LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Saamaynta Korodhka Qiimaha Nololeed ee Dhalinyarada

Saamaynta korodhka Qiimaha Nololeed ee Dhalinyarada

korodhka qiimaha nololeed waa mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee saameeyay bulshada maanta, gaar ahaan dhalinyarada. Marka qiimaha cunto, kirada, gaadiidka, waxbarashada, iyo adeegyada kale dhamantod sare u kaco, dad badan ayaa dareema culeys nololeed. Si gaar ah dhalinyarada oo in tooda badan aysan shaqo rasmi ah haysan ama ku jira marxalado kala guur ah sida waxbarasho, xirfad-barasho, ama raadin shaqo, ayaa si toos ah u wajaha saameynta sicir-bararka.

Waxaa jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay korodhkaa ku yimi qiima sicirka alaabta oo saamaysay dhaman bulshada qaybaheeda kale duwan, waa dhibaato aanay cidna ka badbaadi karin, laakiin dhalinyarda ku ah culays gaar ah maadaama ay u nugul yihiin iyagu dhibaato kaste oo lasoo darista, waxay ku keeni kartaa caqabado waaweyn oo ay ka mid tahay inay nolosha ka dhacan ama la qabsan kari waayaan, maadaama oo ay xawaare sare ku socoto oo u baahan dedaal dheeraad ah, taasi qofku dedaali waaya uu ka dhacayo ugu dambeyn.

Halkan maanta waxaan ku gudbin doontaa qaar ka mida dhibaatooyinka iyo xalalkooda oo wada socda, sidoo kale sidii ay dhalinyaradu uga hortagi lahaayeen iyana meesha kama maqnaan doonto ee waan ka hadli doonaa, dhibaatooyin dhaqaale, kuwa waxbarasho iyo caafimaad dhaman waa natiijo ka dhalatay culaysyo dhaqaale markii hore aan jirin, haddase ka laba jibaarantay markii si deg deg ah loo xalin waayay, waxayna saamayn ku yeelan kartaa dhaman dhinacyada nolosha aadamaha hadaan xal loo helin, dhalinyaradu waxay ka mid yihiin dadka aadka ugu nugul ee xamili karin culayska intaas leeg waliba wakhti aa u dheer, haddaan wax is bedelin oo uu sii socdo dhibkaasi.

Saamaynta Dhaqaale

Qiimaha nololeed markuu kordho, dhalinyarada waxay la kulmaan caqabado dhinaca dhaqaale ah. Dhalinyaro badan oo aan dakhli joogto ah lahayn ayaa la daalaa dhacaya sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyahooda aasaasiga ah. Waxaa laga yaabaa in ay la kulmaan culaysyo la xiriira bixinta kirada, helitaanka cunto nafaqo leh, iyo daryeel caafimaad. Tani waxay dhalinyarada ku riixdaa in ay raadiyaan shaqooyin aan rasmi ahayn ama mushaar yar leh, taasoo sii yaraysa fursadooda horumarineed, markaste oo culayskan sii socdo wuxuu keenayaa dhibaato horleh oo ku wajahan dhalinyarada khaasatan, iyaga oo aan waxba ka qaban karin wax kaste oo lasoo darsa, waa xaalad adag markay noqoto noloshii asaasiga ahayn oo khalkhal gasha ama cidhiidhi noqota, maxaa la filan karaa waa su’aal kale, balse waa mushkilado is biirsada­­y.

Saamaynta Waxbarasho

Marka noloshu qaali noqoto, dhalinyarada waxbarashada ku jirta waxay wajahayaan halis ah in ay waxbarashada ka tagaan ama hakad geliyaan. Qiimaha kor u kacaya ee buugaagta, lacagta dugsiyada, iyo gaadiidka ayaa sababaya in qaar badan ay awoodi waayaan inay sii wataan waxbarashada. Tani waxay si toos ah u yareynaysaa fursadaha ay dhalinyaradu u helayaan shaqooyin tayo leh mustaqbalka, waa dhibaato jirta oo saamayn wayn ku leh da’ yarta maanta soo koraya khaasatan waliba kuwooda dugsiyada iyo jaamacadaha wali ku jira, hadday sii socotana keeni karta in qaar badan oo ka mid ahi ka hadhaan waxbarashada, taasi oo keeni karta dib udhac bulsho oo baahsan hadaad laga hor tagin, sida caadiga qof kaste marku si fiican wax u barto ee uu aqoon fiican yeesho wuxuu qiimo u yeelo bulshada uu la noolyahay, taa bedelkeeda hadday yaraato waxbarashada waxay bulshada ku keeni kartaa dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwa nololeed.

