4
Shay ka Qoomamayn Doonto Noloshaada
Noloshu waa safar aan joogsi lahayn,
waxaana mar walba muhiim ah in aan ka faa’iidaysano waqtigeenna intaad jaaniska
hayno. Marka dadku weynaadaan, waxay dib milicsadaan noloshoodii hore, iyaga oo
ka fikiraya fursadihii ay lumiyeen ama khaladaadkii ay sameeyeen wakhtigii ay
yaraayeen, Haddaba Maqaalkan waxaan ku eegi doonaa afar arrimood oo dadka
badankood ay ka qoomameeyaan marka ay da’doodu weynaato, jaanis kaste oo aad
soo dayacday intaad yarayd wuxuu kugu noqon karaa caqabad horleh markaad waynaato
waana taa sababta keenaysa inaad iska qoomamayso waxaad soo samaysay intii hore
oo dhan.
Wakhtigu markaste waa ku dhaafayaa
oo ma joojin kartid laakiin waad ka faa’idaysan kartaa markaad ku qabsato
waxaad jeceshahay oo hadhow wax ku tari kara, sida inaad cilmi ku barato ama
lacag ku shaqaysato ama aad aakhhiro uga faa’iidaysato, waa halka looga jeedo
inaad wakhtiga wax kala hadho, waliba wax aakhhiro ama adduunka ku anfaci kara,
taasi oo keenaysa inaanad ka murugood wakhtigii ku dhaafay maadaama oo aad wax
qiimo leh galisay.
Qodobadan aan maanta ka hadli doonaa dhamantod waa kuwa asaasi u ah nolosheena waa kuwa ugu muhiimsan ee laga rabo qof kaste meeshu joogaba, si gaar ah waxay xusayaan in qofka dhalin yarada ahi uu ku dhiirado inuu samayn karo intuu yar yahay, waayo waxay u keeni karaan guulo waaweyn haddi uu sameyo ama fahmo intuu yar yahay, taasi bedelkeeda waxaa iman karta qoomamo markaad weynaato haddii aanad samayn maanta, waa sida ugu fudud ee aad ku garan karto, sidoo kale waxaan sheegi doonaa caqabadaha ka dhalan kara iyo sida ugu fudud ee aad uga talaabsan karto waayo wax kaste wuxuu leeyahay dhibaato la socda,
1. Inaad ka hadhay Riyadaadi
Qof walba wuxuu leeyahay riyooyin
iyo himilooyin, laakiin dad badan ayaa ka tanaasula cabsi awgeed, fikir bulsho,
ama culeysyo nololeed. Haddab Marka aad weynaato, waxaad xasuusan doontaa
fursadihii aad dayacay, halkii aad ka xasuusan lahayd khaladaadka aad sameysay.
Inaad riyadaada raacdo, xitaa haddii aad guul-darreysato, waa wax aanad ka
qoomamayn doonin, laakiin in aad iska dayso gebi ahaanba taasi waa qoomamo dhab
ah, inaad riyo yeelata waa qayb nolosha ka mida ah markaad soo koraysana waaba
waajib, haddaba dad badani waxay ka tanaasulaan riyadii ay lahaayeen marka yaraayeen
sababa iyo culaysyo jira awgeed, taasi waa qaladka ugu weyn ee aad noloshaada
galayso, inaad gaadhi weydaa ceeb maaha laakiin waxaa ceeb ah inaad isku dayi
waydo gabi ahaanba, Taasi waxaa ka fiican inaad dedaasho meelu ku gaadhsiiyaba,
waad guulaysan ama waxaad heli waayo aragnimo aad ku socon karto mustaqbalka
soo socda, haka hadhi riyadaada waliba si yar oo fudud waxay doonto ha ahaatee.
2. Inaanad Waqti la Qaadan Qoyskaga iyo Asxaabta
Shaqooyinka, mashquulka nolosha, iyo dadaalka nolol raadinta ayaa mararka qaar naga ilowsiiya dadka aan jeclahay. Dad badan ayaa ka qoomamooda waqtiga ay lumiyeen, iyaga oo aan la wadaagin waqti qoyska, waalidka, carruurta ama saaxiibbada dhow. Marka waalidka uu geeriyoodo ama saaxiib la waayo, ayaa la dareemaa qiimaha waqtigii aad wada qaadaten, markaas intay aad jaaniska hayso wakhti fiican sii dadka aad jeceshahay, waayo fursad qaali ah oo aanad garan karin intay joogi doonto ama wakhti ay tagi doonto, ehelkeenu waxay inagu leeyihiin xaq aad u weyn kaasi oo aynaan gudi karin wax kaste oo aan sameyno, balse waxa ugu fiican ee aan ku celin karnaa waa inaad wakhti fiican siino intaan nool nahay, asxaabta waxaa jira inoola mid ah ehelkeena waana kuwaasi kuwa mudan inaad ilaalino oo wakhti fiican la qaadano.
