Sida loo Sameeyo Email Marketing Guuleysta
Maanta Email marketing waa mid ka
mid ah hababka ugu wax-ku-oolka badan ee lagu gaaro macaamiisha, lagu kordhiyo
iibka, laguna dhiso xidhiidho waara, Haddii si sax ah loo sameeyo, email-ku
wuxuu noqon karaa mashiinka dakhliga ee ganacsigaaga. maqaalkan waxaan ku eegi
doona tallaaboyinka sida loo sameeyo email marketing guuleysta, kaasi oo aad ku
gaadhi karto macaamiisha aad rabto inaad gaadho, waxaan odhan karnaa waa wadada
ugu fudud ee kula sheekaysan kartid macaamiisha kugu xidhan kuwaasi oo si
joogto ah wax kaaga iibsada ama u xiiseeya ganacsigaaga, haddaba waxaan soo
koobi doonaa wax kaste oo aan xal u aragno.
Waxaan sharaxaad ka bixin doonaa
wuxu yahay email marketing, email marketing waa habka aad macaamiisha kula
xidhiidh karto oo xogtaada u gaadhsiin karto adiga oo adeegsanaya email, waa
marketing ama suuq geyn la adeegsanayo emails, kuwaasi oo markii hore lasoo
ururiyay waliba waddooyin kale duwan loo maray si loo helo, intaa ka dib waxaa
looga faa’idaysanayaa sidii loogu gaadhi lahaa macaamiisha iska hel emails kaa,
waa waddo fudud oo aad ku samaysan karto suuq fiican adigu oo aan dad badan
shaqaalaysiin balse kaliya isticmaalaya emailmarketing technology.
Hadaba maanta waxaan ka hadli doona sidii aan emailka uga faa’idaysan lahayn ka dibna dhaqaale uga samayn lahayn, balse marka hore waa in la helaa macaamiisha emailkaaoda oo badan waa wadada ugu horeysa ee ina sugaysa taasi oo inooga baahan xal waara iyo sidii aan markaste qaar cusub ku heli lahayn, sidoo kale waxaan arki doonaa sidaa loo sameeyo email marketing oo ah shaqa u baahan inaad aqoon fiican u yeelato markaad qabanayso, talabooyinka la marayo ayaan sidoo kale sheegi doonaa oo mid kaste gaar tahay.
Waa
Maxay Email Marketing?
Email marketing waa farsamo
suuqgeyn oo aad email ugu dirto dadka xiisaynaya adeeggaaga ama alaabtaada.
Ujeeddadu waa in la wargeliyo macaamiisha, in la kordhiyo iibka, in la dhiso
kalsooni iyo xidhiidh joogto ah, in la soo celiyo macaamiishii hore ee aan
hadda ku xidhnayn shirkada, Faa’iidada ugu weyn, waa in la helo qiimo jaban, dakhli
la cabbiri karo, oo ROI “return on investment” sare leh kaasi oo ah muhiimada
ugu weyn ee ganacsiga.
1. Dhis Liiska Email-ka (Email List)
Guusha email marketing waxay ka bilaabataa liis tayo leh emails ah inaad hesho marka hore waa shaqada ugu horeysa uguna adag ee aad qaban doonta intaad hawshan ku jirto waayo waa halka ay wax kaste ka bilaabmi doonaa oo haddii aad ku guulaysato inta hadhayna waad ku guulaysan doontaa, Si aad loo helo subscribers, Ku dar form isdiiwaangelin website-kaaga kaagi oo ujeedkiisu yahay inaad hesho emails badan oo dadku leeyihiin, ama Bixi hadiyad bilaash ah (ebook, checklist, iwm) si laguu aamini karo, Isticmaal pop-up smart ah, Ku xayeysiiso social media, Talo muhiim ah Ha iibsan liis email waxay dhaawacaysaa sumcaddaada, waayo waxaa jira shirkado intay ururiyaan emails ka dadka ka dibna sii iibiya si ay dhaqaale uga sameeyaan, taasi waxay kugu keeni kartaa inaad hesho emails ka dad aan xiisayn waxaad u dirtay ama aan aqoon fiican u lahayn taasina waa kugu khasaare adiga.
2.
Dooro Email Marketing Tool
Warka farxadda leh waa in maanta
la heli qaabab badan oo aad u diri karto email marketing iyo waliba software
badan, markaasi muhiimadu waa sidee u dooran doontaa kan ugu fiican, Waxaad u
baahan tahay qalab kaa caawiya dirista iyo maamulka email-ka.
Kuwa ugu caansan: Mailchimp, Brevo
(Sendinblue), ConvertKit, GetResponse, dhamaantod waa tools loogu talo galay in
loo adeegsado email marketing midkastana wuxuu leeyahay meel gaar ah oo uu ku
fiican yahay oo aad u adeegsan karto.
