Sanadkan waa kaaga sanadka
riyooyinka, horumarka, iyo guulaha cusub!
Sanadkaste waa fursad cusub oo aad noloshaada ku hore marin
karto waa jaanis ilaahay ku siiyey si aad u samayso is bedel kaasi oo ah
dhamaan nolosha qaybaheeda kale duwan, sanadka bilaabmaya 2026 maxaa ku qorshe
ah? Muxuu kaga duwanaan karaa Sanadihii aad hore usoo martay ee badnaa? Ma
leedahay riyooyin aad rabto inaad ka rumayso ama gaadho? Makuu qoran yahay
qorshe cad oo sanadkaasi ku hawl gali karto? Ma garan kartaa waxaad rabto iyo
meesha aad u socoto? Dhaman su’aalaha iyo qaar kale oo badan ayay naftaada
kaaga baahan tahay inaad ka jawaabto intaanu bilaabmin sanadkani oo ay aanay
wax badan ka hadhin.
Waxa lagaa rabaa inaad sanadkan samaysato qorshe dhamays
tiran o sheegaya waxad qaban doonto iyo waliba sidaad u qaban doonto, waayo
haddii aanad samaysan waxaa la kulmi kartaa caqabado cusub oo badan kuwaasi oo
aanad markii qorshe ka lahayn, taasi waxay keenaysaa inaad gaadhi waydo waxaad
rabtay oo wakhtigu kugu dheeraado, ama aad rumayn kari waydo waxaad doonaysay
inaad gaadho, markaasi waxa waajib kugu inaad lahaato qorshe cad oo qoran kaasi
oo kugu hagi kara dariiqa guusha.
Waxaa lagaa rabaa inaad sanadkan ka dhigto mid ka duwan kuwii hore kuuso maray oo dhan, hadday tahay dhinaca waxbarashada, dhinaca caafimaadkaaga, dhinaca shaqada iyo dhinaca dhaqaalahaba, haddii aad ku guulaysato inaad intaasi isbedel ku samayso waxaad helaysaa isbedel dhamaystiran kaasi oo dhinacaya noloshaada oo dhan, taasina waa ujeedka ugu weyn ee maanta u socono, sidaasi darteed ku dhiiro inaad isku daydo isbedelkaasi balaadhan.
1.
Bilow Cusub, Fursad Cusub
Sanadka 2026 waa bog faaruq ah oo
aad ku qori karto sheeko cusub, Waxaad haysataa fursad aad ku noqoto nooca ugu
fiican ee naftaada, “Horumarku ma aha meel la gaadho waa safar joogto ah.” Safarkaasi intuu socdo waxaa ka lagaa rabaa
samir, dulqaad, kalsooni iyo inaad qorshe leedahay, kaasi oo ku geyn kara meeshaad
rabto, sanadka cusubi waa fursad cusub oo kaaga baahan inaad ka faa’idaysato, samayso
qorshe cad iyo hadaf aan is bedelaynin, si aanad u lumin fursada cusub.
2. Rumayso Naftaada
Waxaad awood u leedahay wax kasta oo aad maskaxdaada geliso, Cabsidu waa joojiyaha guusha, laakiin rumaysnaantu waa furaha guusha, “Haddii aad rumaysan tahay, hore ayaad u socotaa.” Naftaada aamin oo rumayso waayo waa furaha guushaada, haddii aanad naftaada aaminsanayn ma jirto guul aad gaadhi doontaa, sidaasi darteed ogow wax kaste waxay ka bilaabman rumaynta naftaada iyada ayaa ah furaha guushaada, dhiiri gali naftaada yar markaste oo aad caajis dareento gudahaagu ha noqdo mid xamaasadi ka buuxdo markaste oo damac leedahay, kaasi astaanta guusha ku gaadhsiin karta.
3. Ku Qaabee Himilooyinkaaga Fikraddaada
Qor hadafyadaada, u qaybi
talaabooyin yaryar, samee hal shay maalin kasta, talaabooyinka yaryar waxay kuu
horseedaan guulo waaweyn! Maanta 1 talaabo, Berri 2 talaabo, Dhamaadka sannadka
adigaa hoggaaminaya, qorshe fiican waa astaan hore marin, inaad qorshe cad yeelata
waxay ku saalaxaysaa inaad meel fiican gaadhi karto muddo aad u yar, waxaad helay
jaanis markaste oo aad tahay mid diyaarsan, waayo waxba kaa dayacmi maayaan, qorshe
yaal badan ayaana meel kuu yaala markaste, qor himiladaada iyo meesha aad
doonayso maanta si aad u gaadhi karto beri, waayo qorshe qoran ayaa ah wadada kaliya
ee aad ku xaqiijin karto hadafkaaga.
