LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

7 ganacsi oo Dumarka u gaar ah

7 ganacsi oo Dumar u gaar ah

Dumarku waxay leeyihiin karti, hal-abuur iyo adkaysi ay ganacsi ku horumarin karaan, xitaa iyadoo agabkoodu kooban yahay. Maanta, fursadaha ganacsi ee dumar qaban karaan way badan yihiin, waxay ganacsi ka bilaabo karaan guriga, online, ama suuqyada maxalliga ah. Ganacsiyada hoos ku xusan waxay u baahan yihiin maalgashi yar, laakiin waxay leeyihiin fursad weyn oo koboc iyo faa’iido ah, dumarku inay ganacsi sameeyaan maaha wax fudud markaa loo eego deegaanka oo mararka qaar ku noqda caqabad aanay dhaafin karin,

Maanta waxaad maqaalkan ku gorfayn doonaa ganacsiyada dumarku samayn karaan ee dhaqaale ka samayn karaan, kuwaasi oo u baahan samir iyo dulqaad badan inay yeeshaan, Ganacsiyadaasi waxay badan yihiin laakiin waxaan kusoo koobaynaa oo kasoo qaadanaynaa 6 nooc oo u furan dumarka oo dhamantod ay ku bilaabi karaan lacag yar kana samayn karaa dakhli fiican oo noloshoodi ay ku maarayn karaan.

Dumarku waxay bilaabi karaan ganacsigan oo aan u baahnayn qarash badan in lagu bilaabo marka hore, sidoo kale hadday maal galin helaana waa fursad kasii fiican oo ay kaa faa’idaysan karaan, ganacsiyad dhamantod waa kuwa fudud oo aan dhaqaale badan ku kacayn, taasi waxay ka dhigay in ay dumarku iskood u bilaabi karaan haddii ay maal galin kale waayaan, halkan waxaa kaga hadli doonaa nooc yadaasi oo aan dhamantod faahffahin doono sida lagu bilaabi karo, faa’idada ku jirta, khasaaraha ay yeelan karaan, wakhtiga ugu munaasabsan ee aad bilaabi karto iyo wixii kale ee la xidhiidha ganacsigan ah mid mustaqbal fiican leh.

1-Cunto Karin iyo Iibin (Home Catering)

Cunto karinta markay tahay waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay arrimaha dumarku aqoonta fiican u leeyihiin, inkastoo ay aqoon tahay rag iyo dumar labadaba ay baran korayaan, haddana dumarka waxaa usii dheer inay markaste ku dhex jiraan ay raga kaga badan yihiin dhinaca gacan ku haynta, cuntaduna waa ku celcelin badan ilaa gacantaada fadhiisato oo ay noqoto mid aan is bedbedalayn ee jooga ah, waana halkan dhadhanka cuntada ka bilaabmo, waayo qofka macmiilka ahi dhadhankuu barto inuu is bedelo ma jecla, waa ganacsi fudud oo lagu bilaabi karo guriga isaga oo aan u baahan qalab badan iyo qarashtooda, kani waa mid ka mida ganacsiyada ugu fiican ee xilli kaste la bilaabi karo, markaa haddaad danaynayso faldan bilow waxaad ka gaadhi kartaa guul muhiim ah.

2-Tolidda iyo Qurxinta Dharka (Tailoring & Embroidery)

Tolida dharku waa mid ka mida shaqooyinka ay qaban karaan dumarku, waa fursad u banaan cid kaste oo doonaysa, waa shaqo dhaqaale badan laga samayn karo, maanta marka la eego suuqa waxay ku badan raga shaqadan, taasi oo ka dhigaysa inay fursado badani uga banaan yihiin dumarka wakhtigan haddii ay faa’idaystaan, waxay u baahan inaad barato xirfad muhiim oo ah tolista ama design ka oo aad muddo yar ku baran karto haddad ku dedaasho, waxaad ku bilaabi kartaa qiimo aad u yar iyo qarash aan badnayn, oo qofkasta awoodo, haddi aan diyaar tahay waad bilaabi kartaa meel hoose waliba ayaad ka bilaabi kartaa.

