Ardaynimo waa marxalad muhiim ah oo nolosha qofka ah, waana xilliga lagu dhiso aqoon, anshax, iyo mustaqbal ifaya. Arday badan ayaa leh riyooyin waaweyn, balse riyooyinkaas intooda badan ma rumoobaan sababo la xiriira qorshe la’aan, waqtiga oo si khaldan loo isticmaalo, ama dhiirani la’aanba ha noqotee. Ardayga guulaysta ma aha mid caqli badan oo keliya, balse waa mid dadaal badan, qorsha leh, isla markaana garanaya sida loo maareeyo naftiisa iyo waqtigiisa.
Waakan maqaal aan ka qoray dhibaatada isticmaalka faraha badan ee technologyga:
https://www.qallinle.com/dhibaatooyinka-isticmaalka-baraha
Maqaalkan wuxuu si qoto dheer u
sharxayaa sida ugu fudud ee ardaygu uga faaiidaysan karo, wakhtigiiga si uu
usoo saaro wax faa’ido u leh, talaabooyin la taaban karo, talooyin wax ku ool
ah, iyo waxyaabo ay tahay in ardaygu ka fogaado si uu u gaaro guul waxbarasho
iyo mid nololeed.
1. Fahamka Macnaha Ardaynimo
Guul ma aha oo keliya in la helo
darajooyin sare ama imtixaan la gudbo. Guusha dhabta ah ee ardaynimo waa:
- Inaad fahanto waxa aad baranayso
- Inaad yeelato anshax iyo akhlaaq wanaagsan
- Inaad naftaada horumariso
- Inaad diyaar u noqoto mustaqbalka
Ardayga guulaysta waa mid wax ka barta waxbarashada iyo nolosha labadaba.
2. Yool iyo Qorshe Cad
Arday aan lahayn yool cad wuxuu la
mid yahay qof socda oo aan garanayn halka uu u socdo.
Sidee
Yool Loo Sameeyaa?
- Qor waxa aad rabto inaad gaarto (tusaale: jaamacad gaar
ah, xirfad, ama shaqo)
- U kala saar yoolalkaaga kuwa gaaban iyo kuwa fog
- Samee qorshe aad ku gaari karto
Markaad yool leedahay, waxaad yeelaneysaa dhiirigelin joogto ah.
3.
Maamulka Waqtiga
Waqtigu waa hanti, ardayga
guulaystana wuu ogyahay sida loo isticmaalo wakhtiga uu haysto.
Talooyin
Maareynta Waqtiga:
- Samee jadwal maalinle ah
- U qoondee waqti waxbarasho, nasasho iyo cibaado
- Ka fogow waqtiga badan ee ku baxa baraha bulshada
- Samee mudnaan (priorities)
Qofka waqtigiisa ilaaliya wuxuu ka
hormaraa kan caqliga badan ee waqtiga lumiya.
Wakhtigu waa waxa ugu muhiimsan ee aad haysato maanta sidaad u isticmaasho ayaanad u eekaan doontaa mustaqbalka adiguna, Maqaalkan isha mari:
https://www.qallinle.com/muhiimadda-ilaalinta-waqtiga
4. Akhris Joogto ah iyo Faham Dheer
Ardayga guulaysta ma sugo imtixaanka
oo keliya. Wuxuu akhriyaa si joogto ah.
Sida
Akhriska Loo Hagaajiyo:
- Samee waqti gaar ah oo akhris ah
- Faham waxa aad akhrineyso, ha xafidin oo keliya
- Qor qodobbada muhiimka ah
- Dib u eeg casharrada
Akhriska joogtada ah wuxuu xoojiyaa
xasuusta iyo fahamka.
5.
Diiradda Saar Waxbarashada
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn
ee ardayda waa mashquulka.
Waxyaabaha
Mashquuliya Ardayda:
- Taleefannada casriga ah
- Baraha bulshada
- Saaxiibo aan waxbarasho dan ka lahayn
- TV iyo ciyaaro badan
Ardayga guulaysta wuxuu doortaa waxa
faa’iido u leh mustaqbalkiisa.
6.
Su’aal Weydiin iyo Isgaarsiin Wanaagsan
Su’aal weydiintu ma aha daciifnimo,
waa aqoon raadis.
- Weydii macallinka markaad fahmi weydo
- Ka dood casharrada fasalka
- La wadaag saaxiibadaada aqoonta
Isgaarsiinta wanaagsan waxay kordhisaa fahamka iyo kalsoonida.
7.
Kalsoonida Nafta iyo Isku Filnaanshaha
Arday badan ayaa guul darrada u arka
inay yihiin kuwo aan caqli lahayn, taasoo khalad ah.
Sida
Kalsoonida Loo Kordhiyo:
- Rumee naftaada
- Ha is barbar dhigin dadka kale
- U dabaal deg guulaha yaryar
- Ka baro khaladaadka
Kalsoonida nafta waa tiirka guusha.
8.
Ka Faa’iideysiga Qaladadka
Qalad walba waa cashar. Ardayga
guulaysta:
- Wuu aqoonsadaa khaladkiisa
- Wuu saxaa
- Wuxuu ka dhigtaa khibrad
Guuldarrodu ma aha dhammaad, waa
bilow cusub.
