Online Business
Online
business waa shaqo kaste business kaste oo internetka ka dhex dhaca kaasi oo ah
wax iibin, wax iibsi ama wax is dhaafsi u dhexeeya laba dhinac oo kale duwan, online
business waa id ka mid ah ganacsiyada ugu muhiimsan maanta oo aan laga maarmi
karin kaasi oo dhaqaale badan soo baxeeya bulsho badan ku tiirsan tahay
xilligan la joogo halka markii hore aan aad loo adeegsan jirin, online business
inaad samaysa maanta aad ayay u fududay oo ma arka sidoo kale wax soo saarkeedu
waa mid heer sare oo aad noloshaada ku kafayn karto wakhtigan la joogo, wuxuu
leeyahay qaybo badan oo kale duwan oo aad kaad doonto bilaabi kartid adigu.
Haddaba
waxaan halkan kusoo gudbin doonaa qaar ka mid ah noocyada online business ee
aad wakhtigan la joogo samayn karto adiga oo waliba gurigaaga jooga oo aan meel
kale qabanin, sidaad u samayn karto iyo nooca aadka loogu baahan yahay ee
wakhtigan suuqa fiican heli, sidoo kale khasaaraha iyo faa’idada ayaan ka hadli
doonaa, online hadaad maanta lahayd wixii aad ku bilaabi lahayd, waxa lagaga
baahan karo si aad u bilowdo, sidoo kale shuruudaha aad raaci karto si aad guul
uga gaadho mustaqbalka dhaw.
Waxaa jira
habab badan oo online business kuwaasi oo lacag ku samayn karto, waxaa ka mid ah
iibinta alaabaha, samaynta contents iyo bixinta adeegyada kale duwan ee ay
bulshadu u baahan tahay, kuwaasi waa qaar ka mid ah online business ka maanta
banaan sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo badan oo aad maanta bilaabi kartid, inaad
business online ah bilowdaa maaha shaqa adag ee shaqo kaliya u baahan inaad
leedahay xirfadii loo baahna ee suuqa ka banaanayd, sidaasi darteed marka hore
hal xirfad si fiican oo heer sare u ah u baro, waxaad arki doontaa iyada oo cid
kaste kuu baahan tahay oo adiga lagu raadinayo meel kaste oo shaqadaa laga
qabanayso waayo xirfadii ayaad leedahay.
1-Selling Product
“iibinta alaabta”
Iibinta
alaabta waxa weeye wax kaste oo la taaban karo inaad si online ah u iibiso,
adiga oo kaliya waxaad u baahan tahay inaad samaysato meel dadku kaala soo
xidhiidhaan side facebook page ama tiktok iyo kuwa la midka ah halkaasi waxaad
kusoo bandhigaysaa alaabta aad iibinayso kadibna qofkaste oo kulasoo xidhiidha
si online ayaad uga iibinaysaa, waadna u dhiibaysaa, idinka oo aan is arag
qofka alaabta rabo, waa shaqo bilaw ilaa dhamaad aad qaban karto adiga oo
gurigaaga joogaa oo aan meelna tagin, waxay ku xidhan tahay hadba waxaad
iibinayso iyo suuqa uu haysto.
1.ecommerce:
waa iibinta alaabta warshadu samaysay iyo alaabta kale hab online ah, waa hab
fudud oo aad alaabta si online ah ku iibinayso adiga oo samaysanaya website aad
ku xayaysiiso alaabta si aad u hesho macaamiil joogto ah oo kugu kalsoon, sidoo
kale waxaad isticmaali kartaa social media sida facebook ama tiktok kuwaasi aad
ku yeelan karto dad kugu xidhan oo macaamiil kuu noqon kara,
2.Droppshipping: waa iibinta alaabta
cid kale leedahay adiga u samaynayaa xayaysiin si aad uga faaido khidmad waxkast oo aad
iibiso waxaad samanaysaa website ku gaar ah kaasi oo aad ku xayaysiin karto
waxaad iibinayso, marka lagaa soo dalbadana waxaa ku xidhaysaa cidi alaabta
iibinaysay adiga khidmad ku leh alaabta kaste oo aad websitekaaga soo galiso oo
la iibsado, sidaasi waxaad ku samayn kartaa ganacsi aad isku xidhayso dadka alaabta
leh iyo kuwa u baahan, waana suuq banaan oo aad ka faa’idaysan karto haddii aad
diyaar u tahay oo aad leedahay xirfadaha muhiimka ah ee looga baahan yahay.
3.Affiliate Marketing: waa samaynta suuq geyn adiga isticmaalaya linkiyo online si aad uga hesho commission qofkasta oo soo raaca linkigaaga oo wax iibsada, waxaana inta badan adeegsada shirkadaha iibiya product sida amazon iyo kuwa la midka ah , sidoo kale waxaas adeegsan kara kuwa service ka bixiya, waxay ku siinayaan link adiga kuu gaar ah waxaanad ka helaysaa khidmad qofkaste oo raaca linkigaaga ka dib iibsada alaabtaasi, commission ka ay bixiyaa wuu kale duwan yahay sida caadiga waa 20% shay kaste oo iibiso. Iyana waa online business aad dhaqaale fiican ka samayn karto haddii aad haysato dad badan oo kugu xidhan.
