waa arday
oo ku barbaaray deegaan aan haysan fursado waxbarasho oo badan. Wuxuu ku noolaa
meel aan dugsi fiican lahayn macaliimiin tayo leh aanay joogin, mararka qaarna
ma helin internet. Si kastaba ha ahaatee, Cabdiraxmaan wuxuu sameystay jadwal
waxbarasho, wuxuuna maalin kasta u qoondeeyay ugu yaraan 2 saacadood oo akhris
ah. Wuxuu ka faa’iideystay wakhtigiisa si u helo cilmi badan oo uu tebayay,
cidkasta oo waxku dhaantana wuu ka faa’idaystay ilaa uu heer fiican gaadhay.
Casharka laga baran
karo:
Guushu ma xirna duruufaha aad ku nooshahay, balse waxay ku xirantahay sida aad
uga faa’iideysato waxa aad haysato.
Tusaale 2: Arday
Jaamacadeed oo Is Maareeyay
Hodan waa ardayad
jaamacadeed oo dhigata mid ka mid ah jaamacadaha Soomaaliya. Waxay la kulantay
dhibaatooyin ay ka mid yihiin mashquul badan, baraha bulshada iyo culayska
casharrada. Markii dambe, waxay go’aansatay inay xaddido isticmaalka
taleefanka, sameysatana jadwal cad.
Waxay bilowday:
- Inay casharka dib u eegto isla maalintaas
- Inay su’aalo weydiiso macallinka
- Inay ka qeyb gasho doodaha fasalka
Natiijadii,
darajooyinkeeda way sare u kaceen, kalsoonideeduna way korodhay.
Casharka laga baran
karo:
Is-maareynta iyo go’aan qaadashada saxda ah waa furaha guusha ardaynimo.
Ugu dambay waxaan halkan
kugu wadaagayaan maqaal aan ka qoray sidee ardaygu u guulaystaa
Waxaad ka helaysaa
qodobo muhiim u ah guushaada ama ugu yaraan ka qayb qaadan kara dedaalkaaga.
https://www.qallinle.com/how-student-can-overcome-various
how to become successful
student
https://ecampusontario.pressbooks.pub/studyprocaff/chapter/introduction/



10 Comments
mansha allah w
ReplyDeleteguul kukh
ReplyDeletemanshaga akahag
ReplyDeletegood
ReplyDeletehi
ReplyDeletegrfe
ReplyDeleteok
ReplyDeletekoljae
ReplyDeleteok hgf
ReplyDeletegiui
ReplyDelete