9.
Akhlaaq iyo Asluub Wanaagsan
Akhlaaqda wanaagsan waxay ka mid
tahay guusha dhabta ah.
- Ixtiraam macallimiinta
- La dhaqmo asxaabta si wanaagsan
- Daacadnimo iyo masuuliyad muuji
Qof aqoon leh balse akhlaaq xun leh
ma noqon karo mid guulaysta.
10.
Caafimaadka Jirka iyo Maskaxda
Waxbarasho ma socon karto adigoo
caafimaad darro qaba.
Talooyin
Caafimaad:
- Seexo ugu yaraan 7–8 saacadood
- Cunto caafimaad leh cun
- Jimicsi samee
- Ka fogow walbahaarka badan
Maskaxda nasan ayaa si fiican u
shaqeysa.
11.
Ka Faa’iideyso Teknoolajiyada Si Sax Ah
Teknoolajiyadu waxay noqon kartaa
faa’iido ama khasaaro.
Isticmaal
Teknoolajiyada Si Wanaagsan:
- Baro koorsooyin online ah
- Akhri buugaag dijitaal ah
- Daawo casharro waxbarasho
Ha u isticmaalin waqtigaaga oo
keliya madadaalo.
Waakan maqaal ku saabsan technology cusub ee hadda la isticmaalo iyo saamayteedda
https://www.qallinle.com/tiknoolajiyada-cusub-iyo-saamaynteeda
12. Doorka Waalidiinta iyo Bulshada
Guusha ardaygu waa mid wadajir ah:
- Waalidiinta waa inay dhiirigeliyaan
- Macallimiinta waa inay hagaan
- Bulshaduna waa inay taageertaa
Marka ardaygu helo taageero, wuxuu
gaarayaa guul.
13.
Dulqaad iyo Adkaysi
Guushu ma timaaddo hal maalin.
- U dulqaado caqabadaha
- Ha quusan markaad la kulanto dhibaato
- Sii wad dadaalkaaga
Adkaysiga waa sirta guusha waarta.
Gunaanad
Noqoshada arday guulaysta waa safar
u baahan yool, dadaal, qorshe, akhlaaq iyo dulqaad. Guushu ma aha nasiib, waa
natiijada shaqo adag iyo go’aan adag. Haddii aad raacdo talooyinkan, aadna si
joogto ah u dadaasho, waxaad noqon doontaa arday guulaysta oo mustaqbal ifaya
leh.
Xusuusnow: Maanta aad bay u adkaan kartaa, balse berrito waa mid ifaya
haddii aad maanta dadaasho.
Tusaalooyin Arday Guulaystay
Tusaale
1: Arday Ka Soo Bilaabay Xaalad Adag
Cabdiraxmaan waa arday oo ku
barbaaray deegaan aan haysan fursado waxbarasho oo badan. Wuxuu ku noolaa meel
aan dugsi fiican lahayn macaliimiin tayo leh aanay joogin, mararka qaarna ma
helin internet. Si kastaba ha ahaatee, Cabdiraxmaan wuxuu sameystay jadwal
waxbarasho, wuxuuna maalin kasta u qoondeeyay ugu yaraan 2 saacadood oo akhris
ah. Wuxuu ka faa’iideystay wakhtigiisa si u helo cilmi badan oo uu tebayay, cidkasta
oo waxku dhaantana wuu ka faa’idaystay ilaa uu heer fiican gaadhay.
Casharka laga baran karo:
Guushu ma xirna duruufaha aad ku nooshahay, balse waxay ku xirantahay sida aad
uga faa’iideysato waxa aad haysato.
Tusaale
2: Arday Jaamacadeed oo Is Maareeyay
Hodan waa ardayad jaamacadeed oo
dhigata mid ka mid ah jaamacadaha Soomaaliya. Waxay la kulantay dhibaatooyin ay
ka mid yihiin mashquul badan, baraha bulshada iyo culayska casharrada. Markii
dambe, waxay go’aansatay inay xaddido isticmaalka taleefanka, sameysatana
jadwal cad.
Waxay bilowday:
- Inay casharka dib u eegto isla maalintaas
- Inay su’aalo weydiiso macallinka
- Inay ka qeyb gasho doodaha fasalka
Natiijadii, darajooyinkeeda way sare
u kaceen, kalsoonideeduna way korodhay.
Casharka laga baran karo:
Is-maareynta iyo go’aan qaadashada saxda ah waa furaha guusha ardaynimo.
Ugu dambay waxaan halkan kugu wadaagayaan maqaal aan ka
qoray sidee ardaygu u guulaystaa
Waxaad ka helaysaa qodobo muhiim u ah guushaada ama ugu
yaraan ka qayb qaadan kara dedaalkaaga.
https://www.qallinle.com/how-student-can-overcome-various
how to become successful student
https://ecampusontario.pressbooks.pub/studyprocaff/chapter/introduction/




2 Comments
mansha allah w
ReplyDeleteguul kukh
ReplyDelete