4. Naftaada U
Naxariiso
Guuldaro ama dib-u-dhac waa qeyb ka
mid ah safarka; ha ka quusan, Waxaad ka barataa khaladaadka, waxaadna ka sii
xoog badan tahay! “Guusha dhabta ah waa inaad kor usoo kacdo mar kasta oo aad
dhacdo.” Inaad meel sare gaadha kama dhigna inaanad waliga kufin, balse waxay
ka dhigan tahay inaad dedaalayso oo maalin kaste dhib la kulmi karto, taasi waa
nolosha caadiga ah, naftaada meel xun ka ilaali adiga oo u naxariisanaya markaste
hana ku qasbin waxaanay awoodin, waliba adiga oo dedaal muujinaya.
5. La Wadaag Farxadda & Jacaylka
Farxadda iyo guushaada ha ilaaliya
qoys, saaxiib, iyo bulshadaada, Adiga oo dhisaya naftaada, waxaad dhiseysaa
kuwa kale. “Jacayl iyo taageero ayay noloshu u baahan tahay ha yaraanin.” Waxaad
la dedaal degtaa dadka saaxiibka ku ah ee kaa ag dhaw markaste, waxaad samaysataa
munaabad kuu gaar ah taasi oo aad naftaada kula farxaysa maalinkaagi gaarka kuu
ah, adiga oo cidna wax ka sugin balse naftaada aamin san, taasi waxay ka qayb
qaadan kartaa kalsoonida aad naftaada ku qabto, waxayna noqon kartaa astaan guul.
Sanadka 2026 Waa
Sanadkaaga!
U noqo qof firfircoon, Raadi fursad kasta oo cusub, Ha joojin barashada, Xusuusnow noloshu waa safar, ma aha tartan, Hadal Kugu Habboon: “Maanta waa fursad cusub waan bilaabayaa, waan ku dadaalayaa, waan guuleysanayaa.”, haddii aad doonayo inaad meel sare gaadho faldan raaco qorshe cad aad dajisay adigu waayo ma jiro qof kale oo aad isku jiho tihiin, safarkaagu adiga ayaa gooni kuu yahay, si maalinle u samee isbedel yar oo aad adigu qortay, sanadkan waxaad xaqiijin karta wax kaste oo ku qorshaysan haddii dedaal la timaado.
Gunaanad
Sanadkan waa sanadkii riyadaada ee gaadhi lahayn wax kaste oo
aad doonayso haddii aad raacdo talaboyinka aad raacdo, haddii aad qorato qorshe,
naftaada horumariso, maalinkaste wax cusub barato, dhaqaale fiican samayso,
waxbarato waxaad xaqiijin karta hadaf kaste oo aad leedahay waliba muddo aad u
yar oo kooban, sanadka qor qorshe ku gayn kara meeshaad rabto, kaasi oo kuu sheegaya
wax kaste oo lagaa baahan yahay si aad ujeedkaaga u gaadhi karto muddo kooban, waliba
waxaad samaysa plan A iyo B si haddii mid guul daraysto aad ka kale ugu bedeli
kartid oo aanad meel dhexe ugusoo dhicin iyo cidlo, rumaynta naftaada waxay
qayb ka tahay inaad guul gaadho waayo waxaad ku shaqaynaysaa kalsooni aad xad
lahayn, waana sababta ka dambeysa inay dad qaar guulaystaan markiiba, sidoo fikirka
iyo himilada aad leedahay waa muhiim inay yihiin qaar ku haboon meeshan joogto
ama deegaankaaga oo aan ka hor imanayn, sidoo kale dadka kugu xeeran waa muhiim
waayo waxaad markaste noqonaysaa dadka aad la saaxiibka tahay oo kama badbaadi
kartid haddii aad dad xun xun la saaxiibto ee way ku saamaynayaan, ugu dambeyn naftaada
aamin oo ku dhiiri gali inay samayn karto wax kaste oo doonayso haddii aad
tahay qof naftiisa aaminsan waxaad gaadhaysaa meel sare, waayo kalsoonidu waa
furaha guusha.



29 Comments
guul
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletegoood job
ReplyDeletehighly perf
ReplyDeletegood lucky
ReplyDeletefidh
ReplyDeletefike
ReplyDeletehiyu
ReplyDeletefirst sight
ReplyDeletefrom sona
ReplyDeletedilayue
ReplyDeletehi from viva
ReplyDeleteguulkasa
ReplyDeletemansha alah
ReplyDeletefdi
ReplyDeletehiy
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletehire
ReplyDeletewaakan
ReplyDeletemansha llajh
ReplyDeleteok
ReplyDeletekul
ReplyDeletehamblakpo
ReplyDeletefiican
ReplyDeletehi
ReplyDeleteok
ReplyDeletehi
ReplyDeletehaaye hag
ReplyDeletethnks pro
ReplyDelete