Dumarku waxay leeyihiin karti, hal-abuur iyo adkaysi ay ganacsi ku horumarin karaan, xitaa iyadoo agabkoodu kooban yahay. Maanta, fursadaha ganacsi ee dumar qaban karaan way badan yihiin, waxay ganacsi ka bilaabo karaan guriga, online, ama suuqyada maxalliga ah. Ganacsiyada hoos ku xusan waxay u baahan yihiin maalgashi yar, laakiin waxay leeyihiin fursad weyn oo koboc iyo faa’iido ah.
1. Cunto Karin iyo Iibin (Home
Catering)
- Dumarka
waxay ku fiican yihiin karinta, waana fursad sahlan oo laga bilaabi karo
guriga.
- Waxaad
iibin kartaa canjeero, sambusa, suqaar, buskud, iwm.
- Macaamiisha
waxaad ka heli kartaa xaafaddaada ama online.
2. Tolidda iyo Qurxinta Dharka
(Tailoring & Embroidery)
- Haddii
aad leedahay xirfad tolis, waxaad toli kartaa dhar dhaqameed ama casri ah.
- Waxaad
ku darsan kartaa qurxin sida tidcid ama xarago dhar.
- Qalabka
tolista waxaa lagu bilaabi karaa si tartiib tartiib ah.
3. marinta
Xenna iyo Qurxinta Dumarka
- Adeegyada
qurxinta sida xardidda henna, nadiifinta wajiga, iyo is-qurxinta ayaa aad
loo jecel yahay.
- Waxaad
ka shaqeyn kartaa gurigaaga ama aad adeeg u geeyn kartaa dadka.
4. Samaynta qalab Gacmeed
(Handmade Accessories)
- Waxaad
samayn kartaa hilqado, silsilado, bacaha gacanta, iyo qurxin kale.
- Iibka
waxaad ka samayn kartaa online (WhatsApp, Facebook) ama suuqa xaafadda.
5. Tafaariiqda Alaabta Dumarka
(Retail of Women’s Items)
- Iibinta
shaashado, diracyo, carfiso, xijaab, iwm.
Uma baahnid dukaan, waxaad ku iibin kartaa online ama guri ahaan.
6. wax-Barista
Caruurta Guriga (Home Tutoring)
- Haddii
aad waxbarasho leedahay, waxaad ku baran kartaa caruur xaafaddaada
gurigaaga.
- Waxaa
sidoo kale fursad u ah dumarka jecel inay waqtiga la qaataan carruurta.
7. Sameynta Muuqaalyo YouTube ama
TikTok (Content Creation)
- Waxaad
duubi kartaa casharro karis, nadiifin, tolid, is-qurxin iwm.
- Markaad
hesho taageerayaal, waxaad lacag ka heli kartaa xayeysiisyo iyo iskaashi
ganacsi.
GABAGABO
Ganacsigu ma ahan wax u gaar ah ragga kaliya dumarku waxay
leeyihiin awood ay ku noqdaan ganacsato guuleysta. Waxa kaliya ee loo baahan
yahay waa go’aan, dulqaad, iyo yididiilo. Ganacsiyada kor ku xusan waxaad kaga
bilaabi kartaa gurigaaga ama meel aad si fudud ku heli karto macaamiil. Marka
aad bilowdo si tartiib tartiib ah, waxaad noqon kartaa ganacsato madax bannaan,
adigoo la jaanqaadaya baahiyaha suuqyada maanta.
4 Comments
hi
ReplyDeletemaqaal ficn
ReplyDeletehi
ReplyDeletekali
ReplyDelete