2-Creating
content
Content creation waa inaad
samayso xog sida maqaalada, muuqaalada ama wax kaste oo nuxur leh oo bulshada
loosoo gudbinayso, mid kaste oo ka mid ah si gaar ah ayaan uga hadli doona oo u
faahfaahin doonaa, balse si guud waa inaad soo gudbiso wax kaste oo bulshadu
baahi u qabto kuwaasi aad dhaqaale ka samayn karto adiga oo gurigaaga jooga.
1-Blogging:
bilaabida blog ama wargeys si aad dadka ula wadaagto aragtidaa, blog waxaad ku
qori kartaa maqaalo kale kuwaasi oo aad u soo galin karto si maalinle ah,
mawduuc kaste oo doonta ayaad ka hadli kartaa, waxaad helaysaa akhristayaal
kugu xidhan badan, markaste oo aad soo galiso maqaal cusub, sidaasi darteed
waxaad heli kartaa xayaysiin kale duwan oo badan sidaasi ayaanad dhaqaale
fiican kaga samayn kartaa.
2-writing waa inaad
noqoto qof sidiisa u shaqaysta ama qorto buugaag si aad dhaqaale uga samayso, qoristu
waa muhiim waayo waxkaste waxay rabaan in la qoro wakhtigan, taasina waxay ka
dhigaysaa mid aad loogu baahan yahay oo aan laga maarmi karin, haddii aad
barato xirfadan waxaad ka samayn kartaa dhaqaale fiican adiga oo gurigaaga
jooga.
3-podcast: waa inaad samayso muuqaalo iyo dhagaysi faaido leh, kuwaasi oo bulshada wax faa’ido leh usoo gudbinya, waxaad duubi kartaa barnaajidyo dhagaysi oo tayo sare leh, kuwaasi oo bulshadu baahi u qabto adiguba dhaqaale fiican ka samayn karto, maaha shaqo adag oo u baahan qarash badan oo lagu bilaabo balse waxaad ku bilaabi karta wax ee aad hayso, sidoo kale waa shaqo qaban karto adiga oo gurigaaga jooga oo aan meel kale qaban.
3-Providing Services
Service waa in adeeg loo
baqto bulshada adeegaasi oo ah mid loo baahan yahay, waxaad qaban kartaa
adeegyo badan oo kale duwan kuwaasi oo mid kaste u baahan yahay xirfad isaga u
gaar ah, hadaba halkan waxaan kusoo gudbin doonaa adeegyo badan oo kale duwan
oo aad dhaqaale fiican ka samayn karto adiga oo gurigaaga jooga.
1-vertual assistance: waa
caawinta dadka kale sida inaad ka caawiso samaysta emailada iyo balamaha kale,
sidoo kale waxaad ka caawin karta inay xaliyaan cilladaha computer kooda ku
dhaca adiga aan la joogin, waa shaqo fiican oo aad samayn karto adiga oo
gurigaaga jooga.
2-online courses: waa bixinta casharada qaab online adiga oo aan la joogin dadkaad wax barayso ee ugu gudbinaya qaab online ah, waxaad samayn kartaa casharo duuban oo aad u dirto qofkaste oo u baahan adiga oo dhaqaale fiican ka qaadaya.
3-coaching waa tababarida
dadka iyo la talintooda idinkaan wada joogin markaa qaab online ah, waxaad bari
karta sida oo jimicsado sidoo kale xirfadaha kale ee muhiimka ah sida fagaare
ka hadal ayaad dadka ka caawin kartaa adiguna dhaqaale fiican ka samayn kartaa
waliba qaab online ah.
4-Socail media management waa
maamulida social media shirkada sida facebook ama Instagram kuwaasi aad masuul
ka noqonayso inaad si maalinle ah wax usoo galiso iyo inaad dadka ku xidhan
siiyo xogta ay rabaan ee ku saabsan shirkadaa, waa shaqo fudud oo kuu banaan
adiga o guriga joogana aad samayn karto.
5-Online personal trainer tababarka dadka si ay jidhkooda u dhistaan, ama xirfad kale oo muhiim ah waxaad ka helaysaa khibrad iyo waayo aragnimo fiican oo ku saabsan dadka badan ee aad tababartay mudada aad ku jirtid shaqadaa, waxaad ku bilaabi kartaa adiga oo jooga gurigaaga.
Sidoo
kale waxaad qaban kartaa shaqooyinka oo dhamantod ah kuwa fudud aad gurigaaga ku
samayn karto.
·
Selling art
·
Developing apps and websites
·
Creating subscription boxes
·
Developing a niche product
·
Selling music
·
Doing voiceover work
·
Becoming an ad consultant



12 Comments
ok mansha
ReplyDeletehey
ReplyDeletegood luck
ReplyDeletemansha lahh
ReplyDeleteho head
ReplyDeletehaaye
ReplyDeletehier
ReplyDeletekaala
ReplyDeletepost
ReplyDeletehi hoia
ReplyDeletewaaan wala
ReplyDeletelah insh a
ReplyDelete