6 Shay oo Aad ka Qoomamayn Doonto Marka Aad Weynaato
Noloshu waa safar aan joogsi lahayn, waxaana mar walba muhiim ah in aan ka
faa’iidaysano waqtigeenna intaad jaaniska hayso. Marka dadku weynaadaan, waxay
dib milicsadaan noloshoodii hore, iyaga oo ka fikiraya fursadihii ay lumiyeen
ama khaladaadkii ay sameeyeen wakhti ka hor. Haddaba Maqaalkan waxaan ku eegi
doonaa afar arrimood oo dadka badankood ay ka qoomameeyaan marka ay da’doodu
weynaato, markay sidaasi tahay waxaa fiican inaad intaad yar tahay aanad dayicin
fursadahaasi waa hubaal inaad mar kale garan doonto waliba adiga oo aan waxba
ka qaban karin markaasi.
Maanta waxaan ka hadli doona jaanisyadaasi sidii aad uga faa’idaysan
lahayd intaad yar tahay, sideedaba noloshu waa safar aan cidna sugayn, kaliya
waxaa la socon kara qof u diyaarsan si dhab ah, kaasi oo markaste wax cusub
baran kara, wixii uu bartana noloshiisa ku dabikhi kara waliba sida ugu bahoon,
casharada noloshu way badan yihiin marka loo eego jaaniska yar ee aan haysano
taasi oo aan inoo saamaxayn inaan u noolaano sidaan rabno markaste.
Laga soo bilaabo inaad hadaf yeelato waliba riyadaada ka rumayso, wakhti aad la qaadanayso dadkaaga iyo asxabtaada ilaa inaad dareenkaaga ka run sheegto oo ah qodabada aan maanta ka hadli doono waxay u baahan dhiirinaan fara badan iyo ku dhac iyo badheedh dhamaystiran, waxay kaa rabaa inaad lahaato adkaysi aad ku wajihi karto taasi oo keenaysa inaanad makaad waynaato ka qoomamayn ee aad u riyaaqdo oo ay noqdaan guulo aad yaraan kusoo xaqiijisay.
1. Inaad Iska Deysay Riyadaadi
Qof walba wuxuu leeyahay
riyooyin iyo himilooyin, laakiin dad badan ayaa ka tanaasula cabsi awgeed,
fikir bulsho, ama culeysyo nololeed. Haddab Marka aad weynaato, waxaad xasuusan
doontaa fursadihii aad dayacay, halkii aad ka xasuusan lahayd khaladaadka aad
sameysay. Inaad riyadaada raacdo, xitaa haddii aad guul-darreysato, waa wax
aanad ka qoomamayn doonin, laakiin in aad iska dayso gebi ahaanba taasi waa
qoomamo dhab ah, markaa maanta ayaad jaanis haysaa ku dedaal inaad ka rumayso
riyadaada oo si yar haku quusan.
Waad Akhrin Kartaa
Maqaalkan
https://www.qallinle.com/side-u-diyaariyaa-qorshe-ganacsiyeed
2. Inaanad Waqti la Qaadan
Qoyskaga iyo Asxaabta
Shaqooyinka, mashquulka nolosha, iyo dadaalka nolol raadinta ayaa mararka qaar naga ilowsiiya dadka aan jeclahay. Dad badan ayaa ka qoomamooda waqtiga ay lumiyeen, iyaga oo aan la wadaagin waqti qoyska, waalidka, carruurta ama saaxiibbada dhow. Marka waalidka uu geeriyoodo ama saaxiib la waayo, ayaa la dareemaa qiimaha waqti wada qaadashada, si aanay taasi kuguugu dhicin maanta waxaad haysataa fursad aanad waliga haysan doonin oo ah inaad wakhti fiican siiso dad kuugu dhaw noloshaada ee aanad ka maarmin karin intay nool yihiin.
3. Inaad Noqoto Qof Dadka Ka
Cabsada
Inaad ka baqdo waxa dadka kaa yiraahdaan waxay kaa hor istaagi kartaa inaad noqoto qofka aad dhab ahaan tahay. Dad badan ayaa qoomameeya markii ay fahmaan in nolosha aysan ahayn mid dadka kale lagula tartamo, balse ay tahay mid aad naftaada ku faraxdo. Marka aad weynaato, waxaad rabtaa inaad noqoto qof runta ku noolaa ee aan iska dhigin cid kale, wakhti badan ha iskaga qasaarin cabsida iyo ka fikirka dadka kale oo iyaguba dantooda uun wata ee aan wax kale ku mashquul sanayn taasi waxay ku keeni kartaa hore mar la’aan aan xad lahayn.
