7
ganacsi oo Dumar u gaar ah
Dumarku waxay leeyihiin karti,
hal-abuur iyo adkaysi ay ganacsi ku horumarin karaan, xitaa iyadoo agabkoodu
kooban yahay. Maanta, fursadaha ganacsi ee dumar qaban karaan way badan yihiin,
waxay ganacsi ka bilaabo karaan guriga, online, ama suuqyada maxalliga ah.
Ganacsiyada hoos ku xusan waxay u baahan yihiin maalgashi yar, laakiin waxay
leeyihiin fursad weyn oo koboc iyo faa’iido ah, dumarku inay ganacsi sameeyaan
maaha wax fudud markaa loo eego deegaanka oo mararka qaar ku noqda caqabad
aanay dhaafin karin,
Maanta waxaad maqaalkan ku gorfayn
doonaa ganacsiyada dumarku samayn karaan ee dhaqaale ka samayn karaan, kuwaasi
oo u baahan samir iyo dulqaad badan inay yeeshaan, Ganacsiyadaasi waxay badan
yihiin laakiin waxaan kusoo koobaynaa oo kasoo qaadanaynaa 6 nooc oo u furan
dumarka oo dhamantod ay ku bilaabi karaan lacag yar kana samayn karaa dakhli
fiican oo noloshoodi ay ku maarayn karaan.
Dumarku waxay bilaabi karaan ganacsigan oo aan u baahnayn qarash badan in lagu bilaabo marka hore, sidoo kale hadday maal galin helaana waa fursad kasii fiican oo ay kaa faa’idaysan karaan, ganacsiyad dhamantod waa kuwa fudud oo aan dhaqaale badan ku kacayn, taasi waxay ka dhigay in ay dumarku iskood u bilaabi karaan haddii ay maal galin kale waayaan, halkan waxaa kaga hadli doonaa nooc yadaasi oo aan dhamantod faahffahin doono sida lagu bilaabi karo, faa’idada ku jirta, khasaaraha ay yeelan karaan, wakhtiga ugu munaasabsan ee aad bilaabi karto iyo wixii kale ee la xidhiidha ganacsigan ah mid mustaqbal fiican leh.
1-Cunto Karin iyo Iibin (Home Catering)
Cunto karinta markay tahay waxaa
lagu tiriyaa in ay ka mid tahay arrimaha dumarku aqoonta fiican u leeyihiin,
inkastoo ay aqoon tahay rag iyo dumar labadaba ay baran korayaan, haddana dumarka
waxaa usii dheer inay markaste ku dhex jiraan ay raga kaga badan yihiin dhinaca
gacan ku haynta, cuntaduna waa ku celcelin badan ilaa gacantaada fadhiisato oo
ay noqoto mid aan is bedbedalayn ee jooga ah, waana halkan dhadhanka cuntada ka
bilaabmo, waayo qofka macmiilka ahi dhadhankuu barto inuu is bedelo ma jecla,
waa ganacsi fudud oo lagu bilaabi karo guriga isaga oo aan u baahan qalab badan
iyo qarashtooda, kani waa mid ka mida ganacsiyada ugu fiican ee xilli kaste la
bilaabi karo, markaa haddaad danaynayso faldan bilow waxaad ka gaadhi kartaa
guul muhiim ah.
2-Tolidda iyo Qurxinta Dharka (Tailoring &
Embroidery)
Tolida dharku waa mid ka mida
shaqooyinka ay qaban karaan dumarku, waa fursad u banaan cid kaste oo
doonaysa, waa shaqo dhaqaale badan laga samayn karo, maanta marka la eego suuqa
waxay ku badan raga shaqadan, taasi oo ka dhigaysa inay fursado badani uga
banaan yihiin dumarka wakhtigan haddii ay faa’idaystaan, waxay u baahan inaad
barato xirfad muhiim oo ah tolista ama design ka oo aad muddo yar ku baran
karto haddad ku dedaasho, waxaad ku bilaabi kartaa qiimo aad u yar iyo qarash
aan badnayn, oo qofkasta awoodo, haddi aan diyaar tahay waad bilaabi kartaa
meel hoose waliba ayaad ka bilaabi kartaa.
