faa’iidooyinka samaynta qorshe ganacsi
Diyaarinta qorshe ganacsi oo qoran
waa tallaabo muhiim ah oo si dhab ah u qeexaysa himilada, qaabka, iyo jidka
ganacsigaaga. Ma aha kaliya qoraal fudud, ee waa khariidad istaraatiiji ah
oo kugu hagaysa sidii aad u gaari lahayd yoolalkaaga sida suuq-geyn, koboc
maaliyadeed, iyo doorashooyin wax ku ool ah, Qorshe si fiican loo diyaariyey
wuxuu ku khasbayaa inaad ka fikirto dhinacyo badan oo muhiim ah: suuqa,
tartanka, qaabka aad lacag ku kasbato, maaraynta khayraadka, iyo khataraha aad
wajihi karto Intaa waxaa dheer, qorshahan wuxuu xoojinayaa isgaarsiin la fahmi
karo ka u dhexeeyaaga iyo maalgashadayaasha ama share holderska mustaqbalka.
![]() |
1. Hubinta Fikradda & Qiimeynta Suuqa
Qorista
qorshe ganacsi waxay kugu qasbeysaa inaad si qoto dheer u baarto fikraddaada,
adigoo qiimeynaya suuqa, baahida, iyo fursadaha suurtagalka ah, Falanqaynta
tartanka iyo macaamiisha waxay kaa caawinaysaa inaad ka fogaato khaladaad hore sidoo
kale, waxaad helaysaa fahan qoto dheer oo ku saabsan waxa suuqa laga rabo, waxa
aan ka shaqaynayn iyo saadaalin bilaha iyo maalmaha soo socda siduu suuqu noqon
karo haddii aan is bedel deg deg ah ku iman siday wax u socda, dhamaantood waa
wax la ogaan karo haddii si dhab ah loo baadho iyadoo la adeegsanayo dariiqa saxan.
2. Sameynta Khariidad (Roadmap) & Yoolal Cadcad
Qorshaha ganacsi wuxuu tusaale u yahay roadmap kaa caawinaya inaad dejiso yoolal gaagaaban iyo yoolal fogba, iyo talaabooyin cad oo lagu gaadho, Waxay kaa caawineysaa inaad jaangooyso go’aanada muhiimka ah sida suuq-geynta, qiimaynta, iyo helidda koox shaqaale ah, waa inaad lahaataa waddo aad u mari karto ujeedka ganacsi oo ah inaad faa’ido fiican ku samayso muddada ugu yar ee macquul ah, waana taas ta ganacsigaaga ka dhigi karto mid guulaysta oo hanaqaada, taas bedelkeeda waxay kaa dhigaysaa mid fashilmay oo aan sii wadi karin ganacsigan.
3. Maaraynta Khatarta &
Aqoonsiga Fursadaha
Qorshe cad iyo
falanqeyn khatarta iman karta ayaa kaa caawinaya inaad si degdeg ah uga
falceliso xaaladaha lama filaanka ah, Waxaa kale oo aad la socon kartaa fursadaha
cusub, adigoo awooda inaad horay uga faa’iideysato isbeddelada suuqa, haddii
qorshe fiican aad qoratay markaad bilaabaysay ganacsigan waxaa markaste ka
jaanis roon tahay qofaan wax qorshe ah lahaynba, waayo waxaad haysataa xog aad
ku go’aan qaadan karto waxkaste oo yimaada, markay khataraha noqotana waa la
mid uun.
4. Maareynta Maaliyadda & Kharashka
Qorshaha
maaliyadeed ayaa muujinaya miisaaniyadda, saadaasha dakhliga, iyo lacagaha laga
filan karo tani waxay kaa dhigaysaa mid qorsheystay, oo aan ku jirin xaalad
degdeg ah, Waxay ku siineysaa sawir cad oo ah haddii ganacsigu lagama maarmaan
yahay maalgelin dibadda, iyo inta aad u baahan tahay, waxaad goor hore ogaan
kartaa xaalada uu ku jiro ganacsigaagu ma mid fiicanbaa mise hoos u dhacbaa ku
socda.
