Dhibaatada
dhaqaale la’aanta
Dhaqaale-la’aantu waa xaalad marka
bulshada ay la kulanto shaqo la’aan, saboolnimo, adeeg bulsho oo liita iyo
ilaha dhaqaale oo xadidan. Soomaaliya waa meel ka mid ah meelaha dhibkan
saameeyey, oo dadkeedu waxay la tacaalayaan xaalado adag, oo dhaqaale xuma ka
mid tahay kuwaasi oo keeni kara dhibaatooyin kale oo kasii daran Qodobbada ugu
waaweyn ayaa ah: shaqo la'aan baahsan, saameynta cimilada iyo
abaaraha, iyo musuqmaasuqa iyo hanaan maamul xumo.
Shaqo la’aantu waa sababtu ugu badan
ee keenta dhaqaale xumada intaa leeg, way jiri karaan dhibaatooyin kale oo keeni
kara dhaqaale xumada laakiin tan ayaa ka badan dhamaan inta kale, marka ay sidaasi
tahay waxaa fiican in marka hore xal loo raadiyo shaqa la’aanta haysata
bulshadeena gaar ahaan dhalinyarada, kuwaas oo wajahaya mushkilado bulsho oo
badan, haddi arintaasi xal loo helo waa hubaal in kuwa kalena la maareyn karo
si uun,
Shaqo la’aanta, dhibaatada cimilada iyo musuq maasuqu waa saddexda tiir ee ugu weyn marka laga hadlayo dhaqaale xumada bulshada, taasi micnaheedu waa in haddii saddexdaas xal loo helo laga badbaadi dhibatoyin kale oo badan kuwaasi oo markaste daba socda kuwan, maanta waxaan maqaalkeena kaga hadli doonaa sidii xal loogu heli lahaa 3 dhibaato ee haysta bulshada maanta, inaga oo mid kaste sharaxayna wuxuu yahay iyo looga badbaadi karo dhibkiisa.
1. Shaqo la’aan baahsan
Heerka
ka-qaybgalka dhaqaale ee ragga wuxuu yahay qiyaastii 33%, halka dumarka ay
tahay 12% oo kaliya, Dhaqaalaha dalka wuxuu ku tiirsan yahay ganacsiga yaryar,
beeraha iyo xoolaha, halka warshadaha rasmiga ah ay yar yihiin. Tani waxay hoos
u dhigaysaa fursadaha shaqo, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka qalin-jabiyay, Shaqo
la’aantu waxay keentaa saboolnimo baahsan, tahriib, khataraha amniga
(fal-dambiyeed), iyo hoos u dhac guud oo ku yimaada tayada nolosha bulshada,
markay dhaqaale xumo laga hadlaayo waxa ugu weyn ee keenayaa waa shaqo la’aanta
baahsan ee bulshada haysata, taa micnaheedu waxa weeye haddii xal loo helo
shaqo la’aantaasi, in laga bixi karo dhaqaale la’aanta, markaa waxaa muhiim ah
in lagu dedaalao sidii dhalin yarada shaqo abuur loogu samayn lahaa si looga badbaadi
dhibkaasi dhaqaale xumada ee bulshada haysata. Si guud bulshada qaybaheeda kale
duwan gaar ahaan habeenka oo ah laf dhabarta bulshada oo haddi ay shaqo fiican
helaan ka fiican markaste raga waayo dumarku xaga dhaqaalaha way kaga fiican
yihiin.
2. Saameynta cimilada iyo abaaraha
Soomaaliya waxay la kulantay abaaro halisku ah Sanadihii u dambeyey, taasoo saameysay in ka badan 7.8 milyan oo qof qiyaastii kala bar dadka dalka, Abaarta waxay saamaysay xoolo, beeraha iyo ilo kale oo dhaqaale, taasoo keentay cunno xumo, shaqo la’aan iyo hoos u dhac dhaqaale, Saamayntan cimilada xun waxay lamid tahay "income shock", taas oo sababi karta koror saboolnimo ah ilaa 9 dhibcood oo boqolley ah, sida daraasad maanta ka timid World Bank, waxa fiican markaas laga diyaar garoobo saamaynta ka dhalan karta abaaraha soo noqnoqda, sidoo kale cimilada is bedelaysaa waxay keeni kartaa abaara kale, haddi taasi dhacdana waxaa hubaal in laga dhaxli karo dhibaatooyin kale, si guud abaaraha iyo cimilada xumaatay waa calaamad muujinaya si xaalku noqon karo, iyada oo aan waxba laga qaban karin aan ka ahayn u diyaar garow, waa wadada kaliya ee looga badbaadi karo labadan dhibaato ee wada socdo, waana in qorshe fiican laga yeesha sidii loogu hor tagi lahaa ama saameyntooda loo yarayn lahaa, maadaama aan wax kale laga qaban karin.