Saamaynta Caafimaad iyo Niyad-jab

Culeyska dhaqaale ee sii kordhaya wuxuu keeni karaa dhibaatooyin dhinaca caafimaadka maskaxda ah sida walwal, murugo, iyo niyad-jab. Dhalinyarada dareemaya in aysan nolosha la jaanqaadi karin waxay qaarkood u leexdaan dariiqooyin aan wanaagsanayn sida isticmaalka maandooriyaha ama tahriibka. Waxaa sidoo kale laga yaabaa in ay dareemaan kalinimo iyo in aysan ka mid ahayn bulshada, dhan balwada iyo maadooriyadu waxay sidoo kale keeni kalsooni daro dhinac bulshada ah maadaama qofkii qabatimaa u yeelan karo caadooyin ay adag tahay in uu bulshada ku dhex noolaadaa, niyada oo ka xumaataa sidoo kale waa dhibaato u baahan karto daryeel gooni, dhamaan dhibaatoyinkaasi waxay saamayn toos ah ku yeelanayaan bulshadaas, waxa ugu weyn ee ay keeni karaana waa burbur bulsho oo soo deg dega.

Saamaynta Qorshayaasha Mustaqbalka

Qiimaha nolosha oo kacsan wuxuu dhalinyarada ku qasbaa inay dib u dhigaan qorshayaal muhiim u ah noloshooda. Tusaale ahaan, waxaa dib u dhac ku imaan kara guurka, dhisashada guri, bilaabista ganacsi, ama waxbarasho sare. Tani waxay saameyn toos ah ku leedahay mustaqbalka dhalinyarada iyo horumarka guud ee bulshada.

Markaste noloshu qaali noqoto waxaa la kordhaya baahiyaad asaasiga ee lagama maarmaanka ah taasi waxay sababaysaa in noloshii adkaato oo sidii hore loo noolaan kari waayo, haddii maciishadii sare u kacdo oo shay kaste korodh ku timaado maxaad filan kartaa? Waa in dad badani awoodi waayaan wixii ay ku noolaayen inay kusii noolaadaan, waxaana qasab noqonaysa inay dariiqa kale oo ay nolol ka heli karaa ay raadiyaan, dariiqaasi sax ha noqdo ama qalad ha noqdo iyaga waxaa u muhiim ah raadinta nolol maalmeedkooda, haddi sidaasi dhacdo waxaa ka dhalan kara qalalaase bulsho iyo dhibaatooyin horleh oo aanay cidna dan ugu jirin, waana halka laga digayo in la gaadho bulsho ahaan maanta.

Gabagabo

Kordhinta qiimaha nololeed waxay dhalinyarada ku keentay culeysyo xoog leh oo saameynaya noloshooda maalinlaha ah, waxbarashadooda, caafimaadkooda, iyo himilooyinkooda. Waa muhiim in la helo siyaasad iyo qorshayaal lagu yareynayo sicir-bararka laguna taageerayo dhalinyarada, sida abuurista shaqooyin, deeqo waxbarasho, iyo barnaamijyo lagu horumarinayo xirfadahooda.

Dhalinyaradu waa mustaqbalka dalka. Haddii la rabo in bulsho horumartay la gaaro, waa in si dhab ah loogu is-taago wax ka qabashada saameynta kordhinta qiimaha nololeed ee ku habsatay dhalinyarada maanta.

Maaha saamayn kaliya ku eekaan doonta da’ yarta balse way dhaafi doontaa waxay gaadhi doontaa qoysas badan oo maanta aan dhib la noolayn, balse cabsi guud qabo, bulshadu dhamaan ay isku xidhan tahay mana jiro cid ka badbaadi karta haddi dhibaato bulsho timaado.

Dhalinyardu way nugul yihiin markaste inta kasoo hadhay, waayo iyagu imika ayay baadhayaan halkay bulshada kaga biiri lahaayeen ama siday qayb uga noqon lahaayeen, oo intii hore waxay ku jireen koriinkii caruurnimo iyo waxbarasho, waa fiican tahay in loosii diyaariyo halkay ka gali lahaayeen mujtmaca guud ee ay la nool yihiin waayo waa muwaadinin bulshada qayb ka ah.


Post a Comment

8 Comments