Noloshu waa safar aan joogsi lahayn, waxaana mar walba muhiim ah in aan ka faa’iidaysano waqtigeenna intaad jaaniska hayso. Marka dadku weynaadaan, waxay dib milicsadaan noloshoodii hore, iyaga oo ka fikiraya fursadihii ay lumiyeen ama khaladaadkii ay sameeyeen wakhti ka hor. Haddaba Maqaalkan waxaan ku eegi doonaa afar arrimood oo dadka badankood ay ka qoomameeyaan marka ay da’doodu weynaato.
1.
Inaad Iska Deysay Riyadaadi
Qof walba wuxuu leeyahay riyooyin iyo himilooyin, laakiin dad badan ayaa ka tanaasula cabsi awgeed, fikir bulsho, ama culeysyo nololeed. Haddab Marka aad weynaato, waxaad xasuusan doontaa fursadihii aad dayacay, halkii aad ka xasuusan lahayd khaladaadka aad sameysay. Inaad riyadaada raacdo, xitaa haddii aad guul-darreysato, waa wax aanad ka qoomamayn doonin, laakiin in aad iska dayso gebi ahaanba — taasi waa qoomamo dhab ah.
2.
Inaanad Waqti la Qaadan Qoyskaga iyo Asxaabta
Shaqooyinka, mashquulka nolosha, iyo dadaalka nolol raadinta ayaa mararka qaar naga ilowsiiya dadka aan jeclahay. Dad badan ayaa ka qoomamooda waqtiga ay lumiyeen, iyaga oo aan la wadaagin waqti qoyska, waalidka, carruurta ama saaxiibbada dhow. Marka waalidka uu geeriyoodo ama saaxiib la waayo, ayaa la dareemaa qiimaha waqti wada qaadashada.
3.
Inaad Noqoto Qof Dadka Ka Cabsada
Inaad ka baqdo waxa dadka kaa yiraahdaan waxay kaa hor istaagi kartaa inaad noqoto qofka aad dhab ahaan tahay. Dad badan ayaa qoomameeya markii ay fahmaan in nolosha aysan ahayn mid dadka kale lagula tartamo, balse ay tahay mid aad naftaada ku faraxdo. Marka aad weynaato, waxaad rabtaa inaad noqoto qof runta ku noolaa – ee aan iska dhigin cid kale.
4.
wakhti luminta
Waqtigu waa hantida ugu qaalisan, mana noqon karo wax dib loo soo ceshan karo. Qaar badan ayaa waqtigooda ku lumiyo waxyaabo aan qiimo lahayn: muran, nacayb, iyo hawlo aan faa’iido lahayn. Marka da’da la gaaro, waxaad rabtaa inaad xasuusato waqti si wanaagsan loo maamulay, halkii aad ka qoomamayn lahayd sannado lumay.
Gabagabo
Noloshu waxay ina baraysaa casharro
badan, laakiin casharada ugu weyn badanaa waxaa la fahmaa goor dambe. Haddii
aad da’yartahay maanta, fursad ayaad u leedahay inaad ka fogaato qoomamayn
danbe. Raac riyadaada, jeclow dadka kuu dhow, farxad ku noolow, hana lumin
waqtigaaga qiimaha leh. Maalintaas markaad weynaato, waxaad noqon doontaa qof ku
qanacsan nolosha— halkii aad noqon lahayd qof qoomameeya
4 Comments
hi
ReplyDeletenice pro
ReplyDeletefor
ReplyDeletehight
ReplyDelete