5. Kordhinta
Kalsoonida Maalgashadayaasha
Qorshe qoran
oo dhammeystiran wuxuu muujinayaa inaad si dhab ah ugu talagashay ganacsigaaga,
taas oo kor u qaadaysa kalsoonida maalgashadayaasha, bangiyada, iyo
wada-shaqaynta, Waxay sidoo kale fududaysaa in aad soo jiidato shaqaale xirfad
leh iyo lala-hawlgalayaal muhiim ah, waa albaab kuu furi karo jaanisyo dibadeed
haddaad si fiican u diyaariso Qorshaaga ganacsi waxaa ku qanci kara
maal-gashdayaal badan, taasina ganacsigaaga waa u horemar fiican oo meel sare
gaadhsiin kara.
6. Cabbirka Horumarka &
hagaajinta joogtada ah
Qorshe
ganacsi oo leh yoolal iyo tilmaamayaal cad cad ayaa kuu ogolaanaya inaad si
joogto ah u cabirto horumarka ganacsigaaga, u falanqeyso qorshaha, una sameyso
hagaajino ku saleysan natiijooyinka, Tani waxay ka dhigeysaa ganacsiga mid firfircoon,
oo ka falceliya isbeddelada mustaqbalka, halkii uu ahaan lahaa mid ku soconaya
wadada qaldan muddo dheer ilaa uu hoos u dhaco, waa cabir aad kula socon karto
xaalada uu ku sugan yahay ganacsigaagu wakhti kaste oo la joogo.
7.
Istaraatiijiyadda Suuq-geynta
Qorshe waxay
kaa caawineysaa inaad si cad u qeexdo istaraatiijiyadda suuq-geyn, kalsooni
gelisa qorshayaal cad oo lagula xiriiri karo macaamiisha Waxay kaloo kaa
caawineysaa in aad si sax ah u meeleysato sumaddaada (brand) suuqa, taas oo aad
ku kasban karto koox macaamiil daacad ah, kuwaas oo si joogto ah ugu xidhan
ganacsigaag, suuqu waa meesha aad u socoto hadaad ku guulaysato ganacsigaagu wuu
guulaystay, markaas waa inuu kamid noqdaa qorshaha guud ee ganacsigaaga.
Gunaanad
Markaad samayso
qorshe ganacsi oo fiican waxaad haysataa tiirkii ugu muhimsanaa ee shirkadaada
waayo hadaad kaasi ku guulaysato waxaa hubaal ah inaad inta hadhayna guul ka
gaadhi doonto hadaad dedaasho, taasi micnaheedu maaha in qorshuhu yahay guul
dhamaystiran balse waa inuu yahay albaalka laga galo guusha ganacsigaaga oo hadduu
saxmo 70% aad qabatay hawshii lagaa sugayay, markay sidaasi tahay waxaa waajib
ah inaad ku desaasho sidaad u samayn lahayn qorshe ganacsi oo si fiican aad u qortay,
kaasi oo cadaynaya maaliyada, badeecda la iibinaya, habka suuq geynta,
maamulida hawlaha muhiim ah, shaqaalaha shirkadu iyo siday isugu xidhan yihiin.
Ganacsigaasi wuu guulaysan karaan haddii intaasi si saxan loo sameeyo, arrimaha kale ee farsamada u baahan waxaad ku qorshayn kartaa gadaal, taasi oo ah in dhib kaste oo timaada inta shaqada lagu jiro aad raadiso xalkeeda ka dibna aad ku darto qorsha guud ee ganacsigaa si haddi ay soo noqoto markiiba loo heli karo xalkeeda, maadaam horey looso maray, waana sabab ugu muhiimsan ee qorshaha loo sameeyo si aan hal mushkilad marar kale duwan u joojin shaqooyinka muhiim ka ah ee socda, si guud samaynta qorshe fiican oo arin muhiim u ah shirkada iyo shaqaalaha hawsha gacanta ku hayaba, waayo wuxuu qeexayaa wadadii iyo dariiqii la mari lahaa, sidii loo mari lahaa iyo wixii qaldama sidii lii wada sixi lahaa.


.jpg)
11 Comments
hi
ReplyDeleteevery one
ReplyDeletehaa
Deleteosme
ReplyDeletedear
ReplyDeleteguul
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletekaalg
ReplyDeletekhaau
ReplyDeletehuiy
ReplyDeletemansha allah
ReplyDelete