LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

caqabadaha dhalinyarada haysta

 caqabadaha dhalinyarada haysta
Dhalinyarada maanta waxa ay wajahayaan duruufo is biirsaday oo saameyn ku yeeshay noloshooda, horumarkooda iyo mustaqbalkooda. Isbeddelka dhaqaalaha, bulsho iyo deegaan ba, korarka tiknoolajiyada, iyo cadaadiska siyaasadeed ayaa wadajir u abuuray caqabado cusub oo aan hore loo arag. Fahamka arrimahan iyo sidii wax looga qaban lahaa ayaa muhiim u ah in dhalinyaradu helaan fursado ay ku kobciyaan xirfadooda, caafimaadkooda maskaxeed, iyo ka qaybgalka bulsho iyo siyaasadeed.

Dhalin yaradu waa laf dhabarka bulshada waana tiir muhiim u ah, markay sidaasi tahay waa muhiim in laga fekeraa sidii ay heli lahaayeen fursado ay kaga qayb galaan goobaha bulshada muhiim ka u ah sida waxbarashada, ganacsiga iyo maamulka intaba, waa xoog cusub oo soo koraya waxay leeyihiin awood aan caadi ahayn waa haddii ay jaanis helaan oo la siiyo space ay kasoo nuuqan karaan, caqabadahan aan maanta ka hadli doonaa waa qayb yar oo ka mida mushkilado is biirsaday kuwaas oo haysta dhalinyaro badan oo maanta nolosha ka riday ama ugu yaraan ay la nool yihiin, waxaan xusi doonaa sida ugu fudud ee looga bixi karo iyo waxa ka dhalan kara haddii ay kusii jitaan dhalinyaradu oo ah mustaqbalka bulshadeena.

Halkan waxaa ku jira lix caqabadood oo waaweyn oo dhalinyarada maanta haysata, kuwaas noloshii ka dhigay mid adag in ay la qabsadaan, maaha lixdan oo qudha way ka badan yihiin waase inta ugu muhiimsan, sidoo kale waxaan sheegi wadada ugu dhaw ee looga bixi karo.

  1. Shaqo la’aan iyo fursado yari
    Dhibaato ba’an ayay dhalinyaradu la kulmaan marka ay raadinayaan shaqo, iyadoo sicir-bararka iyo tartanka suuqa shaqadu kor u kacay. Shaqo la’aanta ayaa niyadda dhalinyarada ka dhigta mid hoos u dhacda, waxayna keentaa in dad badan ay ka fikiraan inay ka tagaan magaalooyinkooda ama xitaa dalkooda, qofku intuu yar yahay waa xoog cusub kaasi oo mudan in laga faa’idayso, halkii ay ahayd in xoogaasi cusub in laga faa’idaysto ka waran hadday waayaan meel ay nolosha ka bilaabaan iyo cid wax u dirataba, waa hubaal inay ka fekeri doonaa wadadii ay qaadi lahaayeen si ay nolol u raadiyaan meel ay tahayba, shaqo la’aantu waxay saamayn ku  yeelan kartaa dhalinyarada oo ah kuwa ugu nugul marka la joogo dalkeena.
  2. Caafimaadka maskaxda
    Cadaadiska waxbarashada, dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ayaa dhalinyarada soo foodsaara walbahaar, niyadjab iyo walxo kale oo caafimaad daro maskaxeed keena. Arrintan waxaa sii xumeeya isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada oo is-barbardhig joogto ah keena, tani kuma badna dhan bulshadeena laakiin dhibaato mararka qaarkooda jirta, waxaana sababi kara haddi aan qofku niyad fiican u hayn waxbarashada in lagu qasbo taasi oo ah dhaqanka dadka waalid badan isticmaalaan, haddi carruurtadu qaar kamid ahi school aanay ku fiicnayn waxaa fiican inaad meel kale u doorto intuu yar yahay, taasi waxay caawin kartaa ilmaha yar.

 

  1. Dhaqaale xumo iyo faqri
    Qoysaska badan oo wadamada soo koraya iyo kuwa saboolka ah labadaba, dhalinyaradu mararka qaar waxay ku waayayaan adeegyo asaasi ah sida cunto ku filan, hoy iyo daryeel caafimaad. Xaaladdan oo kale ayaa xannibta awoodda dhalinyarada inay waxbartaan ama fursado shaqo u helaan, qofku inuu helo nolosha asaasiga waa muhiim waliba intuu yar yahay, haddii uu ku waayo caqabado jira waxay noqon kartaa dhibaato muddo dheer daba socotaa ilaa uu ka weynaado, waxaana mas’uul ka ah waalid in hore oo dhan, ilaalinta korinta iyo barbaarinta ilmaha adiga ayay ku saaran tahay in yar yahay.

  1. tiknoolajiyada iyo dhibkeeda
    Iyadoo tiknoolajiyaddu sii ballaaraneyso, waxaa jira dhalinyaro aan haysan xirfadaha digital-ka ama qalabka (kombuyuutar, internet degdeg ah) ee loo baahan yahay. Tani waxay ka reebaysaa fursado waxbarasho iyo shaqo oo badan, waxayna kor u qaadaa farqiga u dhexeeya kuwa haysta iyo kuwa aan haysan, sidoo kale waxay ku noqon kartaa caqabado haddii aanay si fiican uga faa’idaysan oo maanta internetku wuxuu dhalinyaro badan dhaafiyey wax barashadii, iyaga oo schoolkii jooga ayay mararka qaar ku mashquulan waxaan muhiim u ahayn ee wakhtiga ka luminaya, markaas waa muhiim in waalidka iyo macalinku ogaado siduu ardaygu u adeegsado internetka uu sito.

 

  1. Balwadaha
    dhalin yarado waxay mar hore la qabsadeen balwado kale duwan kuwaas oo noloshii ka riday iyagoo yar yar ba, balwadu waa dhibaato bulsho oo dhinac kaste inaga haysata, balse markay dhalin yarada ku badato waa masiibo kale oo u baahan in lala dagaalamo, waayo way kaga saamayn badan tahay xaga isticmaalka bulshada qaybaheeda kale oo dhan, oo way u nugul yihiin barashadeeda iyo saamaynteedaba, haddaba cid kaste waxaa ku waajib ah in ka qayb qaadato la dagaalanka balwada caruurta, gaar ahaan kuwa waxbarashada ku jira xilligan, in aanay baran wax balwad ah.

 

  1. Ka qaybgalka siyaasadda iyo saameyn yar
    Inkasta oo codkooda bulsho iyo siyaasadeed uu muhiim yahay, haddana dhalinyaradu badanaa lama maqlo ama fursad mug leh looma siiyo inay go’aan ka gaaraan siyaasadaha saamaynaya noloshooda. Tani waxay dhalisaa niyad jab iyo kalsooni darro ku aaddan madaxda iyo hanaanka siyaasadeed, siyaasadu maaha inay madaxweyne noqdaan balse waa inay helaan metelaad meelaha muhiim ka u ah iyaga ee arimahooda looga hadlayo, taasi waxay keeni kartaa kalsooni ka dhalata dhexdooda haddii la siin lahaa, balse ma dhacdo inay jaaniskaas helaan, qofku intuu yaryahay wuxuu ku mashquulsan yahay waxbarashadiisa waa wakhtiba ma helo uu ku fikiro.

 

Gunaanad

Caqabadahani waa kuwo is biirsaday, dhalinyaraduna waxay u baahan yihiin taageero dhinacyo badan leh sida tababaro xirfadeed, daryeel caafimaad maskaxeed, helitaanka adeegyada asaaska ah, iyo fursado la taaban karo oo ay ku dhiirran karaan ka qaybgalka bulshada iyo siyaasadda. Haddi ay intaas iska helaan waxaa soo bixi kara dhalin yaro dhinac kaste ka dhisan oo caafimad qabta, kuwaa oo la tartami kara dhigooda adduunka ku nool waxna la qaybsan kara, haddi se la waayo waxay keenaysaa saameyn aan ka hadhin weligood intay nool yihiin,

Markaa adigu intaad ka masulka tahay ku dedaal, haddi aad ku guulaysato markas waxaad caawin kartaa kuwa kale u baahan caawimo, bulshadu waa isku wada dan haddii baahiyi jirto waa la wada qabaa, oo lama kala maarmi karo, suuro galna maaha inaad kaligaa guulaysato oo aan tidhaa maxaa iga galay kuwa kale waayo saamayntooda kama badbaadi kartid, markaas waa qasab inaad waxla qayb sataa, kuna dedaasha si aad u wada guulaysan lahaydeen 

Post a Comment

11 Comments