3. Inaad Noqoto Qof Dadka Ka Cabsada
Inaad ka baqdo waxa dadka kaa
yiraahdaan waxay kaa hor istaagi kartaa inaad noqoto qofka aad dhab ahaan
tahay. Dad badan ayaa qoomameeya markii ay fahmaan in nolosha aysan ahayn mid
dadka kale lagula tartamo, balse ay tahay mid aad naftaada ku faraxdo. Marka
aad weynaato, waxaad rabtaa inaad noqoto qof runta ku noolaa ee aan iska dhigin
cid kale, waxaad samaynaysaa ha noqdaan waxay naftaada jeceshahay taasaa muhiim
balse in dadka kale ku jeclaadaan adigu ma maamushid muhiimna kuuma aha, u
noolow naftaada cidna haka sugin amaan iyo dhiirri galin aan naftaada ka ahayn
waa taasi guusha dhabta ahi, Cabsidu waa waxa kaa hor istaagi kara gaadhida
hadafyadaada iyo inaad meel dhexe kaga tagto, waxa ugu wacan ee kaga badbaadi
kartaa waa inaad ogaato in aan cidina dan kaa lahayn adduunka aad ku nooshay balse
aad adigu kaligaa qabayso.
4. wakhti luminta
Waqtigu waa hantida ugu qaalisan, mana noqon karo wax dib loo soo ceshan karo. Qaar badan ayaa waqtigooda ku lumiyo waxyaabo aan qiimo lahayn: muran, nacayb, iyo hawlo aan faa’iido lahayn. Marka da’da la gaaro, waxaad rabtaa inaad xasuusato waqti si wanaagsan loo maamulay, halkii aad ka qoomamayn lahayd sannado lumay, ha faa’idayso wakhti yar ee haysato waayo ma sii haysan doontid, wakhtigu waa qaali wax aad siisan kartaana majiro, markay sidaasi tahay waxaa haboon intaad yar tahay inaad wax fiican galisid jaaniska aad haysato, luminta wakhtigu waa dhibaato aad u weyn waxaana garan kara qofka aan maanta joogin halkaad adigu joogto oo soo lumiyay wakhtigiisi dhalin yaranimo.
Gabagabo
Noloshu waxay ina baraysaa casharro
badan, laakiin casharada ugu weyn badanaa waxaa la fahmaa goor dambe. Haddii
aad da’yartahay maanta, fursad ayaad u leedahay inaad ka fogaato qoomamayn
danbe. Raac riyadaada, jeclow dadka kuu dhow, farxad ku noolow, hana lumin
waqtigaaga qiimaha leh. Maalintaas markaad weynaato, waxaad noqon doontaa qof ku
qanacsan nolosha halkii aad noqon lahayd qof qoomameeya
Waad gaadhi kartaa hadafka aad
nolosha ka leedahay haddii aad la timaado dedaal badan oo aanad is ka lumin
waktitaaga qaaliga ah ee aad maanta haysato, adiga oo aad cidna ka cabsanayn
waayo ma jirto sabab aad dadka kale uga fikirtaa, kaliya raac riyadaada,
unoolow sidaas jeceshahay ee macquulka ah, daryeed ehelkaaga iyo asxabtaada ku
dhaw markaste sii wakhti fiican waxaad arki doonaa adiga oo ku faraxsan
noloshaada oo naftaada qiimo u yeelay, markaas ka dib dadka kalena way ixtiraami
doonaan adiga oo aan waydiisan waliba, waayo dadku waxay ku dhaqmaan sida aad adigu
naftaada ula dhaqanto, halkaad ka raadin lahayn in lagu sharfo adigu naftaada sharaf
marka hore waad heli doontaa iyadoo badan waliba.


.jpg)
7 Comments
hi
ReplyDeletenice pro
ReplyDeletefor
ReplyDeletehight
ReplyDeletemannsa allah
ReplyDeletehukol
ReplyDeletehye good
ReplyDelete