Markaad dooranayso tools waa inaad
ka eegtaa fudaydka isticmaalka automation analytics qiimaha bilaha ama sanadka
ah ee lagaa rabo markaad adeegsato.
3.
Kala Qaybi Dhagaystayaasha (Segmentation)
Waa inaad kale qaybiso macaamiisha aad emailka u darayso, Ha u dirin email isku mid ah qof walba Tusaale segmentation macaamiil cusub iyo kan macaamiil hore waa inay kuu kale soocan yihiin, qofkii macmiil hore ahaa iyo kan maanta kuu yimi sidaasi darteed maaha inaad qoraal isku mid ah u dirto, kuwa aan weli wax iibsan waxay ka rabaan qoraal ama email gaara ah, dadka xiisaynaya adeeg gaar ah Natiijo sidoo kale mid gaar ah, open rate iyo conversion way kordhaan waana jaanis fiican markaste oo ku heli macaamiil cusub.
4.
Qor Subject Line Soo Jiidasho Leh
Subject line-ku waa albaabka email-kaaga waana meel muhiim ah waa halka ugu horaysa ee macmiil kaa qiimayn karo oo kaa aqbali karo ama kaa diidi karo, haddaba si aad u kasbato macmiilka raac ralaabooyinkan, ka dhig mid gaaban (6–10 eray) ku dar dareen degdeg ah isticmaal tirooyin, ka fogow spam words Tusaalooyin: “7 Tabo oo Kordhinaya Iibkaaga Maanta” “Ha Seegin Fursaddan Gaarka ah” “Sirta Ganacsiyada Guuleysta” waa tusaaleyaal fican kuwaasi oo macmiilka ku qancin kara inuu click gareeyo message kaaga sidaasna ku yimaado website kaaga, haddii aad taasi ku guulaysto maxaa xiga, sii akhri qodobka shanaad.
5.
Samee Content Qiimo Leh
Dadku ma rabaan xayeysiin kaliya
waxay rabaan wax qiimo leh tani waxay ka dhigan tahay si kaste oo aad email
marketing u samayso haddii aanad lahayn value content ma guulaysan karaan
talabooyinkani, sidaasi darteed marka hore website kaaga ha ahaado mid xog
muhiin ah ku jirto, Qaabka email guuleysta Salaan shaqsiyaysan Dhibaatada
akhristaha Xalka aad bixiso waa furaha qanaacada macmiilka ama akhristaha.
Call to Action (CTA) cad Isticmaal luqad fudud oo saaxiibtinimo leh Ha ka dhigin email-ka mid aad u dheer.
6.
Isticmaal Automation
Automation-ku wuxuu kaa badbaadiyaa
waqti badan oo ku diri lahayd emails badan hadaba adeegso Email automation
muhiim ah sida Welcome email, Follow-up emails, Abandoned cart email, Re-engagement
email, kuwaasi si joogto ah isu diraya wakhti kaste oo loo baahdo.
Ganacsiyada isticmaala automation waxay helaan
dakhliga badan.
7.
Tijaabi oo Falanqee (Analytics)
Wax aan la cabbirin lama horumarin
karo, isticmaal Metrics muhiim ah sida: Open rate, click rate, Conversion rate,
Unsubscribe rate kuwaasi ku siin kara qiimayn la isku halayn karo.
Haddii open rate hooseeyo →
hagaaji subject line
Haddii click rate hooseeyo → hagaaji CTA
8.
Ka Fogow Khaladaadka Caamka ah
Ganacsiyo badan ayaa ku fashilma
email marketing sababahan:
Dirista badan oo xanaaqa keena, Email aan
mobile-friendly ahayn, Content aan qiimo lahayn
CTA aan caddeyn, Liis email oo aan la kale saarin, dhamaantood waxay keeni
karaa inuu guul darayso email marketing kii aad samaysay oo aad gaadhi kari
waydo ujeedkii aad ka lahayd.
Gunaanad
Email marketing guuleysta ma aha
kaliya inaad dirto email balse waa dhisidda xiriir iyo bixinta qiimo joogto ah,
Haddii aad dhisto liis tayo leh oo aad qorto subject line xooggan bixiso
content faa’iido leh oo aad isticmaasho automation si joogto ah u cabirto
waxaad si dhab ah u kordhin kartaa iibka iyo kalsoonida macaamiisha waana halka
wax kaste ka bilaabmaan.



11 Comments
mansha allah
ReplyDeletekulkees
ReplyDeletehaa sax
ReplyDeletegood morning
ReplyDeletehilght ore
ReplyDeletehaa sax
ReplyDeletemorning sax
ReplyDeletegood lucky
ReplyDeletekulo
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletedire mon
ReplyDelete