3-marinta Xenna iyo Qurxinta Dumarka
qurxinta dumarku iyana waa shaqo kale oo dumarka u gaar ah make up, waxaad barataa xirfada adiga oo wakhti kooban ku baranaya ka dibna waxaad furataa xarun dumarka loogu mariyo, taasi oo aan ka samayn karto lacag fiican haddi aad hesho macaamiil joogto ah, marinta xinaha waxay gaar u tahay dumarka oo maaha shaqo ragu la wadaagaan, umana baahna in lacag badan lagu bilaabo marka hore, haddii aad leedahay aqoontii iyo xirfadii waxaad ku bilaabi kartaa waxyar oo aan badnayn sida inaad guriga aad degan tahay ku bilowdo, markaad si fiican ula qabsato waad balaadhin kartaa ilaa aad gaadho inaad dad kale bari kartid oo lacag ka samayn kartid.
4-Samaynta qalab Gacmeed (Handmade
Accessories)
Samaynta qalabka gamcaha lagu sameeyo sida boorsooyinka , shandadaha
iyo dhamaan alaabta aya dumarku ku xaragoodaan waa suuqa u banaan dumarka oo ay
bixin karaan hadday diyaar u yihiin, dhamaan agab ka maanta ay dumarkeenu
isticmaalaan waxa laga keenaa wadanka dibadda taasi oo tilmaamaysaa baahida loo
qabo arrintan oo haddii gudaha laga heli lahaa lacago badan inoo badbaadin
lahayd, in la sameeyo agabka sida boorsooyinku maaha wax u baahan warshad weyn
iyo qarash badan balse aad ayay u fududay iyadoo la isticmalayo wax soo saarka
waddan 100%, waa shaqo ay dumarku qaban karaan dhaqaale fiicana ka samayn
karaan, marka hore bilowga waa laga yaabaa inay adkaato laakiin waxa ugu weyn
ee aad u baahan tahay waa inaad xirfadii barato ka dibna waa socod kartaa, waxaad
bilaabi maanta haddii aad diyaar u tahay.
5-Tafaariiqda Alaabta Dumarka
Inaad sii iibiso alaabta dumarku isticmaalaan sida dharka, kabaha iyo kuwa ay isku qurxiyaan waa shaqo kale oo aad dhaqaale ka samayn karto adiga oo aan qarash badan ku bilaabin waliba, waxaad kasoo bilaabi kartaa meel hoose iyo lacag aa u yar, adigoo kuu iibin kara online cidi kasoo dalbatana u dhiibaya taasi oo kaa badbaadin karto qarashka kirada iyo laydh aad ku bixin lahayd intaas suuq fiican helayso oo lagu baranayo, oo shaqo aad dhaqaale badan ka samayn karto haddaad bilowdo.
6-wax-Barista Caruurta Guriga
dumarku waxay qaban karaan shaqada macalinimada, hadday schoolka noqoto iyo hadday gurga noqoto, markaad Habeenkii howlahaaga kale soo dhamaysato waxaad samaysan kartaa caruur aad xiisadaha ugu celiso oo aad guriga ugu tagto, hal group ama 2 group habeenkaste waxaad halkaa ka heli kartaa il dhaqaale oo kale adiga oo maalinkiina shaqo kale qabsanaya, wax qarash oo aad ku bilowdo u baahna gabi ahaanba, waa adiga iyo aqoontaada oo kaliya.
7-Content Creation
Content creation maanta waxay ka mid tahay shaqooyinka ugu fiican ee
dhaqaalaha fiican laga samayn karo, waxaad samayn kartaa maqaalo aad ku
daabacdo website ama facebook page, waxaad samayn karta muuqaalo aad soo galiso
Youtube ama TikTok, waxaad qori kartaa buugaag aad sii iibiso iyo wax kaste oo la
content creation, waana adiga iyo aqoonta, xirfadaha muhiim ka ah waad baran
kartaa wakhti yar gudihii.
GABAGABO
Ganacsigu ma ahan wax u gaar ah
ragga kaliya dumarku waxay leeyihiin awood ay ku noqdaan ganacsato guuleysta.
Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa go’aan, dulqaad, iyo yididiilo. Ganacsiyada
kor ku xusan waxaad kaga bilaabi kartaa gurigaaga ama meel aad si fudud ku heli
karto macaamiil. Marka aad bilowdo si tartiib tartiib ah, waxaad noqon kartaa
ganacsato madax bannaan, adigoo la jaanqaadaya baahiyaha suuqyada maanta, waxay ku xidhan
tahay adiga iyo dedaalkaaga aad suuqa kula qabsan karto markaas soo gashid, daacad
nimadaada iyo sidaas macaamiisha ugu adeegto markay timaado baahidooda.


.jpg)
7 Comments
hi
ReplyDeletemaqaal ficn
ReplyDeletehi
ReplyDeletekali
ReplyDeletemanshah allah tabala
ReplyDeletesxb thnks
ReplyDeletehaa
ReplyDelete