3. Musuqmaasuq iyo maamul xumo
Soomaaliya
waxay ka mid tahay waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka waxay ku jirtaa
kaalinta 179aad ee 180 dal, iyadoo ka hooseysa wadamada kale ee sub-Sahara, Maamul
xumo, musuqmaasuq iyo nidaam hawleed oo liita waxay ka hortagaan maalgelinta,
dowlad dhiska iyo wada shaqaynta caalamiga ah, Sidoo kale, nidaamka saxda ah ee
canshuuraha iyo adeegyada bulshada ma fuli doonaan, taasoo sare u qaadaysa
kharashaadka horumarinta iyo adeegyada bulshada qodob muhiim ah oo xadidaya
shaqo abuurka iyo isbeddelka.
Maamul xumo musuq ma kala hadhaan inta badan waa laba wada socda, waayo haddii uu maamulka meesha ka jiraa xumaado waxaa qasab ah inuu musuq sameeyo, waana sababta ay inta badan u wada socdaan labadaasi, oo haddii mid la waayo ay qasab tahay in ka kalena la waayo, Somalia waddan musuqa caan ku ah ilaa heer uu noloshii ka mid noqdayba, taasi waxay keenysaa waa dhaqaale xumo oo ah mawduucan ka hadlayno maanta, marka ay sidaasi tahay si dhaqaale xumadaasi looga baxo waxaa ka horaysa in musuqa la yareeyo ama la baabi’iyo hadday suura gal tahayna, waayo meel musuq ka jiro horemar kama suura gali karo sidaan wada og nahay.
Gebogebo
Dhibaatooyinka dhaqaale-la’aanta
Soomaaliya waa kuwo is xidhan oo hubaal haddii mid la Hagaajiyo kuwa kalena way
hagaagi karaan:
- Shaqo la’aan:
Fursado shaqo oo yar, dhalinyaro la’aan dhaqaale oo keenta saboolnimo iyo
niyad-jab wada socda.
- Cimilada xun:
Abaaraha iyo roob la’aanta oo burbur ku keena ilaha dhaqaale iyo nolosha
bulshada waayo nolosheenu xoolaha ayay ku xidhan tahay.
- Maamul xumo:
Musuqmaasuq iyo nidaam maamul oo liita ka hor istaaga koboca, maalgelinta,
iyo adeegyada bulshada waayo dhaqaalihii ma gaadhayo bulshadii u baahnayd.
Xalka waxaa ka mid ah: abuurista
shaqooyin rasmi ah iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada, maalgashiga
kaabayaasha dhaqaale si loo xoojiyo caafimaadka, waxbarashada iyo beeraha, iyo
horumarinta nidaam maamul oo hufan oo lala dagaallamo musuqmaasuqa, intaasi oo
wada socotaa waxay keeni kartaa in dhaqaale xumadaasi si yar looga bixi karo.
Gunaanad
si Soomaaliya ay uga gudubto dhaqaale-la’aanta
waxay u baahan tahay tallaabooyin isdaba-joog ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin:
shaqo-abuur firfircoon, iskaashi bulsho iyo caalami ah, la dagaalanka
musuqmaasuqa, iyo horemarin dhinaca caafimaadka, deegaanka & cimilada. dhaman
kuwaasi waa macquul haddii la mideeyo awoodaha bulshada, dowladda, iyo
hay’adaha caalamiga ah.
Waa laga
gudbi karaa dhamaan dhibatoyinkas haddii si dhab ah loo waajaho loona xil saaro
dad aqoonteedi leh oo garan kara xalalka macquulka ah, ugu horeyn waxaa laga bilaabi
karaa shaqo la’aanta oo ah ta ugu daran sidaan soo sheegnay waayo haddi iyada
la xaliyo kuwa kale way fudud yihiin xalkoodu, sidoo kale saamayta cimilada,
abaaraha iyo musuq waa la maarayn karaa,
shaqo abuur fiican wuxuu xalin karaa dhibkaasi oo dhan haddi si dhab ah
loo qorsheeyo loona fuliyo, taasi bededkeeda musuq oo la yareeyo wuxuu keeni karaa
is bedel fiican



5 Comments
hi
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletehi
ReplyDeletemansha allah
ReplyDeletewuu
ReplyDelete