4.
wakhti luminta
Waqtigu waa hantida ugu
qaalisan, mana noqon karo wax dib loo soo ceshan karo. Qaar badan ayaa
waqtigooda ku lumiyo waxyaabo aan qiimo lahayn: muran, nacayb, iyo hawlo aan
faa’iido lahayn. Marka da’da la gaaro, waxaad rabtaa inaad xasuusato waqti si
wanaagsan loo maamulay, halkii aad ka qoomamayn lahayd sannado lumay, sidaasi
markay tahay wakhtigu waa waxa ugu mudan in si fiican loo maamulo oo looga faa’idaysto,
waayo waa nolosheedi oo dhanba, wixii aad galiso uun baad adiguna mustaqbalka
noqotaysaa markaa meel fiican ku bixi wakhtigaaga.
5. dadka kale kasoo horjeeda.
Haddii ay tahay inaad
malo-awaal samayso, Ka soo qaad in qof walba uu ku faraxsan yahay oo ay wax
walba ku shaqeynayaan adiga. Marka aan u maleyno in dadku ay ka fikirayaan
nolosheena, ficilkeena, danteena iyo dabeecadeena, waynu isbedelnaa. Waxaan u
bedelnaa qofka aan nahay wax laga yaabo in aan xitaa dhicin. Sida kaliya ee aad
ugu noolaan karto si toos ah qalbigaaga oo aad uga fogaato qoomamaynta in aad
iska dhigto wax aadan ahayn in aad dadka kale ka farxiso oo waxa laga yaabo in
ay ku fakarayaan ama ay filayaan waa in aad naftaada dib ugu soo noqoto, noloshaadu
ha noqoto mid isku dheeli tiran oo aan dhican qudha ku koobnayn taasi waxay
keenaysaa inaad cid kale ka fikirin aan naftaada ahayn.
6.
inaad Haa dhahdo markay Maya tahay.
Waxaa laguu oggol yahay
inaad tiraahdo maya xitaa marka aadan mashquul ahayn. Tusaale ahaan, waxaad
joogi kartaa guriga intaad aadi lahayd dhacdo u muuqata mid cabsi leh. maya
ayaad odhan kartaa marka qalbigaagu maya yidhaahdo. Waxaad odhan kartaa maya
marka aad u baahan tahay inaad daryeesho naftaada. Maya waxaad odhan kartaa
maya marka aad rabto nabad badan, xasillooni, ama wax kale oo aad noloshaada u
rabto. Haddii aadan sidaas yeelin, waxaad u badan tahay inaad ka shallayn
doonto dhammaan waqtiyadaas markii aad runtii rabtay inaad Haa tiraahdo laakiin
aadan haysan tamar ama waqti. Haddii aadan waqti u haynin waxa muhiimka ah,
jooji inaad sameyso waxyaabaha aan ahayn, naftaada ha gayn meel aanay raali ka
ahayn ama aanay doonayn waktigaas isaga ah, u noolow sidaad jeceshahay adiga oo
aan cid kale dan ka lahayn kaliya naftaada ayaa daryeel kaaga baahan markaste.
Gabagabo
Noloshu waxay ina
baraysaa casharro badan, laakiin casharada ugu weyn badanaa waxaa la fahmaa
goor dambe. Haddii aad da’yartahay maanta, fursad ayaad u leedahay inaad ka
fogaato qoomamayn danbe. Raac riyadaada, jeclow dadka kuu dhow, farxad ku
noolow, hana lumin waqtigaaga qiimaha leh. Maalintaas markaad weynaato, waxaad
noqon doontaa qof ku qanacsan nolosha halkii aad noqon lahayd qof qoomameeya,
waa talabooyin yar yar oo fudud laakiin guul weyn kuu horseedi kara haddii aad
siday tahay u adeegsato oo u raacdo, waxay naftaada ka dhigi karaan mid ku
qanacsan waxay samaynayso oo waliba si niyad u samaynaysa, muhiimada noloshuna
waa qanacsanaanta waxaad samaynayso oo kaliya ah.
Waakan maqaal ka hadlaya Dhalinyarada
https://www.qallinle.com/dhalinyaro-9-kan-qodob-iska-ilaaliya



9 Comments
thanks waad hayaa s
ReplyDeletemansha allah tabarak thanks
ReplyDeletehyr
ReplyDeletethnks
ReplyDeletehi thnks
ReplyDeletehyre
ReplyDeleteMansha allah
ReplyDeleteThbks
ReplyDeleteFaahiye
ReplyDelete