 

3-marinta Xenna iyo Qurxinta Dumarka

qurxinta dumarku iyana waa shaqo kale oo dumarka u gaar ah make up, waxaad barataa xirfada adiga oo wakhti kooban ku baranaya ka dibna waxaad furataa xarun dumarka loogu mariyo, taasi oo aan ka samayn karto lacag fiican haddi aad hesho macaamiil joogto ah, marinta xinaha waxay gaar u tahay dumarka oo maaha shaqo ragu la wadaagaan, umana baahna in lacag badan lagu bilaabo marka hore, haddii aad leedahay aqoontii iyo xirfadii waxaad ku bilaabi kartaa waxyar oo aan badnayn sida inaad guriga aad degan tahay ku bilowdo, markaad si fiican ula qabsato waad balaadhin kartaa ilaa aad gaadho inaad dad kale bari kartid oo lacag ka samayn kartid.

4-Samaynta qalab Gacmeed (Handmade Accessories)

Samaynta qalabka gamcaha lagu sameeyo sida boorsooyinka , shandadaha iyo dhamaan alaabta aya dumarku ku xaragoodaan waa suuqa u banaan dumarka oo ay bixin karaan hadday diyaar u yihiin, dhamaan agab ka maanta ay dumarkeenu isticmaalaan waxa laga keenaa wadanka dibadda taasi oo tilmaamaysaa baahida loo qabo arrintan oo haddii gudaha laga heli lahaa lacago badan inoo badbaadin lahayd, in la sameeyo agabka sida boorsooyinku maaha wax u baahan warshad weyn iyo qarash badan balse aad ayay u fududay iyadoo la isticmalayo wax soo saarka waddan 100%, waa shaqo ay dumarku qaban karaan dhaqaale fiicana ka samayn karaan, marka hore bilowga waa laga yaabaa inay adkaato laakiin waxa ugu weyn ee aad u baahan tahay waa inaad xirfadii barato ka dibna waa socod kartaa, waxaad bilaabi maanta haddii aad diyaar u tahay.

 

5-Tafaariiqda Alaabta Dumarka

Inaad sii iibiso alaabta dumarku isticmaalaan sida dharka, kabaha iyo kuwa ay isku qurxiyaan waa shaqo kale oo aad dhaqaale ka samayn karto adiga oo aan qarash badan ku bilaabin waliba, waxaad kasoo bilaabi kartaa meel hoose iyo lacag aa u yar, adigoo kuu iibin kara online cidi kasoo dalbatana u dhiibaya taasi oo kaa badbaadin karto qarashka kirada iyo laydh aad ku bixin lahayd intaas suuq fiican helayso oo lagu baranayo, oo shaqo aad dhaqaale badan ka samayn karto haddaad bilowdo.

6-wax-Barista Caruurta Guriga

dumarku waxay qaban karaan shaqada macalinimada, hadday schoolka noqoto iyo hadday gurga noqoto, markaad Habeenkii howlahaaga kale soo dhamaysato waxaad samaysan kartaa caruur aad xiisadaha ugu celiso oo aad guriga ugu tagto, hal group ama 2 group habeenkaste waxaad halkaa ka heli kartaa il dhaqaale oo kale adiga oo maalinkiina shaqo kale qabsanaya, wax qarash oo aad ku bilowdo u baahna gabi ahaanba, waa adiga iyo aqoontaada oo kaliya.

7-Content Creation

Content creation maanta waxay ka mid tahay shaqooyinka ugu fiican ee dhaqaalaha fiican laga samayn karo, waxaad samayn kartaa maqaalo aad ku daabacdo website ama facebook page, waxaad samayn karta muuqaalo aad soo galiso Youtube ama TikTok, waxaad qori kartaa buugaag aad sii iibiso iyo wax kaste oo la content creation, waana adiga iyo aqoonta, xirfadaha muhiim ka ah waad baran kartaa wakhti yar gudihii.

GABAGABO

Ganacsigu ma ahan wax u gaar ah ragga kaliya dumarku waxay leeyihiin awood ay ku noqdaan ganacsato guuleysta. Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa go’aan, dulqaad, iyo yididiilo. Ganacsiyada kor ku xusan waxaad kaga bilaabi kartaa gurigaaga ama meel aad si fudud ku heli karto macaamiil. Marka aad bilowdo si tartiib tartiib ah, waxaad noqon kartaa ganacsato madax bannaan, adigoo la jaanqaadaya baahiyaha suuqyada maanta, waxay ku xidhan tahay adiga iyo dedaalkaaga aad suuqa kula qabsan karto markaas soo gashid, daacad nimadaada iyo sidaas macaamiisha ugu adeegto markay timaado baahidooda.

 

Post